You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Uhuru Kenyatta oo noqday madaxweynihii ugu horreeyay oo Afrikaan ah oo la kulmaya Biden

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Askarta Waqqooyiga Korea oo dhoolatus ku sameeyey jabinta mutuleel iyo kala goynta silsilado bir ah

    Warbaahinta Waqooyiga Korea, ayaa hawada soo galiyey sawiro iyo video muujinaya askar ku jirta tababar, taasoo ay awood ahaan u muujinayaan ku jajabinta walxo kala duwan gacmahoodda.

    Dhoolatuska ayaa lagu soo bandhigay macrad la xiriira dhanka difaaca magaalada xarunta ah ee Pyongyang, taasoo ay daawanayeen madax tiro badan, oo uu ku jiro Kim Jong-un.

    Jajabinta ay ku sameynayeen marmarka iyo kala goynta silsiladaha birta ah, ayaa la arkayey askarta iyagoo ku jiifa sariira dhalooyin ah oo mudacyo leh, iyadoo sidoo kale lagu xardhey jirkooda dhalooyin.

    Gaba gabadii ayaa waxaa goobta ka muuqdey rag qoorta loo surey ulo bir ah, oo ay silsilidihii isku xirayey ay kala jarayaan.

    Warbaahinta Korea-yada waqooyi, ayaa sheegtay in tani ay farriin u direyso cadawga dalkooda, taasoo askarta soo bandhigtay dhoolatuska ay si aan gorgortan laheyn u difaacayaan amniga guud ee dalkani.

    Inkastoo aaneyba aheyn wax la isku sheego, haddana tababarkani ma ahan in lagu sameeyo guryaha, waxaana lagu baraarujinayaa dadweynaha iney ficiladan sameyntooda ka fogaadaan.

  2. Gabadhii wacdaraha ka dhigtey ciyaarihii Olympic-kada oo meydkeeda la helay

    Agnes Tirop, oo heysata rikoorka adduunka, taasoo u dhalatey Kenya, ayaa laga helay meydkeeda gurigeeda, kaasoo ku yaalla magaalo dhacda galbeedka Kenya, oo la yiraahdo Iten, iyadoo booliiska ninkii ay u dhaxdey u yahay qofka koowaad ee loogga shakisan yahay dilkeeda.

    Laba jeer oo ay ku guuleysatey biladda Naxaasta ee Ciyaaraha fudud ee dunida, iyadoo kaalinta afraad ka gashey ciyaarihii kama danbeysta ee Olympic-kada, oo la ordayey masaafo dhan 5,000m, kuwaasoo dhamaadey laba bilood kahor. Waxey dhawaan noqotey 25 sano jir.

    Baaritaan danbi ayaa haatan lagu bilaabey dhimashada gabadhan, iyadoo booliisku ay sheegeen in ninkeedii la waayey.

    Arbacaddii oo maanta ah, baarayaasha dambigani ayaa waxey tageen guriga Tirop, taasoo booliisku ay sheegeen in aabaheed waa gabadha dhimataye, lagu soo war galiyey in isna la waayey habeenimadii talaadada.

    Tom Makori, oo ah madaxa booliiska ee agagaarka ay dhibaatadu ka dhacdey, ayaa sheegay markii booliisku ay gaareen guriga, waxey ka heleen meydka Tirop oo saaran sariirta, waxaana jirey dhiig badan oo daad sanaa dhulka.

    Booliiska ayaa intaa ku darey in gabadhani lagaga dhuftey mindi qoorta, iyadoo halkaasi uu kasoo gaarey, lana rumeysan in taasi tahay waxa sababey dhimashadeeda.

  3. Afar qodob oo qareenada Soomaaliya ee ICJ ay diiradda saareen dooddii bishii March

    Waxaa shalay magaalada Hague ee dalka Holland go'aankii ugu dambeeyay looga gaaray kiiska badda ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo kenya.

    Maxkamadda ugu sareysa ee Qaramada Midoobeey ayaa sidii Soomaaliya ay dooneysay u xukuntay muranka xuduudda badda ee kala dhexeeya Kenya.

    Dowladda Kenya ayaa horey maxkamadda ICJ ugu eedeysay in aysan dhexdhexaad ahayn, waxayna tilmaamtay in aysan aqbali doonin xukunka maxkamadda.

    Madaxweynaha waddanka Kenya, ayaa gaashaanka u daruuray xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee qeybta libaax Muqdisho ka siiyay murankii badda ee u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya.

    Uhuru Kenyatta, ayaa ka digay in go'aanka Maxkamadda ICJ ay inta badan baddii lagu muransanaa ay ku siisayay Soomaaliya uu waxyeelayn doono xiriirkii ka dhaxeeya labada dal.

    Balse madaxda Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay go'aanka ICJ. Madaweynaha Somaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay in go'aanka ka soo baxey Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda, ee ku saabsanaa muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, uu yahay mid caddaaalad ah.

  4. Taksiile 50,000 doolar waddo ka helay oo tallaabo la yaab leh qaaday

    Wiil yar oo taksiile ka ah dalka Liberia ayaa si weyn loogu ammaanay tallaabo uu qaaday kadib markii lacag gaareysa 50,000 uu waddo ka helay dib ugu celiyay qofkii iska lahaa oo uu raadiyay.

    Lacagta waxay ka luntay ganacsade ka ah dalkaas.

    Emmanuel Tolue wuxuu sheegay in lacagta oo ku jirtay boorso uu ka helay waddo isla markaana uu raadiyay qofkii lahaa oo uu ka baahiyay Raadiyo maxalli ah.

    Musu Yancy markii ay heshay lacagteedi, waxay wiilkii yaraa ku abaalmarisay $1,500 doolar.

    Dadka reer Liberia ayaa si weyn u hadal hayaa dhacdadan maadama ay wiilka uu qaaday tallaabo naadir ah oo ku cusub dalkaas.

  5. Abaaro iyo cudurro is biirsaday oo saameeyay xoolo dhaqatada Jubaland

    Jiilaalka daran iyo abaaraha laga soo sheegayo gobollada Jubaland ayaa lagu soo waramayaa inay ku darsameen cudurro aan la garan oo ku dhacaya dadka iyo xoolahaba.taasoo kordhisay xoolaha u dhimanaya biyaha iyo baad la’aanta ka taagan deegaannada fogfog.

    Sidoo kale deegaannada abaaruhu ku dhufteen waxa laga soo sheegayaa cudurka COVID19 oo fara ba’an ku haya dadka deegaannadaasi ku nool.

    Haddaba si aan u ogaanno baaxadda cudurrada iyo abaaraha ku dhuftay dhulka miyiga ah ee Jubaland, waxa uu weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan taleefanka magaalada Kismaayo kula hadlay Wasiirka Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka ee Jubaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed.

  6. Sidee ayay madaxda Soomaalida uga falceliyeen go'aankii Maxkamadda ICJ?

    Madaxda siyaasadda Soomaaliya ayaa si isku mid ah uga falceliyay go'aankii maxkamadda caddaaladda adduunka ee dacwaddii muranka badda ee ay Soomaaliya u gudbisay. Madaxdaasi waxaa ka mid ah xubnaha Midoowga Musharixiinta oo qaarkood uu si toos ah u quseeyay kiiska maadaamaa ay hawsha wax ka galeen xilliyo kala duwan.

    Sheekh Shariif Sheekh Axmed

    Ka hadlista go'aanka maxkamadda ka sokoow, waxaa diirada la saaray heshiiskii is afgaradka ee dowladda Soomaaliya iyo Kenya ay kala saxiixdeen sanadkii 2009-kii, waxaana heshiiskaas gebi ahaanba iska beri yeelay madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo markaas ahaa madaxweynihii dalka.

    Sheekh Shariif waxa uu sheegay in wasiirkii iskaashiga caalamiga ah ee xiligaas Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu u sheegay qorshaha safarkiisa subixii uu u safrayay Nairobi "Markii aan Ra'islwasaare Cumar Cabdirashiid weeydiiyayna sabab la iigu sheegi waayay, wuxuu igu yiri waxaan u malaynayay in aad ogeyd" ayuu yiri Sheekh Shariif.

  7. Nin la sheegay inuu carruurta dhiiga ka dhuuqo oo ka baxsaday xabsi ku yaalla Nairobi

    Nin la sheegay in uu dilay carruur badan ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

    Booliska Kenya ayaa Masten Millimo Wanjala u taxaabay xabsiga bishii July ee sanadkan kadib markii uu qirtay inuu falal iskugu jira kufsi iyo dil uu kula kacay ugu yaraan 10 carruur ah.

    Lama ogo sababta ka dambeysa baxsashada ninka oo ku xirnaa xabsi ku yaalla saldhigga booliska Joogo Road ee Nairobi, sida ay baahisay qaar kamid ah warbaahinta Kenya.

    Waaxda dambi baarista Kenya ayaa bishii July baahiyay sawirka ninka oo ay sheegeen, "Dad-cunkan wuxuu waday dil joogto ah oo uu ku bartilmameedsanayay carruurta ay da'dooda u dhexeyso 12 iyo13 sano. Wuxuu masuul ka ahaa afduubyada magaalada ruxay dhowaanahan".

    Waxay booliska sheegeen in uu khiyaani jiray carruurta inta uu la ciyaarayo.

  8. Uhuru Kenyatta oo noqday madaxweynihii ugu horreeyay oo Afrikaan ah oo la kulmaya Biden

    Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in uu Aqalka Cad kula kulmo madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

    Uhuru ayaa booqasho labo maalmood ah ku joogaa Mareykanka.

    Kenyatta ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyay oo Afrikaan ah oo la kulmaya Joe Biden tan iyo markii xilka loo caleemo saaray.

    Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in labo madaxweyne ay ka wadahadli doonaa arrimo ay kamid yihiin amniga iyo saameynta isbaddalada cimilada.

    Mareykanka ayaa Kenya u arkaa saaxib muhiim marka ay timaaddo la dagaallanka argagixisada gobolka.

  9. Sidee ayuu ku dhaqangalaya go’aanka maxkamadda ICJ ee badda Soomaaliya iyo Kenya?

    Maxkamadda Caddaalladda Adduunka ayaa shaley qeyb libaax u xukmisay Soomaaliya dhulkii badda ee lagu muransanaa ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

    Kenya waxay ku gacan seyrtay go’aanka maxkamadda isla markaana ka digtay in uu waxyeelayn doono xiriirkii labada dal.

    Dr Axmed Cali Khayre oo ah sharci yaqaan ayaa BBC uga warramay sida uu ku dhaqangeli karo go’aanka kasoo baxay maxkamadda marka loo fiiriyo xeerarka caalamiga.

    “Maxkamadda ciidan iyo boolis arrinta hirgeliya ma lahan, marka qaab sharci ah ay xukunka ku rido maxkamadda, dalalka inta badan wey aqbalaan, xukunka sharci ayuu noqanayaa sababta oo ah Maxkamaddii Caddaaladda Adduunka ayaa gaartay ,sharci ahaan haddii maxkamadda go’aankaas gaartay wuxuu noqonaya mid sax ah ”

  10. Natiijada doorashadii Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo la shaaciyay

    Guddiga doorashooyinka qaranka Itoobiya ayaa maanta soo saaray intii u badnayd natiijada doorashadii bishii hore ka dhacday Degaanka Soomaalida.

    Guddiga wuxuu sheegay in shacab tiradoodu dhan tahay 5,171,317 ay is diiwaan galiyeen oo ay qaateen kaararka cod bixinta.

    Guddiga wuxuu xusay in 23 kursi oo Baarlamaanka Federaalka (Gollaha Wakiilada Shacabka ) iyo 273 kursi oo Golaha xildhibaanada Degaanka loogu loolamayay doorashada 6-aad ee bishii hore ka dhacday Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

    Guddiga wuxuu sidoo kale sheegay in 23-dii kursi ee Golaha Wakiilada Shacabka ee Federaalka uu Xisbiga Barwaaqo ku wada guulaystay halka 263 kursi oo ka mid ah 273-dii kursi ee Golaha Xildhibaanada Degaanka ay 262 ay ku guulaysteen Xisbiga Barwaaqo halka hal kursina uu helay musharax madaxbanaan.

    Guddiga ayaa sheegay in natiijada 10 goob doorasho oo ay ka soo baxayeen 10 xildhibaan oo heer deegaan ah oo kala ah 7 magaalada Jigjiga iyo 3 Degmada Maya Muluqa cabasho ka timid awgeed ay dib ka shaacin doonaan.

  11. Khilaafka weli ma dhammaanin - Falanqeynta weriyaha BBC, Ferdinand Omondi

    Ma jirin dal doonayay in xukunka uu sidan u dhaco, balse Soomaaliya ayaa faraxsan.

    Waxay heshay inta badan dhulkii ay sheeganeysay, Kenya dhankeedana waxay ku hanjabtay in aysan waxyarna ka tagi doonin.

    Madaxda Soomaalida ayaa shucuurtooda ku cabiray farriimaha ay baraha bulshada soo dhigayaan.

    Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya waxay sheegtay in ay ku taagan tahay go'aankeedii isbuucii hore ee ahaa in aysan aqbaleynin xukunka ICJ.

    Su'aasha waxay tahay, maxaa xiga arrintan, yaase meel marinaya xukunka maxkamadda?

    Kenya waxay muujisay in ay dagaal u gali karto sidii ay u difaaci lahayd "dhulkeeda" - Saldhig ciidamada badda ay ku leeyihiin nawaaxiga lagu muransan yahay ayaa dhowaan la sii hormariyay.

    Soomaaliya ma lahan ciidamo bad oo awood badan leh, balse waxay leedahay dalal saaxiibbo la ah.

    Balse dagaalka ma ahan arrinta ugu horeysa ee labadan dal laga filayo.

    Waxaa dhici kara wadahadallo kale, ama khilaaf diblumaasiyadeeda. Ama labadaba.

  12. Maxaa dhici karaa haddii mid kamid ah dalalka uu diido xukunka maxkamadda ICJ?

    Maxaa dhici karaa haddii mid kamid dalalka uu diido xukunka maxkamadda ICJ?

    Soomaaliya ayaa sheegtay in xukunka ay maxkamadda caddaaladda adduunka ka soo saartay murankii xadka badda ee dalkeeda iyo Kenya u dhaxeeyey uu yahay mid caddaalad ah oo ay ku gartii ku heshay.

    Ra’iisal Wasaare xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed oo hogaaminayey wefti goob joog u ahaa ku dhawaaqistii xukunka Maxakamadda ayaa sheegay in Soomaaliya ku guulaysatay boqolkiiba boqol dacwaddaas, isla markaana ay si buuxda ugu qanacsantahay go’aankaa ka soo baxay Maxkamadda.

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo xalay ka hadlay xaflad loogu dabaal degaya go’aanka wuxuu ku tilmaamay guul taariikhi ah oo Soomaaliya ka gaadhay dawacadii mudada socotay

    Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa diiday xukunka ka soo baxay maxkamadda cadaaladda aduunka oo qayb libaax ka siiyey Soomaaliya badda ay isku hayeen Soomaaliya iyo Kenya.

    Kenyatta wuxuu sheegay in arintaasi xidhiidhka labada dhinac ay dhaawaci karto.

    Dr Axmed Cali Khayre oo ah sharci yaqaan ayaa BBC u sheegay in dal kasta uu khasban yahay in uu hoggaansamo go’aanka kaso baxa Maxkamadda ICJ.

    Haddii laba dal midkood uu diido xukunka, cahdiga Qaramada Midoobey wuxuu leeyahay dal walba wuxuu ku khasban yahay in uu raaco go’aanka Maxkamadda Caddalladda Adduunka maadama ay tahay garsoorka ee Qaramada Midoobey”

  13. Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo caalamka.