You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka ka socda Laascaanood

Tebinta Tooska ah ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Dagaalka ka socda Laascaanood oo galay maalintii 7-aad iyado dhawaqa hubka culus la maqlayo

    Dagaalka u dhexeeya ciidanka deegaanka iyo millateriga Somaliland ee ka socda magaalada Laascaanood ayaa galay maalintii toddobaad iyadoo dadka magaalada ay ku waabariisteen dhawaqa hubka kala duwan ee la’isku adeegsanayo.

    Dagaalka ayaa saaka weli ka socda bannaanka magaalada iyadoo la soo sheegayo khasaare ka dhashay.

    Weli si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka maaddaama uu socdo saacado kooban.

    Xukuumadda Somaliland ayaa maalin kahor shaacisay in ay diyaar u tahay xabbad joojin aysan shuruudi ku xirnayn iyadoo dhinaca kale ugu baaqday mid taa lamida.

    Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeeyay in dagaalka uu soo qaaday subaxnimadii shalay.

  2. Diyaaradaha dagaalka Maraykanka oo mar kale soo riday shay aan la aqoonsan

    Diyaarad dagaal oo uu leeyahay Mareykanka ayaa shay aan la aqoonsan waxa ay ku soo riday waqooyiga galbeed ee Canada.

    Waxa uu noqonayaa howlgalkii labaad oo noocan ah oo ka dhaca waqooyiga Ameerika maalmo gudahood.

    Saraakiisha Canada ayaa sheegay in shayga yar uu halis geliyay isu socodka hawada rayidka.

    Burburka ayaa la falanqeyn doonaa si dhinacyo badan looga eego.

    Burburkii shay labaad oo Jimcihii laga soo dejiyay Alaska ayaa waxaa baaraya ciidamada Mareykanka.

    Bayaankii ugu dambeeyay ee Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in diyaarado dagaal loo diray si ay u baaraan cillad aan fiicneyn oo hawada ah oo laga helay Montana.

    Waxa ay sheegtay in aan la helin shayga balse saraakiishu ay sii wadi doonaan la socodka xaalada.