You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Wararkii ugu dambeeyay ee Itoobiya xilli Abiy Axmed uu gaaray jiidda hore ee dagaalka

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Maraykanka oo digniin ka soo saaray dagaalka sii xoogaysanaya ee Itoobiya

    Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa ka digay in sii hurinta dagaalka ka socda Itoobiya uu khatar ku yahay horumar kasta oo laga gaaro wada xaajoodka xabad joojinta.

    Ka dib booqashadiisii Itoobiya, ayaa Jeffrey Feltman, waxa uu sheegay in Ra’iisal wasaare Abiy Axmed iyo fallaagada TPP ay u muuqdaan kuwo aaminsan in guul militari lagu kala calaf qaado.

    Mr Feltman ayaa ka digay in haddii fallaagada Tigreegu ay u soo ruqaansadaan caasimadda, Addis Ababa, ay taasi noqon doonto musiibo iyo wax aan la aqbali Karin.

    Iyadoo kooxda TPLF ay sheegtay in dagaalyahanadeedu ay ku soo wajahan yihiin Addis Ababa, ayaa Fransiiska iyo Jarmalku waxay noqdeen dalalkii ugu dambeeyay ee kula taliya in muwaadiniintoodu ay sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan Itoobiya.

    Maraykanka iyo UK ayaa dhawaan soo saaray talooyin kuwaas la mid ah halka Qaramada Midoobayna ay bilowday daadguraynta shaqqalaha caalamiga iyo qoysaskooda.

  2. Madaxweyneyaasha Kenya iyo Koonfur Afrika oo ka wadahadlay fududaynta dal-ku-galka iyo ganacsiga

    Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa booqasho rasmi ah oo labo cisho ah ku jooga Koonfur Afrika, halkaas oo arrimo badan ay uga wadahadlayaan madaxweynaha uu martida u yahay ee Cyril Ramaphosa.

    Arrinta dal-ku-galka, oo dad badan oo reer Kenya ay ku dhib qabaan, ayaa madaxweyne Ramaphosa sheegay in uu koox u saari doono arrimaha la xiriira dhibaatooynka ay fiisaha ku qabaan dadka ka yimaada Bariga Afrika.

    Sannadkii hore, Koonfur Afrika waxay Kenya u dhoofisay alaabo qiimaheedu dhan yahay $480m, halka ay soo dejisay $20m oo keliya.

    Labada madaxweyne waxay go'aansadeen inay wax ka qabtaan isku dheelitir la'aanta ganacsiga, wuxuuna Mr Ramaphosa sheegay in caqabadaha ganacsi ee aan loo baahnayn meesha laga saari doono. Wuxuu intaas ku daray in uu doonayo in Koonfur Afrika uu ku arko badeecooyin badan oo Kenya laga soo dhoofiyey.

    Madaxweyne Kenyatta ayaa booqan doona warshad lagu farsameeyey tallaalka.

    Wuxuu dhaliillay tallaalka ay reer Galbeedku “kaligood isku koobeen” wuxuuna Afrika ugu baaqay in ay ayagu tallaal samaystaan.

  3. Madaxweyne Erdogan oo wacad ku maray in uu ka guulaysan doono "dagaalka dhaqaale ee madaxbanaanida"

    Lacagta Turkiga ee Lira ayaa aad hoos ugu dhacday ka dib markii madaxweyne Erdogan uu laba jibbaaray siyaasadihiisa dhaqaalaha.

    Waxa uu difaacay dhimitaankii dhawaan lagu sameeyey xaddiga lacagaha dulsaarka ah, ayadoo ay jiraan sicir barar iyo lacagta dalkaas oo aad u daciiftay, ayuu Erdogan wacad ku maray in uu ka guulaysan doono wax uu ku tilmaamay "dagaalka dhaqaale ee madaxbanaanida".

    Hase ahaatee guddoomiye ku xigeenkii hore ee Bangiga Dhexe, oo shaqada laga eryay bishii hore, ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in siyaasadda Erdogan ay caddaatay in ay tahay tijaabo aan caqli gal ahayn oo ay tahay in si degdeg ah looga tanaasulo.

    Lacagta Lira ayaa qiimo ahaan hoos u dhacday 20% tobankii cisho ee u dambeeyey, waxayna sannadkan oo qura hoos u dhacday 40% waana lacagta ugu liidata ee suuqyada soo koraya.

  4. Puntland oo dhul siisay qaar kamid ah dadkii laga soo musaaruriyay Laascaanood iyo Ceerigaabo

    Maamulka Puntland ayaa sheegay inay dhul siiyeen dadkii dhawaan laga soo musaafuriyay magaalooyiinka Laascaanood iyo Ceerigaabo.

    Duqa degmada Gaalkacyo qeybta Puntland Maxamuud Cabdi Nuur Adan oo BBC la hadlay ayaa sheegay in qoysaskii Gaalkacyo soo gaaray boqolkiiba 80 ay u gudbeen gobolada ay ka so jeedeen islamarkana qoysas soo haray oo kor u dhaafaya 300 ay imika dib u dajin u sameynayaan.

    Waxaa uu intaa ku daray in qoysaskani ay sidoo kale haystaan raashiin ku filan bilooyiinka soo socda.

    Wariyaha BBC-da Axmed Badar ayuu u waramay.

  5. Ciidamada dowladda oo sheegay inay dib u qabsadeen xerada Daynuunay

    Wararka aan ka helayno deegaanka Daynunay ee duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xooggaga Al-Shabab ay aroornimadii maanta dagaal ku qabsadeen saldhig ay halka ku leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka.

    Taliska ciidamada Soomaaliya ee deegaankaas ayaa sheegay inay dib u qabsadeen saldhigga oo haatan ay gacanta ku hayaan.

    Jenaraal Maxamed Sheekh Maxamed Ciirow, taliyaha qeybta 60-aad ee ciidammada dhulka ee Xoogga Dalka ee Soomaaliya ayaa BBC u sheegay in khasaare ay gaarsiiyeen Shabaab isla markaana ay bacsanayaan dagaalyahanada kooxda ee weerarka kusoo qaaday deegaanka.

  6. Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Itoobiya xilli Abiy Axmed uu gaaray jiidda hore ee dagaalka

    Ra'iisul wasaaraha waddanka Itoobiya, ayaa gaaray jiidda hore ee dagaalka u dhaxeeya ciidammada dowladda iyo xooggaga fallaagada.

    Abiy Axmed, ayaa sheegay in isaga uu shakhsiyan hogaamin doono dagaalka dalka loogaga difaacayo fallaagada u soo ruqaansatay dhanka magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

    Waxa uu intaasi ku daray in halis ay ku jirto jiritaanka Itoobiya walow dowladdiisa ay gaashaanka u daruurtay in fallaagadu ay horumar ka sameeyeen dagaalka.

    Weriye Ismaaciil Ibraahim Buurgaabo oo Jigjiga jooga ayaa faahfaahinta warkaas inoo haya.

  7. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhaliil u jeediyay Ra'iisul Wasaare Rooble

  8. Booliska Uganda oo qabtay dad Soomaali ah kadib qaraxyadii Kampala

    Ciidammada ammaanka ee waddanka Uganda ayaa waxa ay xireen ugu yaraan 100 qof kaddib qaraxyadii mataanaha ahaa ee todobaadkii hore ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Kampala.

    Wararku waxa ay tilmaamayaan in dadka la qabtay ay ku jiraan Soomaali deggan magaaladaasi Kampala.

    Ugu yaraan todoba qof oo laga shakisan yahay ayaa la dilay kaddib markii la sheegay inay ka dhaga adaygeen in la soo xiro.

    “Booliska waxay xireen labo qof oo laga shakisan yahay markii lagu helay walxaha qarxa, labo qof ayaa imika lagu hayaa xabsiga” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska Uganda.

    Sarkaalka wuxuu intaa ku daray in dadka laga shakisan yahay ay kamid yihiin dad Soomaali ah.

    “Baaritaanada horudhaca ah waxay muujinayaan in walxahan qarxa ay booliiska soo qobteen ka dib markii la baaray gaari cad oo ah nooca tooyootada , gaarigan waxaa waday Cabadi Kariim Mayow oo ah 25 jir Soomaali ah kana mid ah dadka deegaanka”

    "Wuxuu ninkan ku andacooday in gaariga la soo kireystay oo uu ka soo kireystay nin lagu magacaabo Maxamed Xasan oo ah nin Somaali ah oo 28 jir ah oo u sheegay in uu ka soo qaaday Monyonyi qaraabadiisa oo kala ah hooyadii iyo walaalihii oo uu ku soo qaaday walxahan qarxa, waxaan xirnay Cabdi Kariin Mayow iyo Maxamed Xasan, waxaan sidoo kale xirnay xubnaha kale ee qoyska” ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska.

    Boolisku waxa uu weerraradaasi ku eedeeyay ururka loo soo gaabiyo ADF oo ah urur Islaami ah oo maxalli ah hasayeeshee , saldhiggiisu uu yahay waddanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo, kaas oo xiriir la leh ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.

  9. Maxkamad 72 sano kadib go'aan ka gaartay rag lagu nabay kufsi

    Afar nin madow ah oo lagu nabay inay kufsadeen gabar caddaan ah gudaha dalka Mareykanka ayaa laga berry yeelay eedeymihii loo heystay kadib in ka badan 70 sano oo kasoo wareegtay xilliggii dacwadda lagu soo oogay.

    Waxaana raggan lagu eedeeyay inay qafaasheen isla markaana kufsadeen gabadh xilli ay ku sugneyd degmada Groveland ee gobolka Florida sanadkii 1949.

    Charles Greenlee, Walter Irvin, Samuel Shepherd iyo Ernest Thomas ayaa waxaa sanadkii 2019 cafis u fidisay maxkamad ku taalla gobolka Florida.

    Raggan markii loo xirayay falkan waxaa da’dooda lagu qiyaasay 16 ilaa 26.

    Kadib falka lagu eedeeyay Ernest Thomas waxaa kusoo qaaday rag gaarayay 1000, kuwaas oo rasaas oodda uga qaaday ninkan.

    Saddex qof ee kalena jirddil ayaa loo geystay intii ay ku jireen gacanta booliska ka hor inta aysan xukunka ku rideen garsoorayaal dhammaantood caddaan ahaa.

    Samuel Shepherd ayaa markii dambe la toogtay xilli uu ku wajahnaa maxkamadda si dib loogu dhageysto kiiska.

    Walter Irvin, wuxuu ka badbaaday daldalaad sanadkii 1954, waxaana lasii daayay isaga oo aanan xukunkii lagu riday aanan dhameysan, 1969 ayuu dhintay.

    Halka Charles Greenlee, markii hore lagu xukumay xabsi daa’in, waxaana lasii daayay isaga aanan dhameysan xukunka sanadki 1962, wuxuu geeryooday 2012.

  10. Maareeye oo kusoo laabtay kursiga baarlamaanka

    Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa mar kale loo doortay xubin ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya xilli ay socoto doorashada Aqalka Hoose ee Gobollada Waqooyi.

    Maareeye wuxuu helay codadka gaaraya 96 halka musharraxii kula tartamay kursiga HOP#225, Cabdiraxmaan Warsame Siciid uu helay 2 cod oo kaliya ah.

    Sidoo kale doorashada kuraasta Aqalka Hoose ee gobollada waqooyi ee ka socota Muqdisho waxaa kusoo baxday Aamina Cumar Jaamac oo ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay HOP 202.

  11. Amar cusub oo la dul dhigay musharraxiinta doorashada Soomaaliya

    Guddiga doorashada Soomaaliya ayaa sheegay in aanan la aqbali doonin in musharraxiinta u tartameysa doorashada Aqalka Hoose ee dalka in wajigooda ay qariyaan.

    Waxay guddiga sheegeen in arrintan looga golleeyahay hufnaanta doorashada.

    “Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal waxay ku war galinayaan musharixiinta ku tartamaya kuraasta Golaha Shacabka ee dalka oo dhan in aan la aqbali doonin in musharax ku jira tartanka uu qariyo wajigiisa, si loo ilaaliyo daahfurnaanta doorashada” ayaa lagu yiri qoraal uu guddiga doorashada heer federal soo dhigay Facebook.

    Tallaabadan ayaa kusoo aadeysaa xilli cabasho laga muujiyay musharraxiin la sheegay in wajigooda ay qariyeen xilliggii ay socotay doorashada.

  12. Abiy Axmed: “Aan ku kulanno furrinta hore ee dagaalka”

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in haatan uu hoggaaminayo ciidamada militeriga isla markaana uu tegayo jiidda hore ee dagaalka xilli uu dalkaas ka socda dagaalka u dhexeeya fallaagada Tigray iyo ciidamada dowladda.

    “Laga bilaabo berry, waxaana tegaya jiidda hore ee dagaalka aniga oo hoggaaminaya ciidamada difaaca” ayuu yiri Abiy oo qoraal soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

    “Kuwa doonaya inay kamid ahaadaan carruurta Itoobiya, kuwaas oo ay xusi doonto taariikhda, maanta u kaca dalkiina, aan ku kulanno furriinta hore ee dagaalka”

    Hadalka Abiy ayaa imaanaya xilli shaley xisbiga haya talada Itoobiya uu yeeshay kulan looga hadlayo dagaalka ka taagan dalkaas.

    Kadib kulan wasiirka gaashaandhigga ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in laamaha amniga ay haatan qaadayaan howlgal ka duwan kii hore oo lagu joojinayo colaadda.

    Kadib markii dagaalamayaasha Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray-ga (TPLF) ay ku soo siqeen waddooyinka ka yimaada Waqooyiga ee soo gala Addis Ababa, ayay xiisaddu cirka isku shareertay.

    Mareykanka ayaa soo saaray baaqa daadguraynta muwaadiniintiisa, waxaana Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, wuxuuna codsaday in ciidamo dheeraad ah loo qoro.

    Maamulka Addis Ababa ayaa ugu baaqay dadka inay diiwaan geliyaan hubka.

    Jabhad kale oo gacan saar la leh kooxda TPLF ayaa sheegtay in ay sidoo kale ku sii dhawaanayaan caasimadda.

    Ergeyga Midowga Afrika ee gobolka, ahna Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo, ayaa sheegay inay jirto fursadda yar oo lagu wadahali karo.

  13. Asalaamu Caleykum!

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Caalmka.