You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faahfaahin ku saabsan qaraxyo ka dhacay, Muqdisho, Afgooye iyo Marka

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Gabdho ay Boko Haram afduubatay 8 sano kahor oo la soo helay iyagoo carruur heysta.

    Ciidamada dalka Nigeria ayaa sheegay inay heleen laba gabdhood oo kooxda Boko Haram ay ka af duubteen dugsi sare muddo hadda laga joogo in ka badan sideed sano.

    Waxay ahayd sanadkii 2014-kii, markii kooxdaasi islaamiga ah ku dhawaad 300 oo gabdhood ka qafaasheen magaalada Chibok ee Waqooyi Bari dalka Nigeria.

    Tan iyo xiligaas, inta badan dhibanayaashaasi ayaa la soo daayay, qaarkoodna way soo baxsadeen balse weli tobaneeyo ayaa la la’ayahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

    Labada gabdhood ee haatan la soo helay ayaa waxay wataan carruur, waxayna u muuqataa inay uur qaadeen intii ay gacanta ugu jireen kooxdaasi.

  2. Lavrov oo reer Galbeedka ku eedeeyay cunna yarida ka taagan dunida

    Wasiirka arrimaha dibedda ee Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa waddamada reer Galbeedka ku eedeeyay inay ka dambeeyaan cuntada iyo shidaal yarida ka jirta caalamka, wuxuuna hadalkan jeediyay isagoo ku sugan dalka Itoobiya, oo qeyb ka ah socdaal lix maalmood soconaya oo uu ku marayo Africa.

    Waxaa uu dalka Itoobiya kula kulmay, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya iyo wakiilo ka socda urur diblumaasiyadeedka waddamo kala duwan.

    Goor uu la joogay wakiiladaasi, waxaa uu sheegay in dhibaatada cunta yarida caalamka y bilaabatay bilowgii xannunka Covid-19 kahor dagaalka Ukraine.

    Waxaa uu intaa ku daray in dowladaha reer Galbeedka ay trillion dollar u adeegsanayeen inay ku iibsadaan cunto, iyadoo aysan jirin sabab la taaban karo.

  3. Neymar Jr oo qarka u saaran in xabsi loo taxaabo bil kahor koobka adduunka.

    Muddo sagaal sano ah kaddib markii uu Naymar uu Brazil kaga soo biiray Barcelona, waxaa uu haatan wajahayaa eedeymo la xiriira wax is daba marino ku gedaaman suuqa kala iibsiga.

    Xiddigan ree Brazil oo haatan u dheela kooxda Paris Saint-Germain, ayaa lagu heystaa eedeymo la xiriira khiyaano iyo musuq-maasuq.

    Maxkamadeyntiisa ayaa lagu wadaa inay bilaabato 17-da bisha Oktoobar, markaas oo ay hal bil ka harsantahay tartanka koobka adduunka oo lagu qaban doono dalka Qadar.

    Dhowr ciyaartoy oo kale ayaa sidookale lagu wadaa in la soo taago maxkamad.

  4. Maxay Muslimiinta Kenya u codsadeen in xilka laga qaado wasiirka waxbarashada?

    Hoggaamiyayaasha Muslimiinta dalka Kenya ayaa ku baaqay, in xilka laga qaado wasiirka arrimaha waxbarashada ee Kenya, George Magoha, oo lagu eedeeyay inuu hadal qadaf ah uu ku yiri gabadh Muslim ah oo u shaqeysa telefishinka NTV ee Kenya laga leeyahay.

    Muuqaal si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa la arkayay wasiirka oo weydiinaya gabadha weriyaha ah qofka ay tahay ka hor inta uusan ka jawaabin su’aal ay weydiisay. Sidoo kale waxay arrintaan caro ka dhex abuurtay mujtamaca muslimiinta kenya. Cabdiraxmaan Ismaaciil oo ah xubin sare oo ka tirsan ururka Muslimiinta Kenya ee NAMLEF ayaa BBC-da u waramay.

  5. Xog ku saabsan Ergaygii Qaramada Midoobay ee lagu dilay Muqdisho

  6. Madaxweynaha Faransiiska oo si weyn u dhaleeceeyay madaxda Afrika

    Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa si weyn u dhaleeceeyay hoggaamiyeyaasha qaaradda Afrika xilli uu ka jawaabayay su’aal ku saabsan dagaalka Ukraine isagoo shir jaraa’id ku qabtay caasimadda dalka Cameroon ee Yaoundé.

    Macron wuxuu soo hadal qaaday waxa uu ku tilmaamay ‘munaafaqnimada qaaradda Afrika’ ay ku diiday in waxa ka taagan Ukraine uu yahay dagaal.

    Qaar kamid ah dalalka Afrika ayaa ka gaabsaday inay dhaleeceeyaan duullaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine, bishii March ilaa 17 dal oo Afrikaan ah ayaa ka aamusay codeyntii ka dhacday Qaramada Midoobey ee lagu cambaareeyay duullaanka Ruushka.

    Emmanuel Macron ayaa hadalkan sheegay xilli la kulmay madaxweynaha Cameroon Paul Biya.

  7. Weerarkii ay Israa'iil, Britain iyo Faransiiska ku qaadeen Kanaalka Suez ee uu Mareykanku fashiliyay

  8. Faahfaahin ku saabsan qaraxyo ka dhacay, Muqdisho, Afgooye iyo Marka

    Ugu yaraan 13 qof oo uu kamid yahay gudoomiyihii degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose, Cabdillaahi Cali Waafow ayaa ku dhintay weerar isqarxin ah oo maanta lagu qaaday xarunta maamulka degmada Marka, sida laga soo xigtay dad goobjoog ah.

    Dad goob joog ah waxay BBC u sheegeen in ugu yaraan 6 qof ay ku dhinteen qarax maanta ka dhacay suuqa ariga ee degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose.

    Maamulka isbitaalka degmada Afgooye ayaa laga soo xigtay sheegay in lasoo gaarsiiyay dhowr iyo toban qof oo dhaawac ah.

    Gaari la rumaysan yahay in lagu diyaarinayay waxaayabaha qarxa ayaa ku qarxay xaafad ku taallad degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

    Waxaa qaraxaas ku dhintay labo qof ay saraakiisha amniga ay ku sheegeen inay ka tirsanaayeen Al Shabaab.

  9. Soomaalida aan cunin hilibka kalluunka ee ku nool xeebaha

  10. Dheemaan noociisu dhif yahay oo laga helay dal ku yaalla Afrika

    Macdan qodayaal ku sugan waqooyi Bari dalka Angola ayaa helay Dheemaan noociisu dhif yahay oo la rumeysan yahay in uu yahay midkii ugu weynaa abid ee deegaankaas laga helo muddo 300 sano ah.

    Dheemaankan midabkiisa waa (Pink ah) ama Basali, shirkadda laga leeyahay Australia oo ka howlgalaysay goobta laga soo qoday ayaa ugu magac dartay The Lulo Rose.

    Waxay shirkadda sheegtay in waaxda suuqeynta Dheemaanka ee dowladda Angola ay iibin doonto.

    Dowladda Angola ayaa soo dhaweysay Dheemaanka, waxay sheegtay in arrintani ay muujineyso in Angola ay door weyn ku leedahay soo saarista macdanta Dheemaanka ee caalamka.

  11. Qarax lagu dilay guddoomiyihii degmada Marka

      • Author, Ibrahim Aden
      • Role, BBC Africa, Mogadishu

    Ugu yaraan 9 qof oo uu kamid yahay gudoomiyihii degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose, Cabdillaahi Cali Waafow ayaa ku dhintay weerar is-qarxin ah oo maanta lagu qaaday xarunta maamulka degmada Marka sida laga soo xigtay dad goobjoog ah.

    Nin isku soo xiray walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay xarunta degmada, sida laga soo xigtay maamulka gobolka Shabeellada Hoose.

    Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa, waxayna intaa ku dartay inay khaarajiyeen gudoomiyihii magaalada Marka Cabdillaahi Cali Waafow.

  12. Dhulgariir xooggan oo ku dhuftay dalka Philippines

    Dhulgariir xooggan ayaa ku dhuftay waqooyiga dalka Philippines gaar ahaan jasiiradda Luzon.

    Waxaa ku dhintay 4 qof halka ay ku dhaawacmeen 16 qof.

    Guryo iyo dhismayaal badan ayuu burburiyay dhulgariirka.

    Dhulgariirka waxaa sidoo kale laga dareemay magaalada caasimadda ah ee Manila.

    Madaxweynaha dalka Philippine, Ferdinand Marcos Junior, ayaa ku baaqay in sare loo qaado tallaabooyinka uu dalkiisa uga hortaggayo masiibooyinka kaddib dhulgariir ka dhacay waqooyiga dalkaasi oo ay ku dhinteen afar qof.

    Saraakiisha dowladda ayaa sheegay ay burbureen waddooyin badan iyo dhismayaal, gaar ahaan gobolka Abra dhulgariirka ku dhuftay. Sidoo kale dhul go’ ayaa laga soo sheegaya halkaas.

  13. Qaadka ka baxa Sanaag

  14. War kasoo kordhay daanyeerada burcadda noqday iyo booliska Japan

    Saraakiisha ku sugan galbeedka dalka Japan ayaa sheegay inay qabteen oo ay dileen daanyeer la rumeysan yahay inuu ka tirsan yahay daanyeero burcad ah oo argagax geliyay shacabka dalkaas muddo toddobaadyo ah taasoo keentay in tobanaan qof ay dhaawaceen.

    Booliska ayaa arkay daanyeerka oo dhex ordaya barxadda dugsi sare oo ku yaalla halkaas, booliska ayaa halkaa ku toogtay.

    Saraakiisha ayaa shacabka ugu baaqay inay feejignaadaan.

    Booliska dalka Japan ayaa ka hortagaya daanyeerro weeraray xaafado ay dad deggan yihiin.

    Ilaa 42 qof oo ah caruur iyo waayeel ayey wararku sheegayaan in ay daanyeerradaas dhaawaceen.

    Hase yeeshee, weerarka daanyeerrada oo markii hore ahaa kuwa dhif ah ayaa haatan ku soo batay dalka Japan waxaana arrintaas ay noqotay mid kheyrul-caadi ah.

  15. Shiinaha oo Mareykanka ugu hanjabay arrin ku saabsan Taiwan

    Waxaa jiraa warar laisla dhexmarayay oo sheegayay in in afhayeenka golaha aqalka wakiilada Mareykanka Nancy Pelosi ay qorsheyneyso inay booqasho ku tegto Taiwan, arrintaas oo si weyn uga careysiisay Shiinaha islamarkaana Mareykanka ku noqotay madax xanuun.

    Shiinaha ayaa ku hanjabay in booqashadaas ay ka dhalan doonto ‘cawaaqib halis ah’ waa haddii Nancy Pelosi ay booqasho ku tegto jasiiradda Taiwan.

    Mrs Pelosiayaa noqoneysaa siyaasigii ugu sarreeyay ee Amerikaan ah oo u safra jasiiradda Taiwan tan iyo sanadkii 1997.

    Shiinaha wuxuu u arkaa Taiwan gobol ka tirsan dhulka Shiinaha isla markaana aysan ka go’i karin.

    Xukuumadda Bejing ma aysan sheegin in suurtagalnimada arrintani uu si awood ah ku fulin doono.

    Maamulka Biden waxaa lagu soo warramayaa inay isku dayayaan sidii Nancy Pelosi ay isaga dhaafi laheyd safarka.

    Toddobaadkii lasoo dhaafay, madaxweyne Joe Biden wuxuu weriyeyaasha u sheegay in ‘militariga uu arrinta u maleynayo qorshe aan wanaagsaneyn’ balse wuxuu Aqalka Cad ku tilmaamay hadallada Shiinaha ee ku saabsan safarkaas ay yihiin ‘kuwa aan wax tareyn oo aan loo baahneyn’

    Wasaaradda arrimahada dibadda ayaa sheegtay in Nancy Pelosi aysan shaacin safarkan balse mowqifka Mareykanka ee qadiyadda Taiwan ay tahay arrin aan weli isbaddalin.

  16. Nin doonayay in uu iibiyo carruurtiisa oo la xiray

    Aabe doonayay in uu iibiyo saddex carruur ah uu dhalay oo kamid dadka Albino ee uu maqaarka cas yahay ayaa lagu xiray dalka Moazmbique xilli uu ku gorgortomayay qiimaha uu ku iibin lahaa carruurtiisa, sida ay sheegeen booliska.

    Ninkan iyo walaalkii ayaa lagu xiray gobolka dhaca galbeedka Mozambique ee Tete.

    Dadka Albino ee maqaarka jirkoodu cas yahay ee dalka Mozambique ayaa la dilay iyadoo jirkoodu la adeegsanayo arrimo dhaqan diinta la xiriirta ah.

    Afhayeenka booliska Luciano da Câmara ayaa sheegay in labo qof oo lagu waday in aabaha ay carruurta ka iibsadaan la xiray.

    Wuxuu intaa ku daray in saddex carruurta oo ay da’doodu tahay 10, 13 iyo 16 jir laga soo qaaday gurigooda isla maarkaana la afduubtay si looga iibiyo ninkaas.

    “Waxaa carruurta la doonayay in lagu iibiyo $39,100 oo doolar” sida uu sheegay afhayeenka booliska.

    “Waxaan qaadnay tallaabo, waxaa na loo xaqiijiyay qorshaha lagu iibin rabay carruurta” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.