You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Kenya oo qaadeysa tallaabooyin la xiriira jaadka

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Bangiga Adduunka oo hakiyey gargaarkii uu siin jirey Sudan

    Bangiga Adduunka, ayaa hakiyey kaalmadii uu u fidin jirey Sudan, kadib markii ciidamada military-ga ee dalkani, ay afgambi kagala wareegeen dowladdii rayidka aheyd talada dalkaasi.

    Hoggaamiyeyaal siyaasadeed ayaa la xirey isniintii, taasoo dhalisay mudaaharaadyo dalka oo idil ah, iyo cambaareyn caalami ah.

    Midowga Africa, ayaa sidoo kale ka joojiyey xubinnimadii ururka ee dalka Sudan, sababo la xiriira qabsashada aan sharciga aheyn ee xukunka ee ciidana military-ga. Mareykanka ayaa xayirey 700 oo milyan oo Doolar, oo gargaar ah.

    Hoggaamiyeyaasha ciidanka iyo kuwa rayidka ah, ayaa galey awood qeybsi aad u nugul, labadii sano ee lasoo dhaafey.

    Tallaabooyinka ay qaadeen Bangiga Adduunka iyo Midowga Africa, ayaa cadaadis dheeraad ah saaraya hoggaamiyaha afgambiga ee General Cabdulfataax Burhan, si uu dib ugu soo celiyo dowladdii rayidka aheyd.

    General Burhan ayaa mas’uul ka ahaa heshiiska awood qeybsiga, isagoo sheegay in afgambiga loo baahnaa, si loogga fogaado dagaal sokeeye.

    Wuxuu ku adkeysanayaa in dalka Sudan uu afka aadiyey dhabadii dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka sanadka 2023-ka, balse sababtiisa la wareegista ee lama filaanka ah, ayaa si weyn loogga horyimid.

  2. Maxaa ninkan Nayjeeriyaanka ah ku qasbay inuu naftiisa beeciyo?

    Ninkan lagu magacaabo Caliyu Na Idiris, oo 26 sano jir ah, kaasoo u dhashey dalka Nayjeeriya, ayaa ku shaaciyey Baraha Bulshada inuu yahay beec toddobaadkii tagay daba yaaqadiisa.

    Booliiska dalka Nayjeeriya, ayaa xirey qof naftiisa beeciyey, iyadoo arrintani ay ka dhacdey gobolka Kanu, ee ka dhaca dhanka waqooyi ee dalkani.

    Caliyu Na Idiris, ayaa ku dhex wareegayey magaalada, isagoo wata boor uu isku beecinayo, lacag gaareysa US $25,000.

    Harqaan lahan ayaa sheegay iney heysato xaalad xun oo dhaqaale, isagoo markaa tilmaamey inaanu laheyn ikhtiyaar aan aheyn inuu naftiisa iibiyo.

    Wuxuu carabka ku dhuftey iney jiraan dad usoo gudbiyey qiimo gaaraya US $20,000, balse uu iska diiday inuu aqbalo lacagtaas, maadaama ay yar tahay, waa sida uu sheegaye.

    Booliiska ku dhaqma diinta Islaamka ee gobolka Kanu, ayaa sheegay iney tahay sharci darro in qof naftiisa beeciyo.

    Booliiska ayaa markii danbe xirey ninkani, kadib ku dhawaaqistiisa inuu beec yahay.

    Taliyaha ciidanka ku shaqeeya nidaamka Islaamiga, Sheekh Harun Ibnu Sina, ayaa sheegay in Islaamku aanu oggoleyn in qofku is beeciyo, sababtuu doonaba qofka ha cuskadee.

  3. Midowga Africa oo qaadey tallaabo ka dhan ah dalka Sudan

    Midowga Africa, ayaa ka saarey dalka Sudan xubinnimadii iyo dhammaan hawlaha ururkani, illaa iyo inta lasoo celinayo dowlad kumeel gaar ah oo heysata sharciyad buuxda, oo uu dalkaasi yeesho. Waxaa lagu tilmaamey afgambigii dhacey Isniintii mid aan waafaqsaneyn dastuurka.

    Mudaaharaadyo loogga soo horjeedo la wareegista ciidanka military-ga talada dalka Sudan, ayaa ka socda maalintii saddexaad magaalada caasimadda Khartoum.

    Ururada ganacsiga, oo matalaya dhakhaatiirta iyo shaqaalaha shirkadaha shidaalka, ayaa sheegay sidoo kale iney ku biirayaan dibad baxyada.

    Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa kula hadley taleefanka ra’iisal wasarihii xilka laga tuurey, kadib markii uu gurigiisa dib uggu noqdey.

    Abdalla Hamdok, ayaa la xirey intii uu socdey afgambiga. Mr Blinken, ayaa mar kale ku booriyey ciidamada qalabka sida ee dalka Sudan, iney sii daayaan hoggaamiyeyaasha rayidka ee u xiran.

  4. Xaaladda magaalada Guriceel oo daganeyd maanta

    Ciidamada Ahlu Sunnah ayaa isaga baxey magaalada Guriceel aroortii hore ee maanta, iyadoo dagaalku ay labadda dhinacba dad badan kaga dhinteen.

    Waxaa maanta daganeyd xaaladda magaalada , iyadoo maalmihii lasoo dhaafy ay halkaasi ku dagaalamayeen ciidamada Maamulka GalMudug iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo dhinac ah, iyo kuwa Ahlu Sunnah.

    Wararku waxey intaa ku darayaan in meydad lagu arkey goobihii lagu dagaalamayey maalmihii lasoo dhaafey, kuwaasoo dhammaantood ay ku yaallaan rasaas, loo maleynayo iney ku dhacdey intuu dagaalku socdey.

    Dhanka kale, magaalada waxaa soo gaarey burbur lixaad leh, lamana hayo tira koob sax ah, oo la xiriira dadkii ku dhintey iyo kuwa ku dhaawacmay dagaalka magaalada Guriceel.

  5. Sawirro:Khasaaraha ka dhashay dagaalkii Guriceel

    Waxaa gebi ahaanba burburay soo gaaray isbitaalka Kulmiye ee ku yaalla magaalada Guriceel kadib dagaalladii halkaas ka dhacay dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay.

    Dr Cali Cumar Tarabi oo kamid ah saraakiisha cisbitaalka ayaa BBC u sheegay in cisbitaalka dhammaantii uu burburay kaas oo ka koobnaa 21 qol isla markaana uu dhibka soo gaaray maalintii uu dagaalka ka qarxay Guriceel.

  6. Kenya oo qaadeysa tallaabooyin la xiriira jaadka

    Dowladda Kenya ayaa bilowday qorshe ay xal ugu raadineyso dhibaatooyinka lasoo dersay ganacsatada jaadka ee dalkaas.

    Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fried Matiangi ayaa sheegay in dowladda ay la shaqeyneyso maamulka Meru oo ah goobta uu ka baxo jaadk si loo xalliyo caqabadaha lasoo dersay suuq geynta jaadka Kenya.

    Sidoo kale guddiga dowladda ay u xil saartay arrintani ayaa eegi doonaa cilmi baarista dhanka seyniska eee lagu sameynayo saameynta jaadka uu ku yeelan karo caafimaadka, bulshada iyo dhaqaalaha.

  7. Cumar Filish oo kormeeray xarunta taalada Daljirka Daahson

    Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud, Cumar (Filish) ayaa maanta booqday xarunta Dajirka Daahson oo dhawaan howlo dayactir ah lagu sameeyay.

    Wuxuu sidoo kale kormeer kusoo sameeyay warta KM4 iyo warta Fagax oo loogu talagalay maareynta biyaha roobka deyrta.

  8. Qareenka Cabdimaalik Muuse Coldoon oo sheegay in sifo sharci darro ah lagu soo xiray

    Ku dhawaad labo bil oo xabsi lagu hayay, ayaa waxaa maanta maxkamad ku taal Hargeysa la horkeenay Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo Burco laga soo xiray dabayaaqadii Bishii August, sida BBC-da u sheegay garyaqaankiisa Jamaal Xuseen Axmed Mandela.

    Cabdimaalik ayaa horey loogu heystay xarumo waxbarasho oo uu wax ka sheegay.

    Laakiin Qaryaqaankiisa Jamaal Xuseen Mandela ayaa ku dooday in maxkamad hor-keenista Cabdimaalik Coldoon loo maray si ka baxsan hanaanka dacwad oogista.

    Wuxuu u warramay weriyaha BBC Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.

  9. Huteel laga dhisayo hawada sare

    Blue Origin oo ah shirkad qaabilsan dalxiiska hawada oo uu leeyahay milkiilaha Amazom Jeff Bezos ayaa shaacisay qorsheyaal ay hawada sare ugu dhiseyso xarun ganacsi.

    Shirkadda waxay sidoo kale sheegtay Isnintii inay ku rajo wentahay in xarunta ay howlgeli doonto 10 sano kadib, waxaana xaruntan loogu magac daray "Orbital Reef,"

    Xaruntan ayaa isugu jiri doontaa ganacsiyo dhowr ah sida maqaaxi, waxay qaadi doontaa ilaa 10 qof.

    Blue Origin waxay sheegtay in xarunta ganacsi ay ka hirgeli doonto hawada sare ay ku fadhin doonto 32,000 m oo isku wareeg ah, waxay macaamiisha ka heli doonaan goobo ay filimaanta ku qaadan karaan isla markaana ay cilmi baaris hawada sare uga soo sameyn karaan, waxaana xarunta ka marneyn maqaaxi.

    Blue Origin waxay qorshahan kala kaashaneysaa shirkadaha Sierra Space iyo Boeing.

    Waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan qiimaha ku baxayo qorshahan balse waxaa lagu wadaa inay ku baxdo dhaqaale badan maadama eff Bezos uu hadda ka hor $1bn oo doolar ku bixiyay maalgelinta shirkadda qaabilsan dalxiiska hawada ee Blue Origin.

  10. Garoonka diyaaradaha Khartoum oo dib loo furaya

    Dowladda Suudaan ayaa maanta dib u fureysaa garoonka diyaaradaha kadib afgembigii dhawaan ka dhacay dalkaas.

    Madaxa waaxda duulista iyo hawada, Janaraal Ibraahim Adlan ayaa warbaahinta u sheegay in galabta ay si toos ah duulimaadyada ugu soo laaban doonaan garoonka.

    Waxaa dhawaan la hakiyay duulimaadyada garoonka caalamiga ah ee Khartoum maalin uun kadib markii militeriga ay awoodda la wareegeen, waxaana dalka looga dhawaaqay xaalad deg deg ah.

    Waxaana lagu soo warramayaa in inta badan la xiray golihii wasiirada ee dowladda kumeel gaarka ah halka lasii daayay Ra'iisul Wasaare Cabdalla Hamdok.

  11. Furitaanka bandhigga ganacsiga Somaliland iyo Taiwan

    Wasaaradda arrimaha dibadda Taiwan ayaa shaacisay in bandhigga ganacsiga Somaliland iyo Taiwan uu si rasmi ah u furmayo 4-ta bisha November ee sanadkan,sida ay ku warrantay warbaahinta Taiwan News.

    Waxaana bandhiggan looga golleeyahay in looga wadahadlo sidii lagu xoojin xiriirka ganacsi ee Taiwan iyo Somaliland.

    Waxaana heshiis ganacsi kala saxeexan doonaa ururka qaabilsan dhoofinta badeecadaha IEAT iyo rugta ganacsiga ee Somaliland.

    Ku xigeenka madaxa iskaashiga caalamiga ah ee Taiwan ayaa sheegay in Somaliland ay ku taallo marin ganacsi oo muhiim ah oo ay isaga kala gooshaan maraakiibta caalmiga ah.

    Wuxuu intaa ku daray in dekedda Berbera ay isha dhaqaalaha gobolka oo laisku marsiiyo badeecadaha ganacsi.

  12. Maydad kale oo lagu arkay goobihii lagu dagaalamay ee Guriceel

    Warrarka ka imaanaya magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maydad kale lagu arkay goobihii lagu dagaalamayay dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay, kadib markii ay ciidamada ururka Ahlu-Sunna Waljaamaca ay isaga baxeen saldhigyadii ay ka fadhiyeen Guriceel.

    Qof tagay goobihii lagu dagaallamay ayaa BBC-da u sheegay inuu indhihiisa ku arkay maydadka sideed ruux oo dhamaantood ay rasaas ku dhacday intii uu dagaalku socday.

    Maydadka lagu arkay goobihii lagu dagaalamay gaar ahaan aaga suuqa waxa ku jiray qof dumara.

    Illaa hadda lama hayo tirakoob saxa oo ku saabsan dadka ku dhintay ama ku dhaawacmay dagaalka Guriceel, balse illo deegaanka ah iyo kuwa ciidamada ah ayaa laga soo xigtay in dad ka badan 30 qof lagu dilay dagaalka sabtidii Guriceel ka bilowday soona gaaray illaa shalay, tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen.

  13. Yaa ka shaqeeyay wada-hadalada mirodhalay ee Ahlu Sunna Guriceel uga baxday?

    Wararka ka imanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka ay gebi ahaanba la wareegeen gacan ku haynta magaalada Guriceel oo maalmahan si daran ay ugu hardamayeen iyaga iyo ciidamada Ahlu Sunna Wal jamaaca.

  14. Mareykanka oo la hadlay Ra’iisul Wasaarihii la afgembiyay ee Suudaan

    Mareykanka ayaa sheegay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Antony Blinken, uu khadka taleefoonka kula hadlay Ra'iisul wasaarihii rayidka ahaa ee Suudaan, kaddib markii uu Abdalla Hamdok ku soo laabtay hoygiisii.

    Mr Hamdok ayaa la xiray intii uu socday afgembigii militari ee dhacay Isniintii.

    War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Blinken uu soo dhaweeyay sii deynta Hamdok,

    Waxaa uu carabka ku adkeeyay baaqiisii ahaa in ciidamada qalabka sida ee Suudaan ay sii daayaan dhammaan hogaamiyayaasha rayidka ah ee la xiray afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.

    Mudaaharaadyada looga soo horjeedo la wareegidda ciidamada ayaa socday ilaa xalay, iyadoo dadweyne badan oo ku sugnaa caasimadda Khartoum ay socod ku mareen, isla markaana xireen waddooyinka waaweyn.

    Mar sii horeysay, hoggaamiyaha afgambiga, General Cabdulfataax al-Burhan General Abdel Fattah al-Burhaan ayaa isku dayay inuu qiil u helo afgambiga isagoo ku eedeeyay kooxaha siyaasadda inay shacabka ku kicinayaan ciidamada ammaanka.

    Wuxuu kala direy dowladdii kumeel gaarka aheyd, isagoo ku dhawaaqey in dalkaasi la galiyey xaalad deg deg ah.

  15. Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo caalamka