You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Putin oo markii ugu horreysay toos u daawaday dhoolatuska hubka Nukliyeerka

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Ruushka oo isu diyaarinaya dagaalkii ugu cuslaa

    Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Ukraine ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay isu diyaarinayaan inay galaan "dagaalladii ugu cuslaa" ee ka dhaca gobolka istaraatiijiga ah ee koonfurta Kherson.

    Ciidamada Ruushka ee ku sugan gobolka ayaa lagu qasbay in ay dib u gurtaan todobaadyadii la soo dhaafay, ka dib markii ay la kulmeen weeraro ka socday dhinaca galbeed ee wabiga Dnipro.

    Oleksiy Arestovych oo ah la taliye sare oo ka tirsan xafiiska madaxtooyada Ukraine ayaa sheegay in Ruushka ay sii xoojinayeen ciidamadooda, islaamarkana ay ku qasbayaan dadka rayidka ah inay halakaasi isaga baxaan.

    Waxaa uu intaa ku daray in dagaalkan uu noqon doono midkii ugu adkaa. Caasimada gobolka Kherson ayaa ku jirtay gacanta ciidamada Ruushka tan iyo maalmihii ugu horeeyay ee duullaanka Ukraine ay ku qaadeen 8 bilood ka hor.

  2. Dowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada Al-Shabab looga dilay howlgal ay fulisay

    Dowladda Somaaliya ayaa sheegtay in xubno ka tirsan Al-Shabab xalay lagu diley weeraro dhacay.

    Bayaan ka soo baxay wasaarada warfaafinta ayaa lagu sheegay in 17 ka tirsan Al-Shabab lagu dilay weeraro qorsheysan oo xalay dhacay.

    Hawlgal qorshaysan ayaa sida lagu sheegay bayaanka ayaa waxa iska kaashanayay Hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamiga ah.

    Howlagalka ayaa ka dhacay sida ay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya sheegtay tuulada Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

    Ma jiraan warar ka madaxbanaan dowladda Soomaaliya oo xaqiijinaya dilka xubnahaasi ka tirsan Al-Shabab.

  3. Meydka haweeney u dhalatay Indonesia oo laga helay Mas calooshiis

    Haweeney ku nool gobolka Jambi ee dalka Indonesia ayaa la sheegay in ay dhimatay oo uu gebi ahaanba liqday Maska Jabisada loo yaqaano, sida ay sheegeen sarakiisha dalkaasi.

    Jahrah, ayaa da'deeda lagu sheegay 50 jir , waxa ayna markii uu Maskaasi liqayay ku sugnayd beerteeda.

    Haweeneydan ayaa la shaaciyay in la waayay ka dib markii ay ku soo laaban waysay gurigeeda habeenkii.

    Maalin ka dib mid ka mid ah dadka tuulada ayaa arkay Maska Jabisada oo ay calooshiisa aad u wayn tahay.

    Dadka deegaanka ayaa markii dambe dilay Maska oo meydkeeda ka soo saaray calooshiisa.

  4. Putin oo markii ugu horreysay toos u daawaday dhoolatuska hubka Nukliyeerka

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa toos u daawaday dhoolastka hubka Nukliyeerka oo ay sameeyeen ciidamada gaarka ah ee qaabilsan Nukliyeerka xilli ay sare usii kaceyso xiisadda kala dhexeyso dalalka Reer Galbeedka kadib duullaanka uu ku qaaday Ukraine.

    Aqalka Kremlink-ka ayaa sheegay in gantaallada Ballistic-ga iyo kuwa gujiska ah ee Nukliyeerka lagu garaacay dhinaca dhulka dhaca bariga fog ee Arctic.

    Dhoolatuskan aya imaanaya xilli Ruushka uu ku eedeeyay Ukraine inay qorsheyneyso in dagaalka ay u adeegsato hubka la yiraahdo "dirty bomb".

    Halka xukuumadda Kyiv ay sheegtay in Ruushka uu isku diyaarinayo in fuliyo weerar noocaas ah.

  5. Muno waxay dalka Shiinaha ku soo baratay sida dharka dumarka loo naqshadeeyo

  6. Aadan Barre oo iska casilay xildhibaanimadii

    Aadan Barre Ducaale ayaa iska casilay xilka xildhibaanimo kadib markii loo ansxiyay wasiirka gaashaandhigga Kenya oo dhawaan madaxweynaha u magacaabay.

    Aadan Barre waxaa laga soo doortay magaalada Gaarisa, waxay ka dhigan tahay in qofkii wasiir loo magacaabo Kenya uusan xilka ka heyn karin dowladda.

    Wuxuu xildhibaan ahaa tan iyo sanadkii 2007. Aadan ayaa sidoo soo noqday hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya. Waa Soomaaligii ugu horreeyay ee xilkaas qabta.

    Waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin aad siyaasadda Kenya uga dhex muuqda oo aan la gabban fikirkiisa.

  7. Dhibaatada heysata dhalinyarada Soomaaliyeed ee Maraykanka

  8. Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka ay dowladda kula jirto Al-Shabaab

    Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay kulaalayaan deegaanka masaajidka Cali Guduud ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo ay dagaallo qaraar todobaadkan bilowgisii ku dhexmareen ciidamada dawladda iyo kuwa Al-Shabaab.

    Dhanka kale Milatarigu waxa uu soo weriyay in 48 kii saac ee la soo dhaafay Al-Shabaaab laga saaray dhawr tuulo oo ka tirsan gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

    Miltariga ayaa iska fogeeyay eedo loo jeediyay tan iyo markii uu bilowday hawgalka cusub ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay iska kaashanayaa miliishiyooyinka qabaa’ilka iyo ciidanka dawladda, kuwaas oo ah inay hubaynayaan qabaa’illo gaar ah.

    Taliyaha ciidamada dhulka Janaraal Maxamed Tahliil Biixi, ayaa weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan uga waramay halka uu marayo duulaanka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo su’aalaha ka soo laabtay dagaalkaasi.

    Halkan ka dhageyso wareysiga:

  9. Booliska Kenya oo soo saarayo meydka haweeney 'geerideeda lala xiriiray waddaad muslim ah'

    Booliska ayaa maanta qabriga kasoo saaraya meydka gabadh British ah oo dalxiise aheyd taasoo labo sano ka hor geeriyootay si loo ogaado sababta ka dambeysay dhimashadeeda.

    Luftunisa Kwandwalla oo 44 jir ah kana soo jeeda magaalada Leicester ee UK ayaa bishii August ee sanadkii 2020-kii ku geeriyootay guriga waddaad daaci ah kaasoo ku yaalla magaalo xeebeedka Mombasa.

    Waxaa markii hore dhimashadeeda lala xiriiray wadno istaag balse qoyskeeda ayaa ku anddacooday in gabadhooda la dilay isla markaana si deg deg ah loo aasay si qariyo caddeymaha.

    Horraantii Bishan ayay aheyd markii maxkamad ay u fasaxday inay baaritaan lagu sameeyo meydka.

    Luftunisa Kwandwalla ayaa Kenya timid sanadkii 2019 si ay usoo booqato qaar kamid ah qoyskeeda, kadib xayiraadihii safmarka Karona ayaa ka hor istaagay inay u safarto UK.

    Gabadha qoyskeeda waxay sheegeen in gabadha lagu dilay guriga daaci ah oo muslim ah kaasoo lagu eedeeyay in uu maamulayay koox qarsoodi ah.

  10. Dad careysan oo dibadbaxyo ka hor dhigaya guriga xildhibaan Juweeriya

    Dibadbaxyo looga soo horjeedo dilka xildhibaan Juweeriya Subcis ayaa ka socdaa Jigjiga kadib markii shaley askari ka tirsan booliska federaalka Itoobiya uu garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga ku dilay xilli uu rasaas ku furay halkaas.

    Dadweyne careysan ayaa hor dhooban guriga xildhibaan Juweeriya, waxay dalbanayaan caddaalad.

    Taliyaha booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in aanan weli la ogeyn sababta uu askarigaas xabadda ugu furay dadkii safrayay, balse uu socdo baaritaan.

    Wuxuu intaa ku daray in gacanta lagu soo dhigay Askariga ka tirsan ciidamada Federaalka Itoobiya ee ilaaliya garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga, kaas oo rasaas uu furay ay ku dhimatay gabar ka tirsaneyd xildhibaannada deegaanka Soomaalida ee dalkaas.

  11. Muxuu Kim Jong-un ka damacsanyahay gantaalladiisa laga cabsado?

  12. Maxkamadda militeriga Soomaaliya oo xukun dil ah ku fulisay xubno 'ka tirsanaa Daacish'

    Maxkamadda militeriga ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay labo nin oo la sheegay inay Daacish ka tirsanaayeen, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

    Waxaana labada nin lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cali Maxamed Faarax iyo Aadan Maxamed Cali Maxamuud, maxkamadda waxay sheegtay in lagu helay dambi ah inay dilal ka gesyeen Muqdisho iyo Boosaaso.

  13. Xasan Sheekh iyo Ruto oo loogu baaqay inay caawiyaan barkacayaasha abaaraha

    Madaxa Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Filippo Grandi ayaa sheegay in loo baahan yahay tallaabooyin deg deg ah siiba Bariga Afrika si loo ilaaliyo tirda sii kordheysa ee dadka ay baro kicinayaan abaaraha iyo iska hor imaadyada.

    Mr Grandi ayaa muddo afar maalmood ah wuxuu ku sugnaa dalalka Kenya iyo Soomaaliya halkaas oo hal milyan iyo bar dad ah ay ku khasbanaadeen inay guryahooda kasoo qaxaan sababo la xiriira abaaraha ba'an kadib afar sano oo isku xigta oo roobabkii aanay di'in.

    Isagoo ka hadlayey shir jaraa'id oo ka dhacay caasimadda Nairobi ayuu ugu baaqay Madaxweyneyaasha labada dal inay si wadajir ah uga wada shaqeeeyaan caawinta dadka kasoo barakacay saameynta abaaraha.

    Waxaa kale oo uu sheegayururada caalamiga ah in mar horeba ay ka digeen gaajada iyo macluusha.

    Sanadkii hore ayaa saraakiisha Kenya waxay ku hanjabeen in ay xirayaan labo xero oo waaweyn oo ay Soomalida ku jiraan iyagoo sheegaya in aanay sii heyn karin qaxootigaa.

    Labadaas xero qaxooti ee Kaakuma iyo Dhadhaab ayaa weli furan , waxaa ku sugan tiro qaxooti ah.

    Dhowr sano oo uusan roobkii la filayay di'in ama meelaha qaar uu aad ugu yaraa ayaa sabab u noqday in bulshooyinka xoolo-dhaqatada ah ee miyiga ku nool ay soo wajahdo cunno-yari iyo biyo-yari.

    Marka laga soo tago xoolaha qoysas badan ka dhammaaday, dadka ayaa ka tagay deegaannadooda kaddib markii ay macluul soo food-saartay.

    Qiyaastii 7 milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa qarka u saaran inay cunto-la'aan ku dhacda, sida ay tabiyeen hay'adaha gargaarka. Tan iyo bishii January ee sanadkan ugu yaraan 448 carruur ah ayaa u dhintay nafaqo-darro, sida lagu xusay xog kasoo baxday hay'adda UNICEF.

    Wararka kale:

  14. Asalaamu Caleykum.

    Kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Caalamka.