You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Guddoomiyaha xisbiga Waddani: Muuse Biixi diyaar uma aha in uu qabto doorasho

Tebinta tooska oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararka Soomaalida iyo Caalamka

Tebin toos ah

  1. Gabar saxafiyad ah oo lagu waayey dalka Shiinaha

    Gabar saxafiyad ah oo ka howlgalaysay dalka Shiinaha una shaqeyneysay hay’dda warbaahinta ee Bloomberg ayaa lagu sii daayey dammiin ka hor inta aan lagu maxkamadeyn dambiyo la xiriira ammaanka Qaranka ee dalkaa.

    Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Haze Fan aanay caddeyn halka ay ku sugan tahay .

    Bloomberg oo ah hay’adda warbaahineed oo ay u shaqeynaysay ayaa sheegtay in ay awoodi waayeen in ay la xiriiraan gabadhaas.

    Gabadha oo ah muwaadin Shiinees ah ayaa dammiin lagu soo daayey bishii Jannaayo intaas ka dibna aan il la saarin ama aan la arkin.

    Haze Fan ayaa u shaqeyneysay hay’ado kala duwan oo shisheeye oo ay wakil uga aheyd halkaas .

    Ururka Weriyeyaasha aan Xuduuda laheyn ayaa dalka Shiinaha ku tilmaamay dalka ugu weyn ee lagu qabsado saxafiyiinta .

  2. Turkiga muxuu kaga jawaabay digniintii Israa’iil ?

    Dalka Turkiga ayaa sheegay in ay qaadayaan waxa ay ugu yeereen dhammaan tallaaboyinka dhinaca ammaanka ka dib markii ay soo baxeen hanjabaado loo geystay qaar ka mid ah dalxiiseyaasha .

    Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga ayaa ku adkeysatay in Turkiga uu yahay dal ammaan ah oo ku ad adag la dagaalanka argagixisada.

    Maalinimadii Isniinta ee shalay ayaa Israa’iil waxay u jeedisay muwaadiniinteeda ku sugan Turkiga in ay sida ugu dhaqsaha badan uga soo axaan kuwo kalelana waxay u sheegtay in aanay booqan Turkiga .

    Digniintaas waxay ka dambeysay isku dayo fara badan oo la isku dayey in lagu weeraro dalxiiseyaal Israa’iil ah oo ku sugan Istanbul , weerarradaas oo ay isku dayeen kooxo Iran ah.

    Iran ayaa Israa’iil ku eedeysay dilka sarkaal sare oo ka tirsanaa Saraakiisha ilaalada kacaanka ee dalka Iran waxayna ku dhaarteen in ay ka aargudan doonaan

  3. Biden oo booqashadiisii ugu horreysay ku tagaya Sacuudiga- Maxay tahay Ujeedadu ?

    Aqalka Cad ayaa xaqiijiyey in Madaxaweynaha Mareykanka Joe Biden uu safarkiisii ugu horreeyey uu ku tagayo Bariga Dhexe isagoo madaxweyne ah bisha July.

    Biden ayaa la kulmi dooona dhaxal sugaha Sacuudiga Maxmed Bin Salman .

    Wuxuu kulankaasi noqon doonaa tan iyo markii ay sirdoonku soo abagabeeyeen kaalintii Amiirku ku lahaa dilkii ka dhacay magaalada Istanbul ee lagu dilay weriyhii Sacuudiga u dhashay Jamal Khashoggi ee dhacay sanadkii 2018kii.

    Haweeney Marekanka u hadashay ayaa sheegtay in muhiimadda booqashadan ay noqon doonto arrimaha Shidaalka .

    Mr Biden ayaa doonayain uu xaqijiyo in Sacuudigu kor u qaadan wax soo saarka saliidda si ay u fududeyso arrintani qiimaha shidaalka ee kor u sii kacaya iyadoo ay soo socoto doorashadii kongreeska ee xilliga dhexe .

    Biden ayaa sidoo kale la filayaa in uu booqasho ku tago Isra’iil isagoo sameyn doona taariikh marka uu duulaamad toos ah oo u dhaxeeya Israa’iil iyo Sacuudiga ah

  4. Saxafiyiin ka tirsan BBCda iyo Sky News oo laga mamnuucayo dalka Ruushka

    Ruushka ayaa sheegay in ay ka mamnuucayaan tobaneeyo saxafiyiinta Ingiriiska , wakiilada warbaahinta iyo xubnaha hay’adaha difaaca ka tirsan in ay galaan dalkaas

    Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ruushka ayaa magacaabay29 saxafi oo u shaqeeya BBC iyo Sky News iyo sidoo kale wargeysyada Ingiriiska .

    Waxaa lagu sheegay kuwa la magacaabayin ay ku lug leeyiiin faafinta warar been ah iyo xogo hal dhinaca ah oo ku saabsan Ruushka iyo dhacdooyinka Ukraine .

    In ka badan Tobaneeyo shaqsiyaad ingiriis ah oo ay Moscow sheggtay in ay xiriir la leeyihiiin arrimaha difaaca ayaa laga mamnuucay in ay soo galaan Ruushka difaaca

  5. Ilaa intee gaarsiinsan tahay qatarta cudurka Furuqa-daayeerka ?

    Madaxa Ururka caafimaadka Aduunka ee WHO ayaa sheegay in tirada kiisaska iyo dhimashada ee cudurka Coronovirus ay labadaba hoos u dhaceen boqolkiiba sagaashan horraantii sanadkan .

    WHO ayaa ayaa qirtay in dalalka qaarkood ay been ka sheegeen tirooyinka .

    Xoghayaha Guud ee ururuka Caafimaadka Adduunka Tedros Adhanom ayaa sheegay in uu qabtay guddidegdeg ah malinimadii khamista si loo baaro haddii cudurka haatan jira e cudurka furuqa daayeerka uu ugu faafayo caalamka si aan caadi aheyn uuna leeyahay qatar degdeg ah .

    1600 oo kiis ayaa haatan la xaqiijiyey oo ka dhacay ilaa afartan dal oo kala duwan waxaana u dhintay 72 qof .

    Cudurkan ayaa hore kaga dillaacay sida la xqiijiyey qeybo ka mid ah Afrrika iyo siyaabaha fiditaankiisa ee qof-iyo qof ayaa aad u ayar.

  6. Maxaa ka jira in la hareereeyey dagaalyahano Ukraine ah ?

    Ruushka ayaa u sheegay ciidamada Ukraine e ku hareereysan wershadda kiimikada ee Azot ee ku taalla Severodonetsk in ay hubka dhigaan laga bilaabo 08:00 maalinimada Arbacada ee berri ah..

    Ruushka ayaa sheegay in ay fursad siinayaan dagaalyahanada si ay isu dhiibaan .

    Dagaalyahanada ayaa loo sheegay in ay joojiyan waxa loogu yeearay iska caabinta aan macnaha laheyn ayna hubka iska dhigaanxilliga loo cayimay . sida laga soo xigtay madaxa xarunta maamulka difaaca qaranka ee uushka Mikhail Mizintsev.

    UIkraine ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay weli heystaan magaalada ka dib markii buundadii ugu dambeysay ee u dhaxeysay magaalada iyo dhulka ay heystaan Ukraaaniyiinta la burburiyey ayna dhulka la simeen ciidamada Ruushka .

    Ruushka ayaa sheegay in dadka rayidka ah ay siinayana marinno ay ka baxaan maadaaama ay ku xayiran yihiin wershadda iyo agagaarkeeda

  7. Nin siyaasi ah oo loo dilay hadallo been abuur ah oo looga faafiyay WhatsApp

    Siyaasi u dhashay dalka Mexico ayaa la dilay kadib markii hadallo been abuur ah looga faafiyay barta WhatsApp, waxaana lagu eedeeyay in uu carruurta qafaasho, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaas.

    Daniel Picazo oo 31 jir ahaa ayaa waxaa weeraray ku dhawaad 200 qof xilli uu ku sugnaa gobolka bartamaha dhaca ee Puebla.

    Wuxuu xilliggaas booqanayay halkaas, dad careysan ayaa soo weeraray, waxayna qabadsiiyeen dab.

    Mas’uuliyiinta deegaanka waxay dhacdadan ku tilmaameen fal waxshinimo ah.

  8. Xaguu marayaa shirka Ceerigaabo ee u dhaxeeya madaxweyne Musa Biixi iyo madax-dhaqameedka?

  9. Xaaladda Soomaaliya iyo maalinta caalamiga ah ee xuska dhiig bixinta

    Sannad walba 14-ka Juun, waa maanta oo Kalee waxa loo asteeyey maalinta dhiig bixinta aduunka oo xuska la qabanayo waxa looga golleeyahay in dadka lagu baraarujiyo muhiimadda ay leedahay in dhiigga lagu deeqo oo naf bixi lahayd la badbaadiyo.

    Waxaa la sheegaa in tobankii qof oo aduunka ku nool sagaal ka mid ahi inta ay nool yihiin mar u baahdaan in dhiig loo shubo.

    Sidaas oo ay tahay ayaa dhiiggu yahay wax aan la iibsan karin wershadina samayn karin ee sida keliya ee lagu heli karaa tahay in cidda ku deeqi kartaa iyadoo naxariis muujinaysa ay siiso cidda u baahan, waxaana jirta in dalka kastaa uu leeyahay goobo caafimaad oo lagu kaydiyo dhiigga lagu deeqo oo la yidhaa baanka dhiigga.

    Bal hadaba Soomaaliya waa sidee xaaladeedu, Dr Axmed Cabdiqaadir Maxamed oo ah madaxa baanka dhiigga ee gobolka baanidir ayaa BBC-da uga warramay arrintaas.

  10. Abiy oo qaaday tallaabo hor leh oo ku saabsan colaadda Tigray

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dowladdiisa ay sameysay guddi wahadal la yeelan doono TPLF si loo soo afjaro colaadda ka taagan gobolka waqooyiga ku yaalla ee Tigray.

    “Arrinta ku saabsan nabadda, waxaan sameynay guddi wadaxaajoodka qaabilsan, wadahadallada wakhti ayay u baahan yihiin,waxay darsi doonaan sida loo qaban doono wadahadallada” ayuu yiri Abiy.

    Wuxuu sheegay in xukuumaddiisa ay faahfaahin dheeraad ah ka bixin doonto wahadallada lagu joojinayo dagaalka Tigray.

    Waa markii ugu horreysay Abiy Axmed uu soo hadal qaaday guddi ka tirsan dowladda uu wahadal la geli doono TPLF.

    Dagaal u dhexeeyay TPLF iyo ciidamada dowladda Itoobiya ayaa ka qarxay gobolka Tigray bishii November sanadkii 2020, kaas oo ku faafay gobollada deriska sida gobolka Amxaarada iyo Canfarta balse xaaladda ay aheyd mid deggan tan iyo bishii March oo dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqday xabad joojin hal dhinac si gargaar loo gaarsiiyo shacabka.

  11. Guddoomiyaha xisbiga Waddani: Muuse Biixi diyaar uma aha in uu qabto doorasho

    Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ee Jamahuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland ayaa ku eedeyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in uusan diyaar u ahayn inuu doorasho qabto isla markaana uu wado jaho wareerin.

    "Doorashadii ciddii noo qaban laheyd ma jirto, howsheedii looma dhaqaaqin, diiwaangelintii ka horreysay lama qaban, shaqaalihii lama qorin, markaa hadal la iska yiri bey noqoneysaa haddii la yirhaado waa la qabanaya iyadoo aan muuqan in la qabto" ayuu yiri Xirsi Cali Xaaji Xasan oo BBC-da u warramayay.

    Hadalkaan ayaa imaanaya kadib hadal xalay uu magaalada Ceergaab ee gobalka Sanaag, ka jeediyay Madaxweyne Biixi kaas oo uu kaga hadlay muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya xukuumaddiisa iyo xisbiyada mucaaradka ah iyo sidoo kale dibad baxyadii maalmo ka hor ka dhacay magaalada Hargaysa.

    Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dafiray inuu doonayo in doorashada madaxtinnimada Somaliland ay ka dib dhacdo 13-ka November, sidaana loogu kordhiyo muddo xileedkiisa.

    "Ma doonayo naaneys la yiraahdo waa loo kordhiyay oo wuu sii dheeraaday. Markii hore hadh cad baanu tartannay anaga iyo mucaaradku, iminkana kuwa soo bixi doona hadh cad baan la tartamayaa," ayuu yiri Muuse.

  12. Xooggag hubeysan oo gudaha u galay magaalo muhiim ah oo ku taalla Itoobiya

    Koox hubeysan ayaa gudaha u gashay qeybo ka mid ah magaalo weyn oo dhacda galbeedka Itoobiya, sida ay BBC-da u sheegeen dadka deegaanka.

    Dad ku sugan magaalada Gambella ayaa sheegay in xafiisyadii iyo goobihii ganacsiga ay xireen kadib dagaalka sii xoogeystay.

    Dagaal ayaa sidoo kale ka socdaa agagaarka Madaxtooyada, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

    Madaxweynaha gobolka, Umod Ujulu, ayaa BBC-da u sheegay in uusan wax war ah ka heyn arrintani.

    Dagaalo ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa inay ka socdaan magaalooyin ka tirsan gobolka dariska la ah Oromia.

  13. Dhoobley oo lagu heshiisiiyay xoolo dhaqato ku dirir ku dhexmartay Jubbaland

    Magaalada Dhoobley ayaa waxa maalmahan ba ka socday shir nabadayn ah oo lagu dhexdhexaadinayey xoolo dhaqato dabayaaqadii bishii hore dad iskaga laayey halkaas.

    Maamulka Jubbaland iyo odayaasha dhaqanka ayaa ku guulaystay in shaqaaqadan la demiyo halkaasna maanta ay ugu dambayntii labada dhinac heshiis ku kala saxeexan doonaan.

    Dr Shire Coley oo ka tirsan xildhibaanada baarlamanka maamul goboleedka Jubbaland oo ka mid ah xildhibaano heer deegaan iyo kuwo federaal ah oo hawlahaa nabadaynta ah ka shaqaynayey ayaa BBC-da uga warramay sida colaaddaas lagu demiyey.

  14. Jamhuuriyadda Dimuqraadiga: Waxaa nagu soo 'duulay' ciidamada Rwanda

    Saraakiisha dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa ciidamada Rwanda ku eedeysay inay duulaan ku qaadeen dalkaas kadib markii ay ku eedeysay Rwanda inay taageereyso fallaagada M23 oo la wareegtay magaalada Bunagana,oo dhacda gobolka North Kivu.

    Fallaagada M23 ee ka howlgasha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa Isniintii qabsatay magaaladaas, waxayna ciidamadii halkaa joogay ku qasbeen inay u cararaan dhinaca Uganda.

    Bunagana, waa magaalo istaraatiiji ah oo ganacsi leh iyadoo badeecadaha la isaga gudbiyo labada dal.

    Bayaan ay soo saareen maamulka gobolka North Kivu ayaa lagu sheegay in "ciidamada Rwanda ay go'aansadeen in ay ku xad gudbaan madaxbanaanida dhulkeena ayna qabsadaan magaalada Bunagana".

    Qabsashada magaaladan ayay ku tilmaameen "duulaan lagu soo qaaday Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo" .waxayna intaas ku dareen in ciidamada DRC ay difaaci doonaan dalkooda.

    Rwanda ayaa marar badan ku tilmaantay qalalaasaha ka taagan bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo “arrin gudaha ah”

    Rwanda waxay beenisay inay taageerto fallaagada M23.

  15. Magaalo Soomaaliya ku taala oo gebi ahaanba xabaalantay

  16. Dad ku dhintay qarax ka dhacay Itoobiya

    Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay qarax bambaano oo ka dhacay gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya.

    Qaraxan ayaa ka dhashay kadib markii ciidamada ammaanka ay isku dayeen in ay hub ka dhigis ku sameeyaan shaqsiyaad la xiray, sida ay sheegeen booliska Itoobiya.

    Qaraxan ayaa ka dhacay magaalada Dessie Isniintii. Sida laga soo xigtay ciidamada booliska ee magaalada afar qof oo ay ku sheegeen ‘burcad’ ayaa la qabtay , waxaana la geeyay saldhigga booliska ah balse waa ay diideen inay ku wareejiyaan hubkii ay wateen.

    Labo ka mid ah ciidamada ammaanka iyo saddex ka mid ah maxaabiista ayaa ku dhintay qaraxa, kaasi oo ay boolisku ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen raggaas.

    Olole ay mas’uuliyiintu ugu magacdareen hawl-galka sharciga ah ayaa lagu xiray in ka badan 6000 oo qof oo ku nool gobolka Axmaarada.

    Waxaa lagu soo warramayaa in iska horimaadyo u dhaxeeyo ciidamada amaanka iyo kuwa kasoo horjeeda howlgalkaas in uu ka dhacay deegaano dhowr oo ka tirsan Itoobiya.