You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Waa maxay Geela labada kurus leh ee lagu arkay waddoyinka Madrid?

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Waa maxay Geela labada kurus leh ee lagu arkay waddooyinka Madrid?

    Siddeed neef oo geel ah ayaa lagu arkay iyagoo dhex socda waddooyinka caasimadda Spain ee Madrid, aroortii hore ee shalay iyagoo ka soo baxsaday xeradii ay ku jireen, sida laga soo xigtay booliiska.

    Geela ayaa lagu arkay koofurta degmada Carabranchel, oo ah meel u dhow xeradii ay ku jireen.

    Booliiska ayaa markii dambe isku dayay in geela oo nabad ah lagu celiyo xeraddooda.

    Madaxa xarunta Circus Mati Munoz ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in derbiga siligga ah ee xerada ku wareegsanaa uu go'ay sidaasna uu geelu ku baxsaday.

    Wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in geeliisu aysan gaarin wax dhibaato ah.

    Geelan oo ah noocyada loo yaqaanno llama iyo Bactrian oo leh labo kurus iyo dhogor badan ayaa asal ahaan ka soo jeeda saxaraha bartamaha iyo koofurta Aasiya ayaa u adkeysan kara cimilada aadka u xun.

  2. Weerar toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay Jarmalka

    Saddex qof ayuu dhaawac daran ka soo gaaray weerar toorrey loo adeegsaday oo ka dhacay gudaha tareen xawaare sare ku socday, kaas oo ka dhacay koofurta Jarmalka.

    Booliiska ayaa xiray ninka looga shakisan yahay inuu weerarka geystay, oo ah 27 jir Suuriya u dhashay, wax yar kaddib markii uu dhacay weerarka oo lagu qaaday tareenka oo u kala gooshayay magaalooyinka Regensburg iyo Nuremberg.

    Weli lama oga ujeeddada ka dambeysay weerarkan oo dhacay abbaare 09:00 (08:00 GMT), waqtiga dalkaas.

    Dhaawacyada ayaa la sheegay inaysan ahayn kuwo halis gelinaya nafta. Boqollaal rakaab kale oo tareenka saarnaa ayaa laga daad-gureeyay.

    Tareenka ayaa la geeyay astaanka Seubersdorf, oo ilaa 70km (43m) koofur kaga beegan Nuremberg, halkaas oo ah meesha lagu xiray eedeysanaha.

    Sida laga soo xigtay wargeyska Jarmalka ka soo baxa ee Bild, ninka la xiray ayaa Jarmalka tegay sanadkii 2014 wuxuuna la daalaa dhacayay dhibaato dhanka caafimaadka maskaxda ah.

  3. Maxay tahay sababta ay Kenya u mamnuucday dhoofinta noocyo ka mid ah afokaadhada?

    Kenya ayaa wixii loo gaaro bartamaha bishan November joojin doonta dhoofinta noocyada Hass iyo Fuerte ee afokaadhada si loo joojiyo soo guridda miraha aan weli bislaan.

    Mamnuuciddan ayaa kaddib qiimeyn lagu sameyn doonaa bisha January.

    Si kastaba, amarkan ma saameyn doono noocyada kale ee afokaadhada.

    Dowladda ayaa amarkan soo rogtay kaddib markii ganacsatada ay bilaabeen inay soo guraan miraha aan weli bislaan si ay kharash badan uga sameeyaan.

    Tallaabadan ayaa la filayaa inay saameyn ku yeelato qiimaha iyo helitaanka afokaadhada ee suuqyada dibadda.

  4. Nageeye oo lagu wado in uu ka qeybgalo tartan orod ah oo caalami ah

    Cabdiraxmaan Aadan Nageeye oo ah orodyahan Soomaaliyeed oo u orda dalka Holand ayaa ka qeybgalaya tartanka orodka ee lagu wado in uu ka dhaco magaalada New York ee dalka Mareykanka.

    Nageeye waxaa tartanka ka dhacaya New York kula loolamayaa Kenenisa Bekele oo u dhashay dalka Itoobiya iyo Kibiwott Kandie oo kasoo jeedo dalka Kenya.

    Cabdi Nageeye oo u ordayay dalka Netherlands ayaa kaalinta labaad ka galay tartankii sanadkan ka dhacay dalka Japan, waxaa uuna sidaasi ku qaatay billadda Qalinka , halka Bashiir Cabdi oo u ordayay dalka Belgium-uu galay kaalinta saddexaad sidaasi oo u ku qaatay billaddii harsaneyd ee Maarta.

    Xilliggaas, Nageeye ayaa dadka Soomaalida ah iyo ajnabiga-ba soo jiitay ka dib markii uu Bashiir Cabdi oo u ordayay dalka Beljimka uu ku dhiirigaliyay in uu kaalinta saddexaad soo galo.

  5. Sierra Leone: Tiro dad ah oo ku dhintay qarax ka dhashay booyad shidaal

    Ugu yaraan 91 ayaa ku dhintay tobanaan kalana way ku dhawaacmeen kadib markii qarax xooggan uu ka dhacay gudaha caasimadda dalka Sierra Leone' ee Freetown.

    Qaraxa ayaa dhacay kadib markii Booyad kuwada sidaalka qaada ah ay ku dhacday gaari kale oo marayay isgoos mashquul badan gudaha caasimadda dalkas.

    Muuqaallo ay baahisay warbaahinta gudaha ayaa muujinayay meydad si daran u gubtay oo daadsan waddooyinka gaar ahaan goobtii ay ku rogmatay booyaddii shidaalka siday.

    Dowladda waxay sheegtay in ilaa hadda ay soo gaareen 91 meydad ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Wararka qaar waxay sheegayaan in gebi ahaanba uu dabka qabsaday bas ay saarnaayeen dad rakaab ahaa halka qaraxa ka dhashay booyadda uu baabi’iyay xarumo ganacsi.

    Madaxweynaha Sierra Leone Julius Maada Bio ayaa sheegay in uu si weyn uga naxay shilka qaraxa ka dhashay booyadda shidaalka siday.

    Qoraal uu soo dhigay Twitter-ka wuxuu sheegay in dowladdiisa ay garab istaageyso dadka ku waxyeelloobay shilkan.

  6. Wiilka Museveni oo taageeray halganka TPLF

    Wiilka uu dhalay madaxweynaha UgandaYoweri Museveni ayaa taageero u muujiyay jabhadda TPLF ee hadda dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya.

    Janaraal Muhoozi Kainerugaba oo ah taliyaha ciidamada lugta ee Uganda ayaa ugu baaqay dagaalyanahada Tigray inay dhageystaan talooyinka janaraal Yoweri Museveni.

    Wuxuu sheegay, “Kuwa kufsiga u geysta walaalaheen Tigray isla markaana dilayo, waa in tallaabo laga qaadaa” kadib qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

  7. Ergeygii Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka hadlay amarkii dalka looga eryay

    Ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, Simon Mulongo oo dhawaan dowladda Soomaaliya ay u qabatay in 7 cisho gudahood uu dalka isaga baxo ayaa sheegay in go’aankaas uu yahay mid lama filaan ah isla markaana uusan wax khalad ah galin, sida uu ku warramay wargeyska kasoo baxa dalka Uganda, Daily Monitor.

    “Mana fahmin ereyada ku qornaa warqadda, wax war ah kama hayo go’aanka mana garanayo sababta ka dambeysa” ayuu yiri diblumaasigan u dhashay Uganda xilli uu Khadka teleefoonka ugu warramay wargeyska..

    Dowladda Soomaaliya waxay ku eedeysay in ninkan u faraha lasoo galay arrimo ka baxsan howsha Amisom iyo istaraatiijiyadda amniga ee Soomaaliya.

  8. Dad ku dhintay qarax miino oo ka dhacay Muqdisho

    Ugu yaraan labo qof oo rayida ayaa ku dhintay, mid kalena wuu ku dhaawacmay qarax waddada hareerteeda la dhigay duleedka caasimadda Muqdisho, sida laga soo xigtay dad goobjoog ah.

    Qaraxa oo la doonayay in lala beegsado gaari ay dawladdu leedahay ayaa ka gudbay wax yar uun ka hor inta aanu qaraxu dhicin, balse qaraxu waxa uu qabsaday mooto dad shacab ah ay saarnaayeen oo maraysay xaafadda Garasbaaley.

    Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, waxaase weerrarada noocan ah Muqdisho iyo gobollada ku dhawdhaw ka fuliya kooxda Al-Shabaab.

  9. Muxuu Aadan Barre Ducaale uga tagayaa xisbiga haya talada dalka Kenya ee uu muddada ku soo jiray?

    Qaar kamid ah xubnaha ugu sarreeya xisbiga haya talada dalka Kenya ee Jubilee, ayaa ku hanjabay inay xubinnimada ka qaadi doonaan madaxweyne ku xigeenka William Ruto, kaasoo shaaciyay inuu u tartamayo doorashada dhici doonta sanadka soo socda .

    Waxaa ay Ruto ku eedeeyeen inuu kala dhantaalay awoodda xisbiga, isla markaana u adeegsaday danihiisa siyaasadeed.

    Balse xildhibaan Adan Barre Ducaale oo kamid ah siyaasiyiinta aadka ugu dhaw madaxweyne kuxigeenka ayaa tilmaamay in garabkooda ay sameysteen xisbi u gaar ah, isla markaana ay Jubilee u arkaan mid laga tegay.

  10. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo war kasoo saaray dagaalka ka socda Itoobiya

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka muddada sanadka ah ka socda Itoobiya kaas oo u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo xoogagga TPLF.

    Golaha ayaa ku boorisay dhammaan dhinacyada inay ka waantoobaan hadalada xanafta leh ee sii hurinaya naceybka iyo colaadaha, waxayna ku baaqday in la ilaaliyo dadka rayidka ah.

    Waxaa sare u kacay xiisada ka dhalatay kacdoonka Tigreega ee ku wajahan Addis Ababa.

    Jabhada TPLF ayaa sheegtay in ay u dagaalamayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen xasuuqa lagu hayo qowmiyadda Tigreega.

    Saacado ka hor 9 kooxood oo dowladda Itoobiya ka soo horjeeda ayna ku jirto kooxda TPLF ayaa isku raacay inay sameystaan isbahaysi ka dhan ah maamulka Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed.

    Dowladda ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto jabhadda TPLF.

    Colaadda Itoobiya ayaa gashay sannadkii labaad, iyadoo malaayiin qof ay ku barakaceen halka in ka badan 400,000 ay qarka u saaran yihiin macluul.

  11. Dad ku dhintay bandhig faneed ka dhacay Mareykanka

    Ugu yaraan 8 qof ayaa dhimatay halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen isbuurasho ka dhacday goob ay ka socotay bandhig faneed gudaha magaalada Houston ee gobolka Texas dalka Mareykanka.

    Dadkan ayaa si xooggan isku buurtay xilli ay ku xoomayeen masraxii lagu soo bandhigayay heesaha, sida ay sheegeen saraakiisha gurmadk deg dega ah.

    ilaa 11 qof ayay dhibaato soo gaartay markii uu wadnaha istaagay halka 8 qof ay ku dhinteen goobta.

    Ku dhawaad 300 qof ayuu soo gaaray dhaawacyo fudud, waxaana bandhig faneedkan ka qeybgalayay 50,000 qof.

  12. Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda dalka Itoobiya

    Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in isbahaysiga ka dhanka ah ee looga dhawaaqay caasimadda Maraykanka aanu haysan taageerada shacabka, isla markaana uu yahay mid siyaasad ahaan liita.

    Sagaal urur ayaa Washington uga dhawaaqay olole xukunka looga tuurayo Ra'iisal wasaare Abiy Axmed xoog iyo wahadalba kii ay noqoto.

    Dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada TPLF ayaa ka socdaa deegaanno ka tirsan gobollada Amxaarada iyo Canfarta.

    Shaley ayay aheyd markii taliyaha militariga Itoobiya uu ugu baaqay askartii hore uga tirsanaan jirtay militariga inay dib ugu soo biiraan ciidanka, si ay ula dagaalamaan jabhadda TPLF.

    Codsigan ayaa ku soo beegmaya iyadoo xoogaga fallaagada - ee ay hormuud ka tahay TPLF ay u dhaqaaqeen dhanka caasimadda Addis Ababa.

    Hadaba xaaladihii u dambeeyay ee Itoobiya waxaa warbixintan ku eegaya weriye Ismaaciil Buurgaabo oo ku sugan Jigjiga.

  13. Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.