You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

William Ruto oo loo dhaariyay madaxweynaha cusub ee Kenya

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Daacuun ka dillaacay gobolo ka tirsan Siiriya

    Qaramada Midoobay ayaa muujisay walaac ku saabsan Daacuun ka dillaacay dalka Siiriya muddo sanado ah, iyagoo sheegay In uu yahay mid qatar ku ah sida loo dhigay gobolka oo dhan.

    In ka badan 900 oo kiisas laga shakiyay ah iyo siddeed dhimasho ah ayaa laga soo weriyay dalkaas uu dagaalku halakeeyay, saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay.

    Daacuunka dillaacay wuxuu ku badan yahay gobollada Aleppo iyo Daar al Zour.

    Waxaa la rumeysan yahay in sababta keentay cudurka ay tahay dadka oo cabaya biyo wasaqeysan oo ka imaanaya webiga Yufrates oo dhexmara gobolaldaas sidoo kalena loo isticmaalo dhinaca tacabka beeraha.

    Sidoo kale, dillaaca cudurkan waxaa loo arkaa mid muujinaya biyo-la’aan aad u baahsan oo ka jirta dhammaan dhulka Siiriya oo ay keeneen isbeddelka cimilada iyo dagaalka.

    Heerkulka sii kordhaya, roobkii oo yaraaday iyo qulqulkii biyaha ka imaanayay Turkiga oo yaraaday ayaa keenay in heer biyaha webiga Yufrates uu hoos u dhaco.

    Wasaaradda Caafimaadka Siiriya ayaa sheegtay Isniintii in in ka badan 20 kiis oo daacuun ah oo ay ku jiraan labo dhimasho ah la xaqiijiyay sida ay sheegeen sheybaarrada gobolka waqooyi ee Aleppo.

    Sidoo kale waxaa jira afar kiis oo kale oo laga xaaqiijiyay gobolka xeebta ee Latakiya iyo sidoo kale labo kiis oo laga helay Dimishiq oo ahaa bukaanno laga keenay Aleppo.

    Si kasta oo ay tahayba Qaramada Midooobay ayaa ka digtay in xoh isha lagu hayo ay muujineyso in guud ahaan ay jiraan 936 kiis oo aad u adag, kuwaas oo ay ku jiraan ugu yaraan siddeed dhimasho ah oo laga diiwaangaliyay dalka Siiriya tan iyo bishii Agoosto.

    In ka badan 670 kiis oo laga shakisan yahay iyo lix dhimasho ah ayaa laga helay Aleppo, halka 201 kiis iyo labo dhimasho ah laga helay gobolka bariga ku yaalla Daar AlZour.

    "Daacuunka dillaacay ayaa ka mid qataro joogto ah oo ay wajahayaan dadka Siiriya iyo kuwa gobolka," ayuu ka digay Imran Riza oo Qaramada Midoobay u qaabilan arrimaha bini’aadanimada ee dalaka Siiriya.

  2. Kooxaha dheelaya horyaalka Champions League

    Waxaa toddobaadkii labaad galay ciyaaraha horyaalka Yurub iyadoo toddobaadkii lasoo dhaafay aykooxo badan wada dheeleen.

    Cawaa ciyaaraha sida weyn isha loogu hayo waxaa kamid ah ciyaarta dhexmari doonto Liverpool iyo Ajax iyadoo toddobaadkii lasoo dhaafay 4-1 ay kooxda Napoli uga badisay ciyaartii ka dhacday garoonka Stadio Diego Armando Maradona.

    Sidoo kale ciyaarta kalena, waa tan dhexmari doonto kooxaha Bayern Munich iyo Barcelona, ciyaartan waxay caawa ka dhaceysaa garoonka Allianz Arena ee kooxda Bayern.

    Ciyaaraha caawa dhici doono

    Liverpool iyo Ajax.

    Bayer 04 Leverkusen iyo Atlético Madrid.

    FC Porto iyo Club Bruges.

    Viktoria Plzen iyo Inter Milan.

    Bayern Munich iyo Barcelona.

    Sporting Lisbon iyo Tottenham Hotspur.

    Marseille iyo Eintracht Frankfurt.

  3. TPLF oo ku eedeysay dowladda Itoobiya in diyaaradaha Drones-ka ay ku weerartay Tigray

    Ciidamada Tigray ee ayaa ku eedeeyay dowladda Itoobiya inay weerarro hor leh ay ka fulisay magaalada caasimadda ah ee Mekelle iyadoo adeegsaneyso diyaaradaha Drones-ka labo maalin uun kadib markii TPLF sheegtay inay diyaar u yihiin wadahadallo lagu soo afjarayo colaadda.

    Dowladda Itoobiya weli kama aysan hadlin eedeymahan loo jeediyay.

    Getachew Reda oo ah sarkaal sare oo ka tirsan TPLF ayaa bartiisa soo dhigay qoraal uu ku sheegayo in diyaaradaha Drones-ka ay duqeeyeen jaamacad ku taalla halkaas.

    Ma jirto war madaxbanaan oo xaqiijinayo arrintani maadama adeegga isgaarsiinta gobolka uu xun yahay.

  4. Baarlamaanka Galmudug oo muddo kordhin u sameeyay hay'adaha maamulka

    Baarlamaanka maamulka Galmudug ee Soomaaliya ayaa kordhiyay mudada ay hay'adaha maamulkaas xilka haynayaan, kaddib markii ay wax ka badaleen dastuurka maamulkaasi.

    Xubnaha baarlamaanka maamul goboledka Galmudug ayaa maanta u codeeyey in sannad dheeraad ah loogu daro maamulka inuu sii shaqeeyo.

    Muddo kordhintan ayey xubnaha Baarlamaanku si aqlabiyad ah ku ansixiyeen.

  5. Sawirrada dhaarinta madaxweynaha cusub ee Kenya

    William Ruto ayaa loo dhaariyay madaxweynaha cusub ee Kenyaa, wuxuu xilka sii heyn doonaa shanta sano ee socota.

    Dad gaarayo 60,000 qof ayaa ku sugnaa garoonka ciyaaraha ee Kasarani oo ay ka dhaceysa munaasabadda caleemo saarka Ruto.

    Uhuru Kenyatta ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyay William Ruto isaga oo gacanta loo geliyay nuqul kamid ah dastuurka iyo seefta muujineysa xil wareejinta.

  6. War deg deg ah, William Ruto oo loo dhaariyay madaxweynaha cusub ee Kenya

    William Samoei Ruto ayaa si rasmi ah loogu dhaariyay madaxweynaha shanaad ee Kenya.

    Waxaana sidoo kale xilka madaxweyne ku xigeenka cusub ee Kenya loo dhaariyay Rigathi Gachagua.

    Ninkii la tartamayay Ruto, Raila Odinga ayaanan ka qeybgalin munaasabadda dhaarinta madaxweynaha cusub isagoo sheegay in uu ‘walaac xooggan’ ka qabo oo ku aadan natiijada doorashada.

    Waxaana munaasabadda caleemo saarka ka qeybgalay madaxweyneyaal dhowr ah oo ka socda Afrika iyo mas’uuliyiin kale.

    Ruto wuxuu helay 50.49% codadkii la dhiibtay ee doorashada, wuxuuna ka adkaaday Raila Odinga oo helay 48.8%.

  7. Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Kenya oo faahfaahin ka bixiyay labis xumadiisa

    Madaxweyne ku xigeenka la doortay ee Kenya Rigathi Gachagua ayaa saaka faahfaahin ka bixiyay sababta uu labiskiisa u xun yahay.

    Rigathi Gachagua ayaa baraha bulshada kala kulmay jees jees ku aadan labis xumadiisa gaar ahaan shaararka iyo dharka isku joogga ah uu xirto.

    Wuxuu warbaahinta gudaha u sheegay in waxa uu diiradda saarayo ay tahay sidii uu qoyskiisa ku ilaalin lahaa una xaqiijin lahaa in William Ruto uu noqdo Madaxweyne.

    Rigathi Gachagua oo saaka ku sugnaa gurigiisa ayaa shacabka Kenya ka codsaday inay u qabtaan muddo saddex bilood ah isla markaana uu iska dhimi doono miisaankiisa sii uu sameeyo isbaddal ku aadan labiskiisa.

  8. Sawirrada: Xafladda dhaarinta maxadweynaha la doortay ee Kenya

    Waxaa dhawaan la filayaa in xilka madaxweynaha Kenya loo dhaariyo William Ruto oo dhawaan la doortay.

    Waxaa garoonka ay ka dhaceyso caleemo saarka madaxweynaha ku sugan kumanaan qof.

    Waxaana sidoo kale caleemo saarka ka qeybgalaya madaxweyne ka socota Afrika iyo mas’uuliyiin kale oo caalami ah.

  9. Raila oo ku gacan seyray codsi uga yimid Ruto

    Raila Odinga ayaa sheegay in uusan ka qeybgeli doonin xafladda caleemo saarka ninka ay sida weyn isaga soo horjeedaan ee William Ruto.

    Wuxuu sheegay in dalka uu ka maqan yahay.

    Raila wuxuu sheegay in William Ruto uu soo wacay kuna casuumay caleemo saarkiisa balse uusan ka qeybgaleyn.

    Raila Odinga wuxuu sheegay in uu rumeysan yahay in guddiga doorashada Kenya aysan qaban doorasho xor iyo xalaal ah isla markaana go’aanka maxkamadda ugu sarreysa uusan ku saleysneyn xaqiiqada iyo sharciga balse uu aqbalay, sida ku cad bayaan uu soo saaray.

    Wuxuu intaa ku daray in isbaheysigiisa mucaaradka ah uu dhawaan shaacin doono tallaabooyinka xiga ee lagu xoojinayo dimuqraadiyadda dalka.

  10. Madaxweynaha la doortay ee Kenya oo maanta la caleemo saarayo

    Maanta ayaa lagu wadaa in la caleemo saaro Madaxweynaha cusub la doortay ee Kenya William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua.

    Munaasabadda madaxweyne William Ruto lagu dhaarinayo oo ka dhaceysa magaalada Nairobi waxaa la filayaa iney ka soo qayb galeen in ka badan 20 madaxweyne oo ka socda qaaradda Afrika iyo caalamka.

    Guddiga dhaarinta madaxweynaha u xilsaaran waxay sheegeen goobta ay ka dhaceyso dhaarinta madaxweynaha ay diyaar tahay.

    Madaxweynaha la doortay ee Kenya william Ruto wuxuu maalinti shalay ahayd uu madaxtooyada kula kulmay madaxweynaha xilka ka degaya Uhuru Kenyatta xilli doorashada looga adkaaday ninkii uu taageerayay oo ahaa Raila Odinga.

    In ka badan 60,000 qof ayaa ka qeybgaleysaa xafladda caleemo saarka madaxweynaha la doortay oo ka dhaceysay garoonka Kasarani Sports Centre ee Nairobi.

    Waxaana kamid ah madaxda ka qeybgaleysa munaasabadda Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  11. Asalaamu Caleykum.

    Kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo caalamka.