You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Israa’iil oo sheegtay in la helay maydadka lix ka mid ah lahaystayaasha u xirnaa Xamaas

War ka soo baxay ciidamada difaaca Israa’iil ayaa lagu sheegay in maydadka lixda qof laga helay maalinimadii Sabtida ee shalay, dhuun marta dhulka hoos tiisa, meel ku dhaw Rafax.

Kooban

Israa'iil oo sheegtay in la haystayaal la dilay

Tebin toos ah

  1. Diyaarad Ruushku lahaa oo burburtay oo la ogaaday in aanay cidina ka badbaadin dad kii saarnaa

    Kooxaha gurmadka ee bariga fog ee dalka Ruushka ayay san u suurtagalin in ay helaan cid ka badbaaday burburka diyaarad nooca qumaatiga u kacda ah oo ay saarnaayeen 22 qof oo u badan dalxiisayaal.

    Diyaaradda ayaa la waayay Sabtidii kaddib markii ay ka kacday garoon diyaaradeed oo ku dhaw magaalada Vachkazhets ee jasiiradda Kamchatka.

    Goobta oo caan ku ah dalxiisayaasha, ayaa waxa kaloo lagu arkaa qarxyada Foolkaanada oo aalaaba ku soo laalaabata dhulkaas, laakiin illaa hadda ma cadda sababta burburka diyaaradda keentay.

    Shillalka noocan ah ayaa ku soo laablaabta bariga fog ee Ruushka, waxana ka jirta xiliyada qaar cimilo xun. Sedex sano kahor 8 ayaa dhintay markii dyaarad siday dalxiisayaal ay ku burburtay haro ku taala Kamchatka.

    Diyaaradda burburtay ayaa ahayd Mi-8T waxana raadaarka laga waayay Sabtidii iyadoo sida 19 dalxiise iyo sedex shaqaale ah.

    Burburka diyaaradda ayaa laga helay maanta oo Axada hilly, sida uu aaladda Telegram uu soo dhigay gudoomiyaha gobolka Kamchatka Vladimir Solodov.

  2. Masar oo ashtako kale oo ka dhanna Itoobiya u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

    Wasiirka Arimaha Dibadda wadanka Masar Dr. Badr Abdelatty ayaa bayaan u diray u Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo ka ashtakoonaya hadalladii ugu dambeeyay ee uu ka jeediyay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abi Axmed, arinta labada dal ku muran san yihiin ee webiga Nile.

    Wasiirka ayaa ku gacan sayrey go’aannada kali qaadashada ah ee Itoobiya ku dhaqaaqday ee baal marsan xeerrarka iyo shuruucda caalamiga ah, kana hor imaanaya heshiisyadii horey arintan looga galay ee dhexmaray Masar, Suudaan iyo Itoobiya sanad kii 2015, waa sida lagu qoray bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Masar.

    Bayaanka ayaa lagu sheegay in Masar si buuxda u diidan tahay hadal kii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Abi Axmed ee ku saabsanaa in sanad kan qayb ahaan la buuxin doono biyo xireenka ay ka sameysay webiga Nile, waxayna ku tilmaantay mid aan sinnaba loo aqbali karin.

    “Masar waxay si dhow ula socotaa xiisaddan, waxeyna diyaar u tahay in ay qaado dhammaan go’aannada iyo tallaabooyinka uu u damaanad qaaday Axdiga Qaramada Midoobay, si ay u difaacdo jiritaankeeda, awoodda dadkeeda iyo danaheeda” ayuu lagu yiri bayaanka.

    Guddiga Sare ee Biyaha Niil ayaa kulan ay yeesheen todobaadkii hore waxaa shir gudoominayey Ra’siul Wasaaraha, waxa ayna xaqiijiyeen in Masar xaq u leedahay in ay difaacdo amnigeeda biyaha, ayna qaado tilaabooyinka lagama Maarmaanka ah.

    Bayaanka ayaa sidoo kale lagu yiri hadallada kicinta ah ee Itoobiya darsikeeda kula dhaqmayso waxa uu khatar ku yahay amniga gobolka.

    Xiisadda gobolka, gaar ahaan tan u dhaxeysa Masar iyo Itoobiya ayaa meel sare gaartay kaddib markii todobaad kii hore uu Abi Axmed sheegay in sanad kan qayb ahaan ay buuxin doonaan biyo xireenka ay ka dhisayaan webiga Nile, iyo taageerrada Masar siineyso Dawladda Soomaaliya oo iyana waayahan xurguf kala dhaxeysay Itoobiya kaddib markii horraan tii sanad kan ay is af-garad la saxiixatay Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

  3. Labo qof oo kamid ah dad saaka ku dhaawacmay qaraxyo ka dhacay Beledxaawo oo loo qaaday magaalada Mandheera

    Warrarka laga helayo magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in labo qarax oo saaka ka dhacay suuqa la yiraahdo Farjano ee magaalada ay ku dhaawacmeen illa 5 qof, sida uu BBC-da u sheegay weriye jooga magaalada.

    Labo kamid ah dadka waxyeelladu soo gaaray oo dhaawacoodu cuslaa ayaa loo qaaday isbitaal ku yaala magaalada xuduudda Kenya ku taala ee Mandheera.

    Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda labada qarax oo u muuqday kuwo la dhigay maqaayad laga shaaho, waxaase qaraxyada noocan ah lagu yaqaanaa kooxda Al-Shabaab.

    Ma jiro isna wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada oo lagu faahfaahinayo sida ay waxa uga dhaceen suuqa.

  4. Bangiyada iyo Shirkaddaha Isgaarsiinta Soomaaliya oo si dad ban uga jawaabay eedeyn uga timid Al-Shabaab

    War Saxaafadeed goordhow ka soo baxay Bangiyada iyo Shirkaddaha Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in aanay jirin cid ay kula shirkoobeen ama ay faa’iido wadaag kula noqdeen, ama hadda ay kula yihiin canshuurta laga qaado ama horey looga qaadi jiray shakhsi ama ganacsi.

    Warka ka soo baxay Bangiyada iyo Shirkaddaha Isgaarsiinta ayaa yimid xili maanta ay ku egtahay diginin kooxda Al-Shabaab hawada u marisay Shirkaddaha iyo Bangiyada, kuwaas oo ay ku eedeeyeen in Dawladda ay kala shaqeeynayaan, isla markaana ay kula shirkoobeen canshuurraha la soo rogay ee tan iibku u dambeysay.

    Afhayeenka Kooxda Sheekh Cali Dheere oo Axaddii hore hadlay ayaa sheegay in muddo todobaad ah ay haystaan waxa uu ugu yeeray Bangiyada iyo Shirkaddaha Dawladda kala shaqeynaya canshuur ururinta, gaar ahaan tan u dambeysay ee dhaqan galkeedu bilowday ee iibka.

    Kooxda ayaa digniinteeda ku sheegtay in ay tallaabo ka qaadi doonaan cid kasta ee ka hari waysa, waxa ay ugu yeereen boobka hantida dadweynaha, iyagoo muddo todobaad ah u qabtay Shirkaddaha iyo Bangiyada, muddadaas oo maanta ku eg.

    War Saxaafadeedka Shirkaddaha Isgaarsiinta iyo Bangiyada ayaa sidoo kalo loogu baaqay in cid kasta oo saameyn leh looga baahan yahay in ay xil iska saarto, si wadajir ahna loo fahmo muhiimadda ay leeyihiin illaha dhaqaalaha ee wadanku ku taagan yahay.

  5. Ugu yaraan labo Israa’iiliyiin ah oo lagu dilay toogasho ka dhacday Daanta Galbeed

    Ugu yaraan labo Israa’iiliyiin ah ayaa la dilay kaddib markii rasaas lagu furay gaarigooda meel ku dhow magaalada Hebron ee Daanta Galbeed ee la haysto, sida laga soo xigtay saraakiisha Israa’iil maanta oo Axada.

    Milatariga ayaa xaqiijiyay weerarkan, iyagoo sheegay in sedex kalena ay ku dhaawacmeen, waxayna ciidamada ammaanku baadi goobayaan kuwii weerarka geystay.

    Goor dambbe Adeegga Gurmadka Degdeg ah ee Israa’iil ayaa sheegay in labo qof la dilay, mid sedexaadna si xun loo dhaawacay.

  6. Israa’iil oo sheegtay in la helay maydadka lix kamid ah lahaystayaasha u xirnaa Xamaas

    Israa’iil ayaa sheegtay in ciidamadeedu heleen maydadka lix la hayste oo gacanta ugu jiray ururka Xamaas Marinka Qasa.

    War ka soo baxay ciidamada difaaca Israa’iil ayaa lagu sheegay in maydadka lixda qof laga helay maalinimadii Sabtida ee shalay, dhuun marta dhulka hoos tiisa, meel ku dhaw Rafax.

    Magacyada maydadka la helay ayay ciidamadu ku sheegeenCarmel Gat, Eden Yerushalmi, Hersh Goldberg-Polin, Alexander Lobanov, Almog Sarusi and Master Sgt Ori Danino.

    Afhayeenka ciidamada Adm Daniel Hagari ayaa sheegay in baarista horudhaca ah ay muujinayso “in ay si xun u dileen argagixisada Xamaas, wax yar kahor inta aanay ciidamadu u tagin”.

    Kaddib markii la xaqiijiyay geerida Mr Goldberg-Polin oo ah muwaadin Maraykan ah ayaa Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden waxa uu sheegay “aad baad uga xumahay, ugana carooday” warka soo yeeray.

    Koox ka tirsan qolooyinka matala qoysaska dadkooda lagu haysto Qasa ayaa ka dalbaday Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu “in uu ummadda la hadlo, qaatana masuuliyadda ka tagista maxaabiista”.