You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Xogtii ugu dambaysay ee xaaladda Joe Biden oo uu ku dhacay cudurka COVID-19

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Waa sidee xaaladda Joe Biden oo laga helay COVID-19

    Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa laga helay cudurka Covid-19, waxa una hadda ku karantiilan yahay Aqalka Cad.

    79 jirkan ayaa horay si buuxda looga tallaalay fayraska, labo jeer ayuuna soo qaatay tallaalka Covid.

    Hadda waxa uu leeyahay calaamado "aad u xaddidan" oo muujinaya cudurka, waxa uuna sii wadan joogaa gudashada waajibaadkiisa, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre.

    "Madaxweynaha Mareykanka ayaa qaadanaya dawada Paxlovid oo ka hor tagta inuu cudurku jirka waxyeello ba'an u gaysto," ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka kasoo baxay afhayeenkiisa.

    Marwada Koowaad ee Mareykanka, Jill Biden, ayaa sheegtay in seygeeda "uu fiican yahay", iyadana laga waayay xanuunka.

    Sida uu qabo xeerka Aqalka Cad, madaxweynaha ayaa shaqada wadan doona isagoo karantiil ku jira, ilaa cudurka laga waayo, sida ay shegetay Ms Jean-Pierre.

    Shirarka ayuu uga qayb geli doonaa qaab maqal iyo muuqaal ah, isagoo adeegsanaya Zoom.

  2. Gantaallo laga soo riday Turkiga oo ku dhacey dalka Ciraaq

    Telefishinka dowladda Ciraaq, ayaa sheegay in siddeed qof oo ay ku jiraan labo carruur ah ay ku dhinteen, 23- kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii Turkigu ay ku garaaceen madaafiic gobolka Zaho ee waqooyiga dalkaas.

    Mushir Bashir oo ah mas’uul katirsan gobolka, ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in dadka dhintay ay u badnaayeen “dalxiisayaal ka yimid bartamaha iyo koonfurta dalkani.

    Mushir Bashir ayaa sheegay in tuuladooda in laba jeer ay kusoo dhaceen madaafiic.

    “Madaafiicda Turkiga ayaa sideed qof ku dilay, 23 kalana way ku dhaawacmeen deegaan loo dalxiis tago ee Parakh,” sida uu sheegay Bashir.

    Sarkaal katirsan ismaamulka Kurdida, ayaa sidoo kale sheegay in shan qof ay ku dhinteen dabka. Bashir waxa uu intaa ku darey in dalxiisayaashu ay u yimaadeen tuulada buuraleyda ah ee Parakh, si ay uga badbaadaan kuleylka ba’an ee ka jira koonfurta dalka Ciraaq.

    Amiir Cali oo ka tirsan saraakiisha caafimaadka, ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan saddex rag ah, iyo saddex dumar ah iyo sidoo kale labo carruur ah.

    Ilo wareed katirsan wasaaradda difaaca qaranka Turkiga oo la hadlay AFP, ayaa sheegay inuusan waxba kala soconin madaafiicda lagu garaacay goobta.

    Turkigu ayaa tan iyo bishii April waday hawlgalka Claw-Lock, ee ka dhanka ah xubnaha PKK ee waqooyiga Ciraaq.

  3. Maxay yihiin sababaha keenay dabka ka kacay Yurub?

    Dab xoog leh ayaa ka socda Yurub oo dhan, halkaasoo kuleylka uu sii xoojiyey wajiga abaareed ee jira.

    Inkastoo uu heerkulku uu hoos u dhacay dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska, dab damiska ayaa wali la tacaalaya dabka ka kacay Giriiga, Spain, iyo Talyaaniga.

    Dabka ka kacay Faransiiska, ee sida u halakeeyey koonfur-galbeed ee dalkaasi, ayaa la bilaabay in la xakameeyo.

    Iyadoo kuleylka uu u jiheysanayo waqooyi-bari, ayaa heerka biyaha hooseeya wuxuu caqabad ku yahay gaadiidka wabiyada ee Jarmalka.

    Sababaha kiciyey dabka kaymaha Yurub ka holcaya, ayaa waxaa kamid ah:

    -Heer kulka oo kordhay dunida 1.1C

    -Is badalka cimilada

    -Isticmaalka bani’aadamka ee kaymaha oo batay

    Dhanka kale, Ra’iisal wasaaraha Spain, Pedro Sanchez, ayaa sheegay in in ka badan shan boqol oo qof ay ku dhinteen dalkiisa, sababo la xiriira heerkulka oo si weyn u kordhay dalkani.

    Dhimashadan tirada badan, ayaa timid maalin kadib markii maamulka caafimaadka ee dalka Portugal ay soo sheegeen in in ka badan kun dhimasho oo dheeri ah, oo lala xiriirinayo kuleylka isla muddadaas. Heerkulka ayaa si degdeg ah u kordhay illaa iyo 40 degree.

    Dabka kacay ayaa wali kasii ololeynaya dalka Spain, iyo qeybo kaloo kamid ah Yurub, oo ay ku jiraan dalalka Giriiga, Talyaaniga, Slovenia iyo koonfurta galbeed ee dalka Faransiiska.

    Wasiirka beeraha ee Faransiiska, ayaa sheegay in loo baahan yahay in lacag badan lagu bixiyo sidii loola dagaalami lahaa dabkaasi.

  4. Muxuu Putin u baadi goobayaa isbaheysi Carbeed?

    Wargeysyada Ingiriiska, ayaa wax ka qoray safarka Madaxweynaha Ruushka, Vladamir Putin, ee magaalada Tehran ee dalka Iiraan, iyo saameynta uu ku yeeshay caalamka, gaar ahaan colaadda Suuriya, iyo sidoo kale hawl galada ciidan ee Israa’iil ka dhanka ah.

    Ugu horeyn, wargeyska Telegraph, oo taabtay warbixinta socdaalka madaxweyne Putin, oo ah safarkii labaad ee dibadda ah, tan iyo bilawgii duullaanka dalka Ukraine bishii Febraayo ee lasoo dhaafay.

    “Madaxweynaha Ruushka, oo lagu takooray caalam ahaan dagaalka aan waxba tareyn ee uu kula jiro Ukraine, wuxuu u baahan yahay xulafo ku taageerta colaadda Ukraine,” ayuu wargeysku ku sheegay warbixinta, oo uu qorey Kon Coughin, oo ah tifaftire sare oo dhanka difaaca ah.

    “Weerarka aan loo meel dayin ee Putin ku qaaday dalka ay dariska yihiin ee dhaca Koonfur Ruushka, ayaa caqabad ku keenay saameyntii uu ku yeelan lahaa shirarka caalamiga ee la isugu yimaado, halka dhaqaalaha Ruushka uu dhibaato kasoo gaarey saameynta cunaqabateynta adag ee Reer Galbeedka,” Coughlin ayaa hadalkiisa intaa sii raaciyey.

    Waxa uu rumeysnaa in “xaqiiqda dhabta ah ee dhibaatooyinka maaliyeed ee maamulka Moscow la ogaaday bishii hore, markii Ruushku uu ku guul dareystay deynta dibadda markii ugu horeysay tan iyo kacaankii Bolshevik”.

    Godoominta caalamiga ah ee maamulka Moscow, ayaa waxey ka muuqatey taageerada xadidan ee ay soo jiidatey codbixintii Qaramada Midoobay ee bishii Maarso, si loo cambaareeyo duullaanka Ukraine.

    Khabiir Coughlin, oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamey in afar dowladood ay ku taageereen dagaalka dalka Ruushka, kuwaasoo kala ah Waqooyiga Kuuriya, Eritrea, Suuriya iyo Belarus, oo dhammaantood ah dowladdo kaligii taliyeyaal ah.

    Hadafka ugu weyn ee dowladda Iran ee shirkani, ayaa ah in la baaro haddii ay suurta gal tahay in xoogagga is haya ay meel iska dhigaan khilaafaadkooda, oo ay u midoobaan hal arrin, oo ah sidii ay isaga caabin lahaayeen cadaadiska dalalka Reer Galbeedka.

  5. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay inay qaadayaan ‘guluf weyn’ oo ka dhan ah Shabaab

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay inay isku diyaarinayaan sidii ay ku qaadi lahaayeen ‘guluf weyn’ oo ka dhan kooxda Shabaab kadib markii maanta Muqdisho uu kula kulmay wakiilo ka socday Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika.

    “Ra'iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya isu diyaarinayso guluf weyn oo ka dhan ah kooxaha argagaxisada, si loo furo waddooyinka muhiimka u ah gargaarka iyo isu-socodka, isagoo dalbaday isku-xirnaan iyo wadajir dhinaca hawlgallada ah” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

    Xamse ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddiisa ay dib u habeyn ku sameyn doonto arrimaha maaliyadda si looga hortaggo Shabaab.

  6. “Ma garanayo dalka aan u dhashay ee aan muwaadinimo u raadsan doono”

  7. Dabka oo weli kusii faafaya Yurub

    Dabka ka kacay qeybo kamid ah qaaradda Yurub ayaa weli kusii faafaya halkaas xilli kuleyl daran uu ka jiro Yurub.

    Inkasta uu hoos u dhac ku yimid heer kulka ka jiray Faransiiska iyo UK, kooxaha dab damiska ayaa weli la daalaa dhacaya daminta dabka ka kacay keymaha ku yaalla Giriigga, Spain iyo Talyaaniga.

    Dabka wuxuu si ba’an u saameeyay deegaannada dhaca koonfur galbeed Faransiiska kaas oo haatan la damiyay.

    Dalka Giriigga, ku dhawaad 500 oo kamid ah kooxaha dab damiska ayaa ku howlan daminta dabka ku baahay buurta Mount Penteli kaasoo gaaray ilaa caasimadda Athens.

    Boqolaal qof ayaa laga daadgureeyay deegaanno dhaca Giriigga xilli diyaaradaha khumaatiga u kaca ayaa sidoo kale ka qeyb qaadanayaa daminta dabka.

    Dabka ayaa baabi’iyay keymo ballaaran oo ku yaalla qaaradda Yurub.

  8. Abaarta Soomaaliya: "Labo carruur ah ayaa waddada iiga soo dhimatay"

    Waxa sii kordhaya tirada dadka ka cararraya deegaannada ay sida ba’an u saameysay abaarta ku dhufutay waddanka Soomaaliya, iyadoo boqollaal qoys oo cusub ay ku biirayaan xeryaha dadka gudaha ku barakacay ee ku yaala magaalooyinka waaweyn.

    Magaalooyinka ay dadkaasi ku soo qulqulayaan waxa kamid ah Baydhabo oo xeryaha ku yaala ay markii horeba marti galinayeen kumannaan qof oo marar kala duwan ka soo qaxay colaaddaha iyo abaarraha is xigxigay ee ku dhuftay gobollada Koonfurta.

    Qoysaskaasi inta ay waddada ku soo jireen waxa gaajo iyo cudurro ugu dhintay qaar kamid ah caruurtooda.

    Faadumo Cali oo labo caruura ay ka dhinteen ayaa BBC-da uga warantay sida ay caruurteedu ku dhinteen iyo dhibtii ay waddada ka soo mareen ka hor inta aanay Baydhabo soo gaarin.

    Waxay sheegtay in carruurteeda ay uga dhinteen nafaqo darro iyo cunto la'aan kadib abaarta ee saameysay halkaas.

    "Waan soo lugeynay shan canug ayaa naga soo dhimatay, saddex dadka dariskeyga waaye, labana aniga ayay iga dhinteen, waan soo lugeyneynay, gaari ma aanan wadanin"

    Halkan ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran:

  9. Ruushka oo weli gantaallo ku garaacayo Ukraine

    Ciidamada Ruushka ayaa sii wada gantaallada a ay ku garaacayaan magaalooyinka Ukraine.

    Saraakiisha ku sugan gudaha ayaa kusoo warramayaa in la beegsaday goobaha ay ku nool yihiin dadka rayidka ah.

    Labo qof ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay tiro kalena lagu dhaawacay magaalada Nikopol ee dhacda waqooyiga gobolka Crimea ee uu Ruushka ka qabsaday.

    Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in gantaal lagu garaacay gobolka Odesa uu geystay khasaare nafeed halkaas.

    Maamulka caasimadda Kyiv ayaa sheegay in Ruushka uu shacabka Ukraine si qasab ah uga musaafurinayo halkaas isla markaana uu u daabulayo goobo aan la ogeyn oo ka tirsan dhulka Ruushka.

  10. Haweeney lacag xaday oo sixiroole u tegtay si ay xabsi uga badbaado

    Haweeney u dhalatay dalka Kenya oo lagu eedeeyay inay lacag ka xaday saraakiil ka tirsan dowladda ayaa laga soo xiray guri uu degenaa nin sixiroole ahaa si ay ugu badbaado halkaas oo aan loo xirin, sida ay sheegeen booliska.

    Booliska waxay sheegeen in la xiray haweeneyda iyo ninkii sixiroolaha ahaa xilli ay ku sugnaayeen guri caan ah oo sixiroolaha lahaa oo ku yaalla caasimadda Nairobi.

    Saraakiisha dambi baarista ayaa sheegay in haweeneyda la dhex galiyay weel uu ka buuxo dhiig shimbir.

    Waaxda dambi baarista ee Kenya ayaa barta Twitter-ka ku baahisay qalabkii uu adeegsanayay sixiroolaha.

    Haweeneyda ayaa lagu eedeeyay inay xaday $33,700 doolar ah iyo qalabka la isku qurxiyo ay ka xaday guriga saraakiisha dowladda.

    Waxaana lagu raad joogay haweeneyda tan iyo bishii lasoo dhaafay.

    Booliska waxay dambiilayaasha uga digeen inay aadaan sixiroolayaasha si ay uga badbaadaan booliska.

  11. Sheekada ku saabsan xarigga Ilhaan Cumar

    Ugu yaraan 17 xubnood oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee Congress-ka Mareykanka ayaa la xiray xilli ay ka qeyb galayeen mudaaharaad ay ku taageerayeen xuquuqda ilmo iska soo rididda kaasi oo ka dhacay Washington.

    DC. Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib iyo Ilhaan Cumar ayaa ka mid ahaa dadka lagu xiray xilli ay dibadbax ka dhigayeen meel u dhaw Maxkamadda Sare.

    Booliisku waxay la wadaageen war cusub ku dhawaad ​​saacad ka dib waxayna sheegeen in 35 qof loo xiray "Dadka, is-hortaagga ama soo-gelinta," oo ay ku jiraan 17 xubnood oo ka tirsan congress-ka.

    Waxaa ka warramaya weriye Siyaad Saciid Saalax.

  12. Raila Odinga: Looma turi doono cid kasta oo lagu helo musuq maasuqa

    Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga, ayaa sheegay inaan cidna looga turi doonin ololaha ka dhanka ah musuq-maasuqa ee uu ballan qaaday inuu sameyn doono haddii loo doorto madaxweynaha doorashada Kenya ka dhaceysa bisha soo socota.

    Kenya ayaa kaalinta 128-aad kaga jirta qiimayntii ugu dambaysay ee musuqa-maasuqa ee hay'adda Transparency International ay samaysay.

    Raila oo 77-jir ah ayaa u sheegay BBC-da inuu sidoo kale soo bandhigi doono tallaabooyin dhaqaale oo uu dib u habeyn uu ku sameyn doono deymaha si loo badbaadiyo dhaqaalaha.

    Iyadoo wax ka yar bil ay ka harsan tahay doorashada dalka Kenya, ayaa ololaha doorashada wuxuu hadda yahay mid aad u kulul.

    Madaxweynaha hadda talada haya ee Uhuru Kenyatta ayaa hadda dhammaysanaya muddo xileedkiisii ugu dambeeyey, sidaa darteed tartanka madaxtinimo ayaa u dhexeeyaa ku xigeenkiisa William Ruto iyo hogaamiyaha ugu weyn ee mucaaradka Raila Odinga.

    William Ruto ayaa dhankiisa sheegay in uu awood u leeyahay wax ka qabashada caqabadaha haysta dalka Kenya oo aysan waxbo u dhimayn waxyaabihii uu ka gaabiyey madaxweynaha haatan talada haya Uhuru Kenyata.

  13. Sri Lanka oo yeelatay madaxweyne cusub kadib markii uu cararay madaxweynihii hore

    Baarlamaanka Sri Lanka ayaa madaxweyne cusub u doortay Ranil Wickremesinghe oo ahaa Ra’iisul Wasaaraha dalkaas.

    Ranil Wickremesinghe ayaa helay 134 cod halka ninkii la tartamayay Dullus Alahapperuma uu helay 82 cod.

    Waxaa si weyn loo adkeeyay amniga dhismaha baarlamaanka xilliggii ay dhaceysay.

    Howlaha horyaalla Ranil Wickremesinghe waxaa kamid ah in uu hoggaamiyo dalkan uu saameeyay dhaqaale xumida iyo in uu soo celiyo xasiloonida kadib dibadabaxyada ballaaran ee saameeyay Sri Lanka.

    Madaxweynihii hore ee Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa isaga cararay dalka toddobaadkii lasoo dhaafay.

    Weriyeyaasha ayaa kusoo warrameysaa in doorashada Ranil Wickremesinghe ay dibadbaxyo hor leh ka dhaliyaaan magaalada caasimadda ah ee Colombo.

  14. Hoggaamiye muslim ah oo taageeray duullaanka Putin ee Ukraine

    Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in dalkiisa uu xoojinayo xiriirka kala dhexeeyo Ruushka isla markaana sheegay in ku eedeeyay reer galbeedka inay ka dambeeyeen dagaalka Ukraine.

    “Haddii aadan qaadin tallaabada dhinaca kale wuxuu horseedi lahaa dagaalka” ayuu yiri Ayatollah Ali Khamenei.

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa shaey booqday dalka Iran, waana booqashadii labaad ee uu ku tegay dibadda tan iyo markiii uu duullaanka ku qaaday Ukraine bishii February.

    Wuxuu Putin sidoo kale Iran kula kulmay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

    Waxay kulanka kusoo hadal qaadeen dagaalka Suuriya iyadoo Turkiga iyo Ruushka ay kala taageerayaan dhinacyada isku haya colaadda.

    Bishii June, Putin wuxuu booqasho ku tegay dalalka Tajikistan iyo Turkmenistan- waa dal horey uga tirsanaa Midowgii Soofiyeet, waxaana labadan waddan ka ka taliyaa hoggaamiyeyaal kaligood talis ah, saaxib dhaw ayay la leeyiihiin Ruushka.

  15. Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Caalamka.

  16. UK oo diiwaan gelisay heer kulkii ugu darnaa abid

    Britain ayaa diiwaangelisay heer kulkii ugu sarreeyay abid kaas oo gaaray in ka badan 40 Celsius xilli uu kuleyl daran saameeyay guud ahaan galbeedka Yurub.

    Faransiiska ayaa ka digay heer kulka ba’an halka waqooyiga Spain laga diiwaan geliyay 43C.

    Sidoo kale kuleyl daran ayaa laga soo sheegayaa waddamada Belgium, Netherlands iyo Jarmalka.

    Waxaa Yurub ku faafaya dabka ka kacay keymaha dalalka koonfur galbeed Faransiiska iyo Spain.

    Dabka ayaa horseeday in kumanaan qof ay ka qaxaan goobaha uu saameeyay dabka Portugal ilaa Giriigga.

    Labo qof ayaa ku dhimatay waqooy galbeed Spain halka qof kale oo ka cararayay dabka uu ku dhintay waqooyiga Portugal.

  17. Wiil jaamacad ka qalin-jebiyay isagoo xaabo dhabarka ku sita

    Ardey u dhashay dalka Itoobiya ayaa ka qalin jebiyay jaamacad ku taalla dalkaas isagoo ay dhabarka ku sita xaabada cuntada lagu karsado.

    Wiilkan ayaa sheegay in sababta uu arrintan u sameeyay ay tahay sidii uu ugu mahadceliyo hooyadii oo ah qof dadaal badan.

    Ephrem Belete, oo ka qalin jebiyay jaamacadda Addis Ababa gaar ahaan kuliyadda culuumta Koombiyuutarka ayaa maalintii qalin jebinta hooyadii u labisay dharkii qalin jebinta ay aheyd in uu isaga xirto halka dharbarka uu saartay xaabo, sawirka wiilkan ayaa si weyn ugu baahay baraha bulshada Itoobiya.

    “Sababta aan u sameeyay arrintani ayaa ah in amaano hooyadey, nolosheyda waxay lamid tahay midda ay ku nool yihiin malaayiin qof oo Itoobiyaan ah” ayuu yiri Ephrem Belete oo u warramayay BBC-da.

    Dadweynaha Itoobiya ayaa si weyn usoo dhaweeyay muuqaalka laga duubay wiilkan.

    Waaxda arrimaha amniga iyo ilaalinta xogta ee itoobiya ayaa Isniintii shaqo usoo bandhigtay wiilkan balse wuu ku gacan seyray isagoo sheegay in uu doonayo in uu qabto shaqo dhalinyarada khuseyso.

    Duqa magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in shaqo iyo guri usoo siinayo wiilkan.

  18. Fardowso: "Ma xasuusto markii ugu dambeysay ee aan helo cunto aan ka dhargo"

  19. Maxay yihiin biyaha la garan la'yahay ee uu keenay webiga Shabeelle?

    Maamulka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka digay isticmaalka biyaha uu hadda wado webiga Shabeelle ee dhexmara magaaladaasi.

    Maamulka ayaa sheegay in webigu wado biyo ay garan waayeen oo midabkooda iyo urtooduba ka gadisan yihiin biyihii hore ee webiga.

    Biyaha cusub ee uu webigu wado ayaa yimid maalintii shalay ahayd iyadoo illaa maanta la arki karo isbadalka biyaha ka muuqda.

    Guddoomiyaha Beledweyne Cismaan Dhicisoow Dhuubow ayaa BBC u sheegay in webiga uu shaley keenay biyo aan la garaneyn wax lay yihiin.

    “Biyaha waan la yaabay, biyo madoobaad ah biyaha roobkana ma ahan, waa biyo guduud xiga, waxa aan ku tilmaamo ilaa iyo hadda anigu ma hayo”

    Wuxuu intaa ku daray in biyaha ilaa uu webiga wado isla markaana aysan waxbo iska baddalin.

  20. Kuleylka daran iyo dabka saameeyay qeybo kamid ah Yurub

    Waddamada ku yaalla galbeedka Yurub ayaa la sheegayaa maanta oo Talaada ah iney wajahayaan kuleyl daran, iyada oo kuleylka uu ku sii socda waqooyiga qaaraddaasi.

    Dalalka Faransiiska iyo Sapain waxaa lagaga dhawaaqay digniino la xiriir kuleylka, halka waqooyiga Spain laga diiwaan geliyey heer kul gaaraya 43 celcius.

    Dhinaca kale, dabka ka kacay keyma ku yaalla Faransiiska, Portugal, Spain iyo Griigga ayaa horseeday in kumannan shacab ah ay guriyahooda ka qaxaan.

    Inta badan Galbeedka Yurub waxaa ka sii socoda kulayl daran. Dhanka Koonfur-galbeed ee Faransiiska, kooxaha dab-damiska gobolka ayaa la dagaallamaya si ay u xakameeyaan dabka ku faafaya keymaha gaar ahaan xeebaha Atlantic.

    Britain ayaa laga yaabaa inay wajahdo maalinteedii ugu kululeyd abid maanta oo (Talaado) ah iyadoo dadka saadaaliya cimilada ay tibaaxayaan in heerkulka uu gaari doono in kabadan afartan (40) darajo.