You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faahfaahin kasoo baxeysa qaraxyo ka dhacay Beledweyne

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Xidigta caanka ah ee Kim Kardhashian oo lagu ganaaxay lacag dhan $1.26 milyan

    Kim Kardhashian ayaa ogolaatay inay bixiso lacag ganaax ah oo dhan $1.26 million, kaddib markii ay xayeesiisay lacagta digitaalka ah ee loo yaqaan cryptocurrency.

    Guddiga amaanka iyo arrimaha sarifka Mareykanka, ayaa sheegay in Kardashian ay qaadatay lacag gaareysa $250,000 kaddib marki ay sameysay xayeeysiintaasi,iyada oo aan daaha ka qaadin lacagtaas la siiyay.

    Xiddigtan ayaa sidookale sheegtay inaanay sameyn doonin xayeeysiin taa lamid ah.

  2. Madaxweyne wacad ku maray inuu carruurtiisa u dirayo furinta dagaalka Ukraine.

    Madaxweynaha Chechenya, oo ah jamhuuriyad ka tirsan Ruushka, ayaa sheegay in dhawaan sadex carruur ah oo uu dhalay, oo da'adooduna kala ah, 16, 15 iyo 14 uu u diri doono furinta dagaalka Ukraine, si ay ugua garab dagaallamaan ciidamada Ruushka.

    Ramzan Kadyrov, ayaa loo arkaa inuu yahay nin ay aad isugu dhowyihiin madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, inkastoo uu dhawaan dhaliilay hogaanka ciidanka Ruushka.

    Kadyrov, ayaa baraha uu bulshadu ku leeyahay ku sheegay, in ninka ragga ah ay tahay inuu ilmihiisa baro, sidii ay u badbaadin lahaayeen qoyskooda, dadkooda iyo dalkooda.

  3. Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa oo war soo saaray

    Taliska ciidamada Mareykanka ee (Africom), ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in iyagoo kaashanaya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay fuliyeen duqeyn xagga cirka ah oo dhacday 1-dii bishan Octoobar.

    Duqeynta ayaa ka dhacday magaalada Jilib, oo qiyaastii 370 Kilomitir u jirta Koonfur Galbeed Muqdisho.

    Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay hogaamiye ka tirsan ururka Al-Shabaab, isla markaana aysan jirin dad rayid ah oo ku dhintay ama ku waxyeeloobay duqeyntaas.

    Africom ayaa sheegtay inay iyada iyo xulafadeeda ay sii wadi doonaan tallaaba kasta oo looga hor tagayo qorshaha Al-Shabaab iyo weerarada ka dhanka ah dadka shacabka ah.

    Waxay intaa ku dartay in Taliska Ciidamada Mareykanka ay sii wadi doonaan tababarka, talada iyo qalabeynta ciidamada uu ka dhaxeeyo iskaashiga, si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.

  4. Mareykanka oo ka hadlay qaraxyadii ka dhacay Beledweyne

    Mareykanka ayaa war kasoo saaray qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

    War saxaafadeed lasoo dhigay bogga Twitter-ka ee Saraafadda Mareykanka uu ku leeyahay Soomaaliya ayaa lagu yiri:

    "Mareykanku wuxuu cambaareynayaa weerarrada Al-Shabaab ee Beledweyne, oo lala beegsaday saraakiisha dowladda ee ka shaqeynayay sidii ay nabad uga dhigi lahaayeen gobolka iyo shaqaalaha caafimaadka ee u adeegayay dhaawacyada. Waxaan tacsi u direynaa dadka laga dhintay. Waxaan dadka Soomaaliyeed ku taageereynaa dagaalka ay ku raadinayaan nabad iyo mustaqbal fiican."

  5. Agaasimaha isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla Beledweyne oo ka warbixiyay xaaladda

    Agaasimaha isbitaalka gaarka loo leeyahay ee Hilaal ee Beledweyne Maxamed Cabdi Dhoobey ayaa BBC-da u sheegay in isbitaalkooda lasoo gaarsiiyay 14 qof oo ku dhaawacmay qaraxyadii saaka ka dhacay magaalada Beledweyne halka 4 kamid ah dadkaas oo ay xaaladdoodu culeysd loo qaaday Muqdisho.

    Ku dhawaad 30 qof ayaa ku dhaawacantay qaraxyada halka 20 qof ay ku dhinteen.

    Qarax kale oo saddexaad ayaa goordhaweyd ka dhacay bartamaha Beledweyne.

  6. War deg deg ah, Qarax seddexaad oo ka dhacay Beledweyne

    Qarax sedexaad oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa lagu soo rarray ayaa goor dhaw ka dhacay bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

    Qof ku sugan halka uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in gaariga qaraxa uu saarnaa uu ku qarxay meel u dhaxaysa saldhiga booliska iyo suuqa dharka.

    Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa la soo weriyay inkastoo tiro sax ah aan lahayn.

  7. Soomaalida hawlgabka ka noqota shaqada dawladda Itoobiya oo la ogaaday in aysan ku baraarugsanayn qaadashada lacagta hawlgabka

  8. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo si adag uga hadlay qaraxyadii ka dhacay Beledweyne

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si adag u cambaareeyay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan isagoo tacsi u diray qoysaska ay dadkooda uga dhinteen qaraxa.

    Wuxuu amar ku siiyay wasaaradda caafimaadka iyo hay’adaha dowladda inay gurmad deg deg ah u fidiyaan dadka ku waxyeelloobay qaraxyada.

    Ra’iisul Wasaaraha wuxuu sidoo kale ka codsaday shacabka inay sare u qaadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in qaraxyadan ay Al-Shabaab uga golleeyihiin “in ay ku niyad jabiyaan dadka u istaagay dagaalkooda”.

    Ku dhawaad 20 qof ayaa ku dhimatay qaraxyadii saaka ka dhacay Beledweyne.

  9. Tirada dadka ku dhintay qaraxyadii Beledweyne oo korodhay

    Ku dhawaad labaatan qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen labo qarax oo waaweyn oo maanta lala beegsaday xarunta maamulka gobolka Hiiraan ee Beledweyne.

    Dadka dhintay waxa kamid ah wasiirka caafimaadka dawlad goboleedka Hirshabeelle iyo gudoomiye kuxigeenka gobolka Hiiraan.

    Dad ku dhaw sodon qof ayaa iyana la soo sheegayaa inay qaraxyadaasi ku dhaawacmeen.

  10. Waa kuma “dhaxal-sugaha Al-Shabaab ee lagu dilay” duqeynta?

  11. Fallaagada Tigray oo isaga baxay gobolka Amxaarada

    Fallaagada Tigray ayaa sheegay inay isaga baxeen deegaanno ka tirsan gobolka Amxaarada oo ay heysteen muddo ka badan bil.

    Bayaan laga akhriyay teleefishinka Tigray ayaa sheegay in sababta ay ciidamada TPLF isaga baxeen halkaas ay tahay inay u wareegaan goobo kale si ay ‘u xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah ciidamada Itoobiya iyo xulufadooda Eritrea’.

    Dowladda Itoobiya weli kama aysan hadlin arrintani.

    Sawirro lagu qaaday Satellite-ka ayaa muujinayay ciidamo badan iyo saanad militeri oo lagu uruurinayo xadka Itoobiya uu la wadaago Eritrea.

  12. Faahfaahin kasoo baxeysa qaraxii ka dhacay Beledweyne

    Faahfaahin ayaa kasoo baxeysa qaraxii saaka ka dhacay Beledweyne iyadoo dadka ku dhintay qaraxyada Beledweyne ay kamid yihiin wasiirka caafimaadka ee maamulka Hirshabeelle Sakariye Maxamed Axmed iyo Gudoomiye kuxigeenka maaliyadda maamulka gobolka Hiiraan Abuukar Cadillaahi Maadey, sida uu BBC-da u xaqiijiyay gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo laftigiisu ka badbaaday qaraxyada ka dhacay Beledweyne.

    Tirada dhimashada ayaa kor dhaafaysa 10 qof sida illo wareedyo kala duwan ay BBC-da u sheegeen.

  13. Xabaal-wadareedyo laga helay Libya

    Laanta dowladda u qaabilsan xaaladda dadka maqan ayaa sheegtay in xabaal-wadareedyo ay ku aasan yihiin 42 meydad ah laga helay magaalada xeebta ku taalla ee Sirte.

    Lamana aqoonsan meydadka, Waxaana deegaanka laga helay meydadka ka talin jirtay kooxda la magac baxday dowladda islaamka intii u dhexeeysay 2015 ilaa 2016.

    Sanadkii 2018-kii ayay aheyd markii 34 masixiyiin Itoobiyan ah meydadkooda laga helay meel u dhaw magaalada Sirte.

  14. War deg deg ah, Qaraxyo laga maqlay magaalada Beledweyne

    Warrarka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in labo qarax oo waaweyn laga maqlay bartamaha magaalada.

    Qof ku sugan Beledweyne ayaa BBC-da u sheegay inuu arkay dad dhaawac ah, isla maraakana ay xaaladdu cakiran tahay.

    Sida laga soo xigtay dad goobjoog ah labo baabuur oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu weerarray xerada lama galaay oo ku taala bartamaha Beledweyne, dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo weriyay.

  15. Beelo in ka badan 40 sano ku dagaallamayay Galmudug oo heshiiyay

    Magaalada Dhuusamareeb waxaa heshiis nabadeed lagu dhexdhigay laba beelood oo muddo tobannaan sanadood ah ku dagaallamayay deegaanno ay wada-dagaan oo ka tirsan maamulka Galmudug.

    Waxgaradka labada beelood waxay isku-afgarteen in la soo afjaro colaadda mudada dheer u dhaxaysay, waxaana ay ugu dambayntii kala saxiixdeen dhowr qodob oo ay ku heshiiyeen.

    Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in muddo 12 cisho kadib ay u suurtogashay inay heshiisiiyaan beelo 40 sano ka badan ku dagaallaamayay halkaas.

    “Galmudug waxaa ka dhacay heshiis taariikhi ah oo dhexmaray beelo oo in ka badan 40 sano ku dagaallamayay gobolka Galgaduud dhibaato badan iyo khasaare badan ay soo kala gaartay”

    Haddaba goobta uu heshiiska ka dhacay waxaa joogay madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid, oo BBC-da uga warramay qodobada lagau heshiiyay.

    Wararka kale:

  16. Asalaamu Caleykum.

    Kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Caalamka.