You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Saddex arrimood uu Xasan Sheekh Maxamuud u aaday Eritrea

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Ciidamadii Soomaaliya ee tababarka ugu maqnaa Eritrea oo saf loo soo geliyey madaxweynaha Soomaaliya

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah oo afar cisho ah ku jooga dalka Eritrea ayaa booqasho ugu tagay ciidamada Soomaaliya ee tababarka u joogay dalkaas.

    Madaxweyne Xasan oo uu weheliyo madaxweyanaha Eritrea ayaa salaan ka qaatay kumaan ciidamo Soomaali ah oo dalkaas tababar u joogay dhawaanahan.

    Madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii uu xilka wareejinayey ciidankan tiradooda ku sheegay shan kun oo askari , wuxuuna intaas ku daray in mar hore ay tababarka dhammaysteen balse soo laabashadooda dib loo dhigay sababo la xiriira arrimaha doorashada oo xasaasi ahaa.

    Ciidankan ayaa waxaa ka taagnaa muran hareeyey badqabkooda iyadoo ay jireen warra suuqa la geliyey oo sheegayey in ay ka qayb qaateen dagaalkii Tigreega.

    Si kastaba ha ahaatee lama oga waxa xigi doona ka dib booqashada madaxweynaha iyo goorta ay ciidamadaasi dalka dib ugu soo noqon doonaan.

  2. Muxuu yahay hubka uu Ingiriisku ku daldalayo Finland iyo Sweden?

    Britain ayaa diyaarado dagaal u dirtay dalalka Finland iyo Sweden, halkaasoo dhoolatus ciidan oo wadajir ah uu ka socdo.

    Arrintan ayaa timid dhowr toddobaad kadib markii dalalka Finland iyo Sweden ay codsadeen in ay ku biiraan NATO ka dib duullaankii Ruushka ee Ukraine oo billowday bishii Febraayo ee la soo dhaafay.

    Sida laga soo xigtay Wasaaradda Difaaca ee Ingiriiska, tallaabadan ayaa qayb ka mid ah "joogitaanka sii kordhaya ee gobolka", halkaas oo ay hoosta ka xariiqday sida ay UK uga go'an tahay xoojinta awooddeeda difaaca wadajirka ah iyo go'aannada amniga wadajirka ah.

    Xoghayaha Difaaca Britain Ben Wallace ayaa ku tilmaamay labada dal inay yihiin saaxiibo muhiim ah oo dhanka difaaca ah, isagoo muujiyay sida uu u soo dhaweynayo codsigooda ku biirista NATO, halka dhiggiisa Sweden, Peter Holtqvist, uu sheegay in dagaalka Ukraine uu yahay "dhibaato ka jirta deegaanka" oo ay tahay in laga jawaabo.

  3. Maxay tahay sababta xilka looga qaaday masuuliyiin ka tirsan maamulka masaajidka Xaramka?

    Maamulaha Guud ee Arrimaha Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nabiga, Sheikh Abdul Rahman bin Abdulaziz Al-Sudais, ayaa soo saaray go’aan uu xilka kaga qaadayo Agaasimaha Xarunta Warbaahinta sababo la xiriira “waxqabad la’aanta uu ku muujinayo dadaalka maamulka Guud ee Arimaha Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nabiga ee u adeegida martida Ilaahay”

    Xil ka qaadista lagu sameeyay maareeyaha xarunta warbaahinta ayaa timid maalin kadib go’aano kasoo baxay Al-Sudais oo xilka looga qaaday agaasimihii guud ee maamulka iyo kaaliyihiisa oo xilalka laga qaaday. gudan la’aanta waajibaadkii loo igmaday xilli ay ku sii qul qulayaan xujeydu Masjidka Xaramka, sida lagu daabacay bogga maamulka labada Masjid ee Xaramka.

    Sannadkan, mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa u oggolaaday illaa hal milyan oo Muslimiin ah oo qaatay tallaallada ka hortagga Coronavirus inay soo gutaan waajibaadka Xajka, halkaas oo ay isugu yimaadeen tiradii ugu badnayd ee xujaaj ah tan iyo markii uu cudurku dillaacay, waxaana dibadda Sucuudiga ka soo xajiyey 850,000 oo xaaj.

  4. Daawo: Dibadbaxyaasha Sri Lanka ee xoogga ku galay qasriga madaxweynaha ee raaxeysanaya

    Dibadbaxyaasha dalka Sri Lanka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dibadbaxyada kuwaas oo la wareegay guriga madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha tan iyo inta madaxdaas iska casilayaan.

    Madaxweyne Gotabaya Rajapaksa ayaa sheegay in uu is casilayo 13-ka bishan July.

    Dadweynaha ayaa xoog ku galay guriga madaxweynaha iyadoo ay dab qabadsiiyeen guriga Ra’iisul Wasaaraha, waxay ka careysan yihiin saameynta ba’’an ee ka dhalatay dhaqaale xumida ka taagan Sri Lanka.

    Waxaa la arkayay dadweynaha oo isaga damaashadayo gudaha qasriga madaxweynaha, qaarkood waxay ku dabbaalanayeen barkadaha lagu dabbaasho, halka qarkood ay isku kala bixinayeen kuraasta quruxda badan ee guriga madaxweynaha.

    Dadka qaarkood ayaa la arkayay iyagoo turub ku dhex ciyaaro guriga madaxweynaha.

    BBC-da ma xaqiijin karto halka uu ku sugan yahay madaxweynaha.

  5. Booliska Koonfur Afrika oo baaraya toogasho ka dhacday maqaaxi

    Booliska Koonfur Afrika ayaa baarayaa toogashada 15 qof loogu geystay maqaaxi lagu caweeyo oo ku taalla Soweto.

    Booliska ayaa sheegay in dhowr nin oo hubeysan ay gudaha u galeenmaqaaxida lagu caweeyo eek u taalla Orlando East ka dibna ay rasaas ku fureen dadkii joogya goobta taas– oo u muuqatay mid aan kala sooc lahayn – waxaana maqaaxida ku sugnaa dhallinyaro isugu jiray rag iyo dumar.

    Taliyaha booliska gobolka Gauteng, Elias Mawela, ayaa toogashada ku tilmaamay weerar argagax leh.

    Falalka toogashada ah kuma cusbo Koonfur Afrika gaar ahaan dhacdooyinka lala xiriirayo burcadda ama khamriga.

    Dhawaan ayay aheyd markii 21 qof dhalinyaro ahaa medkooda laga helay baar ku yaalla magaalada East London kuwaas loo maleynay

  6. Dibadbaxyaasha oo weli ku sugan guriga madaxweynaha Sri Lanka

    Dibadbaxyaasha Sri Lanka ayaa weli ku sugan dhismaha madaxtooyada, waxay sheegeen inay isaga tegi doonaan halkaas tan iyo inta uu iska casilayo madaxweyne Gotobaya Rajapaksa.

    Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto xaaladda dalka Sri Lanka oo ay dhaqaale xumi ka jirto maalin ka dib markii madaxweyne Gotobaya Rajapaksa uu ka cararay caasimadda markii dibadbaxyaasha ay qabsadeen gurigiisa oo ay dab qabadsiiyeen guriga Ra’iisul wasaaraha.

    IMF waxa ay sheegtay in ay sii wadi doonto la shaqaynta maamulka si ay Sri Lanka uga baxdo qalalaasaha dhaqaale ee ka jira.

    dowladda Mareykanka ayaa siyaasiyiinta dalka Sri Lanka ka codsatay in ay u istaagaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen xasaradaha dhaqaale ee ka taagan waddankooda.

  7. War cusub oo kasoo kordhay ninka loo haysto dilka Shinzo Abe oo sheegay inuu 'hooyadiis u aargudayay'

    Booliska dalka Japan ayaa qiray in uu liitay qaabka loo sugayay amniga Raysul Wasaarihii hore ee dalkaas, Shinzo Abe, kaasoo Jimcadii toogasho lagu dilay xilli uu ku sugnaa magaalada koonfurta ku taalla ee Nara.

    "Lama inkiri karo inay dhibaato ka jirtay dhinaca amniga," ayuu yiri taliyaha taliyaha booliska ee magaalada Nara, oo lagu magacaabo Tomoaki Onizuka.

    Nin ku hubaysnaa qori macmal ah ayaa rasaas ku furay Abe oo ka hadlayay isusoobax siyaasadeed oo qayb ka ahaa ololaha doorashada.

    Fal-dambiyeedkaas ayaa argagax galiyay guud ahaan dadka reer Japan.

  8. Khasaaraha ka dhashay duqeymaha Ruushka uu ka wado Bariga Ukraine

    Shaqaalaha gurmadka deg dega ah ee gobolka Donetsk ee bariga Ukraine ayaa baadigoobaya in ka badan soddon qof oo la rumeysan yahay inay ku hoos jiraan burburka dhismo ay burburiyeen gantaallada Ruushka.

    Barasaabka gobolka, Pavlo Kyrylenko, ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay xiriir la sameeyaan laba qof oo ku hoos xannibnaa burburka,

    Dhismahahn ayaa ku yaallay degmada Chasiv Yar, ee dhacda Kramatorsk.

    Madaxa degmada Kryvyi Rih ayaa sheegay in gebi ahaanba gantaallada Ruushka ay burburiyeen warshad ku taalla halkaas.

  9. Toogasho ka dhacday dalka Koonfur Afrika

    Ugu yaraan 14 qof ayaa lagu soo warramayaa in lagu toogtay baar lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Soweto ee dalka Koonfur Afrika.

    Waxaa sidoo kale toogashadan ku dhaawacmay 10 qof oo kale.

    Taliyaha booliska gobolka Gauteng, Elias Mawela, ayaa sheegay in ciidamada dambi baarista ay gaareen goobta uu weerarka ka dhacay oo ah deegaanka Nomzano Tavern oo dhaca duleedka Johannesburg.

    Wuxuu intaa ku daray in tiro dad ah ay galeen baarka isla markaana ay bilaabeen inay toogtaan dadkii goobta ku caweynayay.

  10. Saddex arrimood uu Xasan Sheekh Maxamuud u aaday Eritrea

    Waxaa maalinkii labaad dalka eriteria booqasho ku jooga madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud .

    Booqashada madaxwaynaha oo ah safarkiisii saddexad ee uu dibadda ku tago ayaa leh ahmiyad gaar ah maadaama ay Eriteria ku sugan yihiin ciidamo badan oo halkaasi lagu tababaray.

    Ciidamadan ayaa waxaa xilligii uu joogay madaxwaynihii hore uu muran badan ka dhashay islamarkaana waxaa imika la rajeynayaa in dalka dib loogu soo celiyo.

    Cumar Yuusuf oo falanqeeya arrimaha Soomaaliya isla markaana ah bare jaamacadeed ayaa BBC-da uga warramaya arrimaha la filayo in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kala hadlo dhiggiisa Eritrea.

    Halkan ka dhageyso wareysiga:

    Maalintii xilka lagu wareejiyay madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ballan qaaday in dalka dib ugu soo celin doono ciidamo Soomaali ah oo tababar ku qaadanayay dalka Eritrea.

    Waxyaabaha uu ballan-qaaday madaxweyne Xasan Sheekh intii aan la dooran waxaa ku jira arrinta dhallinyarada la sheegay in tababar ciidan loo geeyay dalka Eritrea. Dowladdii hore wuxuu ku dhaliilay qaabka ay u maamushay kiiska dhallinyaradaas.

    Hase yeeshee, wuxuu ballan-qaaday in arrinta dhallinyaradaas ay noqon doonto howlaha muhiimadda koowaad u leh maalinta uu xafiiska tago.

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrinta ciidanka tababarka loo geeyay dalka Eritrea markii uu xilka ku wareejinayay Xasan Sheekh Maxamuud.

    Wuxuu sheegay in ciidankaas oo tiradooda ay gaarayso 5,000 oo askari ay isugu jiraan qeybaha ciidanka. Wuxuu xusay in ay tababarka dhameysteen bartamihii sanadkii 2021. "Iyadoo la rabay in la keeno dib baan u dhignay sababtoo ah xaaladda siyaasadeed iyo doorashada aan ku jirnay in ay isa saameyso," ayuu yiri Farmaajo.

  11. Madaxweynihii gurigiisa xoogga lagu galay oo is casilaya

    Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa sheegay in uu xilka ka degayo 13-ka bishan July kadib dibadbaxyadii rabshadaha harreeyay dalkaas.

    Guddoomiyaha baarlamaanka aaaa Mahinda Yapa Abeywarden ayaa lagu wargeliyay is casilaadda madaxweynaha.

    Dadweyne careysan ayaa shaley xoog ku galay guriga madaxweynaha, waxay codsanayeen in uu xilka banneeyo, waxay ka careysnaayeen dhaqaale xumida daran ee saameysa Sri Lanka.

    Dibaxbayaasha ayaa shaley dab qabadsiiyay guriga Ra’iisul Wasaaraha.

    Dhinaca kale, dowladda Mareykanka ayaa siyaasiyiinta dalka Sri Lanka ka codsatay in ay u istaagaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen xasaradaha dhaqaale ee ka taagan waddankooda.

    Waxaa lagu dhawaaqay in madaxweynaha Sri Lanka, Gotobaya Rajapaksa, uu xilka iska casili doono maalinta Arbacada ah.

    Go’aankaas ayaa yimid kaddib markii ay dad mudaharaadeyaal ah la wareegeen hoygiisa rasmiga ah, sidoo kalena dab qabadsiiyeen guriga Raysul Wasaaraha.