You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Abiy Axmed oo kasoo hanjabay jiidda hore ee dagaalka

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Ruux lagu tuhunsan yahay dilka Jamaal Khashogi oo la xirey

    Wararka ka imanaya dalka Faransiiska, ayaa sheegaya in nin Sucuudiyaan ah, oo loogga shakisan yahay inuu ku lug lahaa dilkii wariye Jamal Khashogi lagu xirey dalkaasi.

    Khaalid Aalu Tayba, ayaa lagu xirey gagidda dayuuradaha ee magaalada Paris talaadadii, sida ay qortey warbaahinta Faransiiska. Wuxuu kamid yahay 26 qof, oo ay dowladda Turkey-ga ku daba jirto, sababo la xiriira dilkii Jamaal Khashogi.

    Qofkan oo dadiisa lagu sheegay 33 sano jir, oo kamid ahaan jirey ilaalada gaarka ah ee Boqortooyada Sucuudiga, ayaa ku socdaalayey magaciisa rasmiga ah, waxaa la dhigay xabsi maxkamadeed.

    Khashogi, oo ahaa nin si weyn u dhaleeceyn jirey dowladda Sucuudiga, ayaa lagu diley qunsuliyadda dowladda Sucuudigu ku leedahay magaalada Istanbul ee dalka Turkey-ga, bishii Octobar ee sanadkii 2018-kii.

    Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay in weriyihii wargeyska The Washington Post lagu diley hawlgal aan sax aheyn.

    Waxey intaa ku dareen iney fuliyeen dilka koox wakiillo ah, oo loo direy iney kasoo dhaadhiciyaan wariyaha inuu dib ugu soo noqdo boqortooyada Sucuudiga.

    Laakiin saraakiisha Turkey-ga, ayaa sheegay in wakiilada ay ku dhaqaaqeen amaro ka yimid madaxda ugu sareysa ee dowladda Sucuudiga.

  2. Isimada Puntland oo kasoo saarey bayaan dhibaatada ka taagan Boosaaso

    Maalmihii lasoo dhaafey ayaa wuxuu shir uu uga socdey isimo maamulka Puntland, si ay u xaliyaan is mari waagii u dhaxeeyey hoggaanka ciidanka PSF-ta iyo maamulka Puntland.

    Is mari waagan ayaa bilawdey, kadib markii taliye cusub uu u magacaabey maamulka Puntland ciidanka PSF-ta, taasoo hoggaankii la badaley uu ku gacan seyrey.

    Maanta ayey isimada Puntland soo saareen bayaan.

    Fadlan halkan hoose ka akhriso

  3. Ciidanka Somaliland oo xir xirey dad ajaanib ah

    Ciidanka booliiska maamulka iskood ugu dhawaaqey madax banaanida ee Somaliland, ayaa qabtey saddex ruux, kuwaasoo lagu eedeeyey iney sameynayeen lacag been abuur ah.

    Taliyaha hoggaaminayey ciidanka qabtey dadka lasoo xirey, Maxamed Cismaan Caalin Dayib, ayaa sheegay in dadkan la qabtey ay u dhasheen dalka Nayjeeriya.

    Sida aan kasoo xiganay warbaahinta maxalliga ah, taliyaha ayaa carabka ku dhuftey in ragga xiran lala soo qabtey qalab, kuwaasoo uu ku tilmaamey iney yihiin kuwo lagu muto dambi.

    Booliiska ayaa uggu danbeyntii sheegay in dadka lasoo qabtey la maxkamadeyn doono.

  4. Sheeko xanuun badan oo ku saabsan hooyo ka tegtay xeryaha qaxootiga oo dib ugu noqotay Soomaaliya

    Iyadoo muddo bilooyin ah ay ka harsan tahay waqtiga kama dambaysta ah ee ay dowladda Kenya u qabatay inay xiri doonto xeryaha qaxootiga, ayaa arrintaasi waxaa ka digaysa hay'adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF.

    Hay'adda ayaa ku doodaysa inay tahay in si degdeg ah xal loogu helo qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab, kuwaas oo halis ugu jira inay waayaan kaalmada yarta ah ee ay haatan helaan.

    Warbixinta hay'adda ayaa tilmaamaysa in saddexdii sanadood ee la soo dhaafay ay aad hoos ugu dhiceen qaxootigii iskood Soomaaliya ugu laaban jiray, arrintaas oo ku soo beegantay qulqulatooyinka oo sare u kacay, barakaca iyo abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.

    Hadaba Geediyo Cabdinuur waxay ka mid ahayd dadkii qaxootiga ahaa ee dib ugu laabtay Soomaaliya 4 sano ka hor, balse haatan dib ugu soo laabatay xeryaha Dhadhaab ayaa BBC-da uga warrantay xaaladda haatan ay ku nooshahay.

  5. Gabadh kamid ah tartamayaasha ciyaaryahanka Afrika ee BBC-da ee 2021 ee la shaaciyay

  6. Askari Kenyan ah oo toogtay xaaskiisa iyo lix qof

    Askari ka tirsan booliska Kenya ayaa toogtay xaaskiisa iyo lix qof oo kale subaxnimadii hore ee saaka, sida saraakiisha ay sheegeen.

    Waxay arrintani ka dhacday deegaanka Kabete oo u dhaw magaalada Nairobi.

    Waxaana la sheegay in askarigii dilka geystay uu is toogtay, sida ay booliska sheegeen.

    Ma kala cadda waxa askarigan ku khasbay dilka balse wararka waxay sheegayaan in khilaaf uu ka dhex taagnaa askariga iyo xaaskiisa, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP.

    Waxaa la sheegay in sarkaalka booliska ah markii uu toogtay xaaskiisa uu rasaas ku furay dad kale oo aan waxbo galabsanin.

    Waxaa uu sidoo kale dhaawacay 2 qof oo haatan lagu daweynayo cisbitaalka deegaanka.

  7. Museveni: Qaraxyadii Kampala waxaa laga soo qorsheeyay Soomaaliya iyo Kenya

    Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in weeraradii dhawaan ka dhacay magaalad Kampala ee caasimadda dalka Uganda ay hayaan xogo muujinayo in ay soo abaabuleen ama ay ka dambeeyeen kooxo ku sugan gudaha dalalka Soomaaliya iyo kenya .

    Hadalkan ayaa madaxweynuhu waxaa uu ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wakaalladda wararaka ee Reuters.

    "Qaraxyadii ay dhawaan ka dhacay Kampala, waxaan haynaa caddeymo qaar oo muujinaya inay soo abaabuleen kooxo ku sugan Kenya iyo Soomaaliya," ayuu yiri Museveni.

  8. Maxaabiis badan oo laga cabsi qabo inay ku dhinteen dab ka kacay xabsi ku yaalla Burundi

    Maxaabiis badan ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen xabsi ku yaalla magaalada Kitega ee dalka Burundi.

    Waxaa baraha bulshada lagu baahiyay meydad loo maleynayo maxaabiista.

    Mas’uuliyiinta Burundi ilaa hadda kama aysan hadlin dabka qabsaday xabsiga.

    Weriye ka howlgala dalkaas ayaa kusoo warramayaa in qeybo badan oo kamid ah xabsiga uu dabka baabi’iyay.

    Xabsigan oo loogu talagalay in uu qaado 400 oo maxaabiis ah, waxaa haatan lagu hayay 1,539 oo maxaabiis ah, sida laga soo xigtay ururka (ACAT-Burundi).

    “Waxaa la arkayay shaqaalaha caafimaadka oo gaaray xabsiga uu dabka qabsaday si ay u caawiyaan dhibanayaasha” ayuu yiri weriyaha mar uu la hadlayay BBC Great Lakes.

    Mid kamid ah maxaabiista kasoo badbaaday dabka ayaa BBC u sheegay in dabka uu ka kacay xabsiga abbaare 4-tii subaxnimo xilli maxaabiista ay jiifeen.

    Lama ogo waxa sababay dabka.

  9. Caasha Cabdikarin Xirsi (Caasha Eyl) waa haweeney kaxaysa gaadiidka Badda oo ay ka kalluumaysto

  10. Caro ka dhalatay nin 900 oo qof shaqada ka tiray isaga oo adeegsanaya qadka Zoom-ka

    Waxaa dhaleeceyn loo jeediyay maamulaha shirkad ku taalla dalka Mareykanka oo shaqada ka ceyriyay ku dhawaad 900 oo kamid ah shaqaalahiisa isaga oo adeegsanaya khadka Zoom-ka.

    "Haddii aad ku jirto wicitaankan waxaad ka mid tahay kooxda nasiib-darrada la kulantay ee shaqada laga tirayo," ayuu yiri Vishal Garg, oo ah madaxa fulinta ee shirkadda guryaha dadka u dhista guryaha ee Better.com,.

    Waxaana wicitaanka shaqada looga tiriyay dadka galiyay baraha bulshada.

    Dadka baraha bulshada isticmaala ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid argagax leh xilli dadkan ay u baahan yihiin qarash ay noloshooda ku maareeyaan xilligga fasaxa Kirismaaska.

    "Markii aan shaqaalaha ka wacay Zoom-ka xilliggii aan u sheegayay in shaqada la ceyriyay, waan ooyay" ayuu yiri Vishal Garg.

    Mr Garg wuxuu sheegay in wax-soo-saarka shaqaalaha iyo isbeddellada ka jira suuqyada ay ka dambeeyaan shaqo tiridda baahsan ee lagu sameeyay boqolkiiba 15 shaqaalaha shirkadda Better.com.

  11. Ganacsatada rootiga ee Hargeysa ayaa sheegay inay waayeen cid ka tirsan dowladda oo ka hoos qaadda cabashadooda

  12. Abiy Axmed oo kasoo hanjabay jiidda hore ee dagaalka

    Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in 'dhawaan cagta la marinayo cadowga' xilli uu shaaciyay in ciidamada militeriga ay TPLF dib uga qabsadeen magaalooyin muhiim ah.

    Abiy oo ka hadlayay jiidda hore ee dagaalka wuxuu sheegay in dagaalyahanada fallaagada TPLF ay la kulmeen khasaare xilli ciidamada dowladda ay kala wareegeen magaalooyin dhaca gobollada Amxaarada iyo Canfarta.

    Ra'iisul Wasaaraha oo ku labisan tuutaha militeriga wuxuu sidoo kale sheegay in dagaalyahanada TPLF ay isa soo dhiibeen xilli ay ciidamadiisa si wadaan howlgalka lagu qabsanayo dhul badan.

    Balse TPLF waxay dhankeeda sheegtay in istaraatiijiyad dagaal darteed ay uga baxeen magaalooyinkaas.

    Shaley ayay aheyd markii hogaamiyaha fallaagada TPLF Debresion Gabre Mikael, uu sheegay in halgankooda ay sii wadayaan ilaa ay afka ciidda u daraan waxa uu ku sheegay cadowga ku qasbaya wadahadalka nabadeed.

    Telefishiinka Tigraay oo afka fallaagada TPLF ku hadla ayaa baahiyey wareysi ay la yeesheen hoggaamiyaha TPLF Dabresion Gabre-Mikael.

    Hoggaamiyaha wuxuu sheegay ciidamada fallagada iney ciidamada cadowga uu ku tilmaamay ay iska caabbin doonan ayna gulo wax ku ool ah ka soo hoyin doonaan.

  13. Malaariyada oo fara ba'an ku heysa dunida

    Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in sanadkii hore uu sare u kacday cudurka malaariyada xilli cudurka safmarka ah ee Covid-19 uu carqaladeeyay adeegyadii caafimaadka.

    Warbixinteeda sanadlaha ah ee malaariyada ayay WHO ku sheegtay in 2020-kii la diiwaangaliyay 14 milyan oo xaaladood oo cudurkaasi ah, iyadoo saddex meelood oo labo meel 69 kun ee qof ee cudurkaasi u dhintay loo tiiriyay carqalad ku timid dedaalladii daweynta iyo ka hortagga ee cudurkaasi.

    Hay'adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in tirada dadkii sanadkii la soo dhaafay cudurkaasi Afrika ugu dhintay ay laba jibaarantay.

    Hadaba si aan wax badan uga ogaano caqabadaha uu feyriska korona ku reebay la tacaalidda cudurada kale waxaan wax ka waydiinay Dr Cismaan Cali Gaboose oo ka howgala isbataalka Kenyatta ee magaalada Nairobi, ayaa arrimahaas BBC-da uga warramay.

  14. Asalaamu Caleykum.

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.