You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Ra'iisul Wasaaraha cusub oo ka hadlay sida uu u qaabili doono arrinta Jubaland

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Turkiga oo xabsiga dhigay nin loo haysto basaasnimo

    Dowladda Turkiga ayaa xabsiga dhigtay muwaadin Giriig ah oo ay ku eedaysay basaasnimo. Mohamed Amar Ampara ayaa lagu qabtay meel u dhow xadka Turkiga iyo Suuriya Sabtidii; Ankara ayaa sheegtay in uu uruuriyay xogta ku saabsan ammaanka xuduudka Turkiga, loona wareejiyay sirdoonka Giriiga.

    Giriiga ayaa sheegay in Mr Ampara la waayay todobaadyo ka hor, sidoo kale Turkiga ayaan wax jawaab ah ka bixin su’aalaha ay arrintan ka keeneen.

    Xidhiidhka u dhexeeya labadan dal ee ka wada tirsan xulafada NATO ayaa aad u xumaaday bilihii la soo dhaafay.

  2. “Waxaan u dilay, waayo waxay diiday in aan guursado”

    Nin lagu eedeeyay in uu dilay gabar ay wax ka wada baranayeen Jaamacad ku taalla dalka Masar ayaa garmaqalkii ugu horreeyey ee dhagaysiga dacwaddiisa wuxuu garsooraha u sheegay in uu u dilay in ay diiday in ay guursato.

    Dilkan arxan darada ah ee loo geystay Naira Ashraf ayaa laga soo duubay muuqaal, waxaana aad uga naxay dadka reer Masar iyo guud ahaan Carabta.

    Gabadhan yar ee ardayada ah ayaa dharaar cad lagu dilay mindi banaanka jaamacadeeda oo ku taal magaalada Mansoura.

    Mohammed Adel ayaa laga soo qabtay goobta uu dilka ka dhacay, waxaana hadda lagu soo oogay dacwad dil ah. Dilkan ayaa dib u soo celiyay dood ku saabsan badqabka haweenka iyo rabshadaha ragga ee Masar.

  3. Ciraaq oo dhexdhexaadinaysa Sucuudiga iyo Iiran

    Raysal wasaaraha Ciraaq, Mustafa Al-kadimi ayaa gaaray dalka Iiraan ka dib markii uu ka soo laabtay Sucuudiga, iyadoo socdaalkan uu qeyb ka yahay dadaallada dhexdhexaadinta ee Sacuudiga iyo Iiraan.

    Intii uu ku guda jiray booqashadiisa Boqortooyada Sucuudiga, Al-Kazemi waxa uu Jeddah kula kulmay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudiga.

    Ciraaq ayaa martigelisay dhowr wareeg oo wadahadal ah oo u dhexeeya labada dowladood ee isku haya gobolka, kuwaas oo aan xiriir diblomaasiyadeed yeelan tan iyo 2016-kii.

  4. Booliiska Koonfur Afrika oo baaraya maydadka labaatan dhalinyaro ah oo hal meel laga helay

    Booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa isku dayaya in ay ogaadaan sida ugu yaraan labaatan dhallinyaro ah ay ugu dhinteen goob lagu caweeyo oo ku taal magaalada East London.

    Masuuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay in meydadka la geeyay goobaha meydadka lagu keydiyo oo baaritaanno lagu samayna doono.

    Warbaahinta gudaha ayaa sheegaysa in laga yaabo in la sumeeyay. Sawirro laga soo qaaday Tavern Enyobeni oo ah xaafadka ku taal cirifka magaalada, ayaa muujinaya maydad daadsan sagxadda iyo miisaska, oo ay ka muuqdaan calaamado dhaawac ah.

    Waxaa la rumaysan yahay in dhallinyaradu ay u dabbaaldegayeen dhammaadka imtixaannada dugsiga sare.

  5. Putin oo ku dhawaaqay in uu gantaallo Nukliyeer ah uu ku rakibanayo dal kale

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in gantaalaha riddada gaaban ee nukliyeerka uu siini doono dalka ay xulufada yihiin ee Belarus isla markaana uu siinayo bilaha soo socda.

    Waxa uu sheegay in hubka Iskander-M “uu awood u leeyahay in uu xambaaro gantaallada baalistic-ga ah iyo kuwa caadiga ah iyo noocyada nukliyeerka ah".

    Hubkan uu Ruushka siinayo Belarus ayaa gaari karaa masaafo dhan 500 oo kiiloomiitar.

    Putin oo ka hadlayay magaalada St Petersburg, wuxuu sheegay in dalkiisa uu gacan ka geysan doono sidii wax looga beddeli lahaa diyaaradaha dagaalka ee Belarus gaar ahaan nooca SU-25 si loogu rakibo hubka Nukliyeerka ah.

    Xiisadda u dhaxeysa Ruushka iyo reer Galbeedka ayaa cirka isku sii shareertay, kadib markii Ruushka uu ku duulay Ukraine.

    Putin ayaa tan iyo xilligaas wuxuu tilmaan ka bixiyay hubka Nukliyeerka, taasoo dadka qaar ay ku macneeyeen in uu digniin u dirayo dalalka reer galbeedka si aysan usoo faragelin dagaalka uu ku qaaday Ukriane.

  6. Raila Odinga oo ballan qaaday in uu dib furi doono xadka Kenya iyo Soomaaliya

    Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in haddii madaxweyne loo doorto uu dib u furi xadka Soomaaliya iyo Kenya si badeecadaha ganacsiga ah looga gudbiyo labada dal.

    Raila Odinga oo haatan musharraxa madaxweynaha ee isbaheysiga Azimio la Umoja ayaa sidoo kale in uu ka shaqeyn doono xaqiijinta amniga Mandheera iyo guud ahaan gobolka Waqooy Bari.

    “Waa in aan isla meel dhignaa wax kasta oo looga baahan yahay arrintan si loo xaqiijiyo dhaqdhaqaaqyada ka socda xadkan oo loo furi lahaa sidii xadka loo furi lahaa si aan si xoriyad ah ula macaamilno walaalaheen Soomaaliya” ayuu yiri Raila.

    Raila Odinga ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu ka qeybgalayay isu soo bax siyaasadeed uu ku qabtay Mandheera.

  7. Ganacsatada qaadka ee Somaliland oo ku dhawaaqay inay joojinayaan qaadkii Itoobiya

    Ganacsatada qaadka geeya jamhuriyada gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegay in 6 bisha soo socota ee July ay joojin doonaan qaadkii ay ka keeni jireen Itoobiya.

    Ganacsatada ayaa ka cabanaysa in dawladda Itoobiya kordhisay cashuurta jaadka.

    Weriye Xasan Gallaydh ayaa ka warramaya.

  8. Ruushka oo qabsaday magaalo muhiim ah iyo qaraxyo laga maqlayo caasimadda Ukraine

    Ruushka ayaa subaxnimadii hore ee saaka gantaallo ku garaacay caasimadda Ukraine ee Kyiv, waxaana ka dhashay qaraxyo waaweyn.

    Duqa magaalada Kyiv Vitali Klitschko ayaa sheegay in gaadiidka gurmadka degdega ah iyo shaqaalaha gurmadka ay gaareen goobta ay qaraxyadu ka dhaceen.

    Gantaal ayaa ku dhacay dhismo aydad degan yihiin, waxaana ku dhintay hal qof, waxaana ku dhaawacmay afar kale oo ay ku jirto gabadh 7 jir ah.

    Qaraxyo dhowr ah ayaa sidoo kale laga maqlayaa Kyiv, sarkaal ku sugan gudaha Ukriane ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan lix qarax ay ka dhaceen magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

    Sabtidii, Ukraine ayaa ku dhawaaqday in ciidamada Ruushka ay la wareegeen magaalada istiraatiijiga ah ee Severodonetsk, kadib duqeymo ba’an oo todobaadyo socday oo halkaas ka dhacay.

    "Ruushka waxay si buuxda ula wareegeen Severodonetsk, ciidankeenana waxay dib ugu gurteen goobo kale," ayuu yiri duqa magaalada Oleksandr Stryuk oo la hadlayay telefishanka Ukraine.

  9. Xuska 26-ka June iyo Somaliland

  10. Gantaal lagu garaacay caasimadda Ukraine

    Dad badan ayaa ku dhaawacmay kadib markii gantaal uu ku dhacay caasimadda Ukraine ee Kyiv.

    Duqa magaalada Kyiv Vitali Klitschko ayaa sheegay in dad badan uu dhaawac soo garay kadid markii saaka gantaal lagu weeraray dhismo ay dad deggenaayeen oo ku yaalla Kyiv.

    Waxaan qaadeynaa tallaabo kasta oo lagu daminayo dabka si dadka looga soo samatabixiyo dhismaha burburay” ayuu yiri Vitali Klitschko.

    Gantaalka lagu weeraray Kyiv ayaa kusoo beegmaya xili hogaamiyayaasha G7 ay ku shirsan yihiin dalka Jarmalka.

    Waxaa la filayaa inay ku dhawaaqaan ballaanqaadyo ay taageero milateri oo cusub ugu fidinayaan Kyiv oo ay cunaqabatayn dheeraad ah ku soo rogaan Ruushka.

  11. Meydad laga helay goob lagu caweeyo oo ku taalla Koonfur Afrika

    Ugu yaraan 17 qof ayaa meydkooda laga helay goob lagu caweeyo oo ku taal magaalada East London ee dalka Koonfur Afrika, sida ay ku baahisay warbaahinta gudaha.

    Subaxnimadii hore ee saaka ayaa meydadka laga helay xarunta Enyobeni Tavern halka dhowr qof oo kalena lagu arkay goobta iyagoo dhaawac ah.

    Afhayeen u hadlay booliska oo wareysi siinayay kanaalka Newzroom Africa television ayaa sheegay in u socdo baaritaanka lagu ogaanayo waxa sababa dhacdadan.

    Waxaana goobta gaaray kooxaha gurmada degdega ah oo u tiro badan.

    Taliyaha booliska gobolka Eastern Cape oo u warramayay warbaahinta SABC ayaa sheegay in uu jiro tuhun ah in isbuurasho ay ka dhacday gudaha maqaaxida lagu caweeyo.

    BBC-da waxaa uu suurtogeli weysay inay xaqiijiso dhacdadan maadama ay wararka isa soo tarayaan.

  12. Ra'iisul Wasaaraha cusub oo ka hadlay sida uu u qaabili doono arrinta Jubaland

    Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xmase Cabdi Barre oo shalay ay codka kalsoonida siiyeen baarlamanaka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu soo dhisayo xukuumad tayo leh oo wax ka qabta dhibaatooyinka dalka ka jira sida abaaraha, amniga iyo dhamays tirka Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.

    Wuxuu sheegay in dowladdiisu ay xoogga saari doonto sidii Soomaalilaya iyo Somaliland ay si dhab ah oo ehelnimo ah ay ugu wadahadli lahaayen .

    Wuxuu sidoo kale kaga hadlay waraysi dheer oo BBC-da uu siiyay haddii isaga iyo madaxweynaha uu qilaaf soo kala dhex galo loo maareynayo arrinta gobalka gedo iyo qodobbo kale .

    Xamse Cabdi Barre wuxuu sheegay in Jubaland ay kamid tahay meela uu mad-madowga ka jira isla markaana ay tallaabo kasta ay qaadayaan ay noqon doonto sidii lagu heshiisiin lahaa Soomaalida.

    Waraysigaan waxaa la yeeshay Tifafaf-tiraha Laanta Af-Somaliga ee BBC-da Muxyadiin Axmed Rooble wuxuuna qaybtaan ugu horreyn waydiyay qaabka ka duwan madaxdii hore ee dowladiius u wajahayso wadahadllada Soomaaliya iyo Soomaliland.

    Halkan ka dhageyso wareysiga:

  13. Cumaan oo sii deysay rag Soomaali ah oo ku eedeysnaa burcad badeednimo

    Waxaa Shalay gelinkii dambe dekedda magaaladda Bosaaso soo gaaray ragga mudo dhawr iyo toban sanno ah jeel ku yaal dalka Cumaan ugu xirnaa eedo la xiriira burcadbaddeednimo kuwaas Badweynta Hindiya laga qabtay dhamaadka sanadkii 2009-ka ugu dambeynna hadda la soo daayay.

    Waxaana jira rag kale oo wali ku jira xabsiyada Cumaan.

    Raggan oo ka kooban 17 ayaa laga soo daayay xabsiyo ku yaalla Cumaan kadib markii ay xoriyaddooda usoo celisay maxkamadda dalkaas.

    Waxaana lagu eedeeyay burcad badeed halkan kuwa kalena loo heystay inay si sharci darro ah u guranayeen xijiga dalkaas.

  14. Jabhadda Oromada oo sheegtay in guul ay ka gaartay dagaal ka dhacay Itoobiya

    Jabhadda Xoreynta Oromada ayaa sheegtay in ay guulo ka gaareen dagaalka ay kula jiraan dowladda Itoobiya awoodna ay u yeehseen iney galaan magaalooyin waaweyn oo amnigooda aad loo ilaaliyo.

    Taliyaha ciidamada Jabhadda OLF Kumsaa Diribaa oo BBC u warramay wuxuu sheegay in dagaalka ay dowladda kula jiraan ay sii wadayaan ilaa ay ka gaareen hadafka xornimada ee ay udagallamayaan.

    Kumsaa wuxuu beeniyey eeddo loo jeediyey oo ah in goobaha ay qabsadaan ay bililiqo ka gaystaan.

    Dhanka kale guddiga isku dhafka amniga ee dalka Itoobiya ay sheegay in tan iyo markii ay bilowdeen howlgallada lagu meel marinayo sarreynta sharciga Jbahadda Xoreynta Oramada isla markaana la gaarsiiyay khasaare. xooggan.

    Halkan ka dhageyso warbixinta wariyaha BBC-da Cabdiraxmana Xaaji uu ka diyaariyay dagaalkan.

  15. Madaxweyne Biden: Maxkamadda Sare waxay samaysay 'go'aamo xun'

    Dhaleecayn dheeraad ah ayaa ka timid Madaxweyne Biden oo ku aaddan go'aankii maxkamadda sare ee Jimcihii ee meesha looga saaray xuquuqda dastuuriga ah ee ilmo iska soo rididda. Xukunka, ayuu ku tilmaamay mid 'xanuun badan' iyo in uu 'waxyeello' u ahaa dad badan oo Maraykan ah.

    Waxa uu sheegay in maamulkiisu uu si dhow ula socon doono sida dowlad-goboleedyadu u hirgeliyeen mamnuucidda ilmo iska soo xaaqidda -- gaar ahaan haddii ay ku xad-gudbi karaan xuquuqaha dastuuriga ah iyaga oo ka hortagaya dadka ka soo gudbaya xudduudaha gobolka si ay u raadsadaan ilmo iska soo xaaqid.

    Mudaaharaadyo kale ayaa ka dhacay bannaanka hore ee Maxkamadda Sare, kuwaasoo isugu jiray kuwo lagu taageerayo iyo kuwo looga soo horjeedo xukunkii Jimcihii.

  16. Sucuudiga oo sii daayey maxbuuskii ugu da'da yaraa ee dowladda u xirnaa

    Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqul insaanka ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay sii daysay maxbuus la xiray isagoo 13 jir ah oo looga shakiyay inuu ku lug lahaa dibad baxyo looga soo horjeedo dowladda.

    Murtaja Qureiris ayaa mar wajahayay xukun dil ah, inkastoo ugu dambeyntii lagu xukumay xabsi.

    Waxa la qabtay sannadkii 2014-kii, iyadoo ay qayb ka ahayd eedaymo la sheegay inuu ka qayb-qaatay mudaaharaadyadii Gugii Carabta ee 2011-kii.

    Mr Qureiris ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa maxbuuskii ugu da’da yaraa ee Sacuudiga u xiran ee loo xiro ku lug lahaanshaha mudaaharaadyo siyaasadeed.

  17. "Ciidamada Ruushka oo si buuxda gacanta ugu dhigay magaalo ku taal Ukraine"

    Ciidamada Ruushka ayaa hadda gacanta ku haya magaalada la duqeeyay ee Severodonetsk ee bariga Ukraine, sida uu sheegay duqa magaaladaas.

    "Ruushka waxay si buuxda u qabsadeen Severodonetsk, ciidankeenu waxay dib ugu gurteen goobo diyaarsan," Oleksandr Stryuk ayaa u sheegay Telefishinka Ukraine.

    Duqeymaha Ruushka oo todobaadyo socday ayaa inta badan magaalada ka dhigay mid burbursan.

    Dad badan oo rayid ah ayaa gabaad ka dhiganayay warshada kiimikada ah ee Azot, balse Mr Stryuk wuxuu sheegay in dariiqa kaliya ee looga bixi karo hadda ay tahay in la sii maro dhulka uu Ruushka haysto.

    Severodonetsk, oo mar hoy u ahayd ilaa 100,000 oo qof, ayaa waxaa soo maray dagaallo kharaar oo jidadka lagu dagaallamay, badi dadkii degganaana way ka qaxeen.

  18. Maxay yihiin ragga muddada dheer burcadbadeednimada ugu xirnaa Cummaan ee Boosaaso la keenay?

    Rag Soomaali ah oo tiradooda lagu sheegay 17 nin oo qaarkood muddo 12 sano ah ay ku xirnaayeen dalka Cummaan ayaa laga soo dajiyey magaalada Boosaaso sida ay BBC-da u sheegeen ilo wareedyo ku sugan magaalada.

    12 ka mid ah raggaan ayaa la sheegay in dalka Cummaan ay ugu xirnaayeen tuhun burcadbaadeenimo.

    Halka shanta nin ee kale loo haystay in si sharci darro ah ay xiji uga guranayeen dalka Cummaan.

    Booliiska Puntland ayaa ku soo dhaweeyey dekedda magaalada Boosaaso.

  19. Weerar lagu hoobtay oo ka dhacay caasimadda Norway ee Oslo

    Bandhig faneed sanad La ah oo ka dhici lahaa caasimadda Norway ee Oslo ayaa la baajiyay, ka dib markii weerar lagu hoobtay uu ka dhacay goob lagu caweeyo oo ay ku sugnaayeen dadka isku jinsiga ah, iyadoo booliiskuna ay weerarkaas ku tilmaameen mid argagixiso.

    Labo qof ayaa weerarka ku dhintay in ka badan labaatan kalena waa ay ku dhaawacmeen – iyadoo toban ka mid ahna uu dhaawacoodu culus yahay – ka dib markii nin hubeysani uu rasaas ku furay subaxnimadii hore ee Sabtida.

    Ninka weerarka qaaday oo haysta dhalashada Norway balse asal ahaan ka soo jeeda Iran ayaa xabsiga la dhigay, iyadoo Booliskuna ay sheegeen in laamaha ammaanku ay garanayaan, balse waxa ay intaa ku dareen in ninka la tuhunsan yahay uu sidoo kale qabo dhibaatooyin dhanka maskaxda ah.

  20. "Ceelashii iyo warihii aan biyaha ka heli jirnay wey gureen"