You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Turkiga oo Soomaaliya usoo tababaray ciidamo hor leh

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Turkiga oo Soomaaliya usoo tababaray ciidamo hor leh

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta tababar usoo xiray ciidamo ka tirsan militeriga oo ka qalin jebiyay xerada tababarka cidamada ee Turksom.

    Madaxweynaha wuxuu ugu baaqay saraakiisha qalinjebisay inay ka qeyb qaataan qorshaha dhismaha ciidamada difaaca dalka.

    Farmaajo ayaa ugu mahadceliyay dadaalka ku aadan in ciidamada ay ku tababarto gudaha dalka.

    Waxaana sidoo kale munaasabadda ku sugnaa safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz iyo mas'uuliyiin ka socotay dowladda.

    “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka, qalabayntooda iyo tayeyntooda, si dib loogu soo celiyo cududda iyo tayada ay ku tilmaaman yihiin Cidiimmada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed." ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

    Turkiga ayaa ciidamada Soomaaliya tababar ku siinayay xerada TURKSOM tan iyo sanadkii 2017, kadib heshiis milateri oo ay kala saxiixdeen labada waddan.

    Turkiga ayaa rajeynaya in Soomaaliya uu u tababaro illaa 15 kun oo askari, si ciidamada xoogga dalka ay ula wareegaan ammaanka waddanka ay colaaddu ragaadisay.

    Ujeedka laga leeyahay ciidamadaas ayaa ah in ay sugidda ammaanka dalka kala wareegaan ciidamada AMISOM oo lagu waday in sanadkan 2021 ay billaabaan qorshaha ay uga baxayaan dalka.

  2. Dagaallo xooggan oo ka socda Afghanistan

    Dagaallo xooggan ayaa ka socdaa saddex magaalo oo muhiim ah oo ku yaalla dalka Afghanistan halkaas oo ciidamada amniga ay isku dayayaan inay iska difacaan dagaalyahanada kooxda Talibaan.

    Talibaan waxay weerar ku qaadeen magaalada Herat ee dhacda galbeedka Afghanistan halkaas oo ay wararka sheegayaan inay jebiyeen ciidamadii difaaca ee dowladda.

    Sidoo kale dagaallo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada Talibaan ayaa ka socdaa magaalooyinka dhaca koonfurta ee Lashkar Gah iyo Kandahar.

    Diyaarado ayaa duqeeyay cisbitaalka ku yaalla degmada Lashkhar Gah, waxaana halkaas ku dhintay hal qof.

    Ilaa hadda ma kala cadda khasaaraha ka dhashay cisbitaalka iyo tirada dadkii ku sugnaa cisbitaalka xilligii uu weerarka dhacayay.

    Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Afghanistan ayaa BBC u sheegay in ka badan 30,000 qof oo degenaa magaalada Kandahar ay guryahooda isaga qaxeen kuwaas oo aanan heysan biyo iyo raashiin.

  3. Qoyska gabadh lagu kufsaday Wajeer: "Caddaaladda waa in aan helnaa"

    Qoyska gabadh 16 jir ah oo shaley lagu kufsaday magaalada Wajeer ee gobolka Waqooy Bari Kenya ayaa codsday in caddaaladda la horgeeno ragga dhibaatada u geystay gabadhooda.

    Gabadha la kufsaday ayaa waxay dhiganeysay fasalka 7-aad ee dugsiga hoose ee dhexe, waxaana sida la sheegay dhibaatadaasi loo geystay xili ay soo iibsaneysay dareyska iskuulka.

    Cabdi Caddoow ooadeer u ah gabadha la kufsaday ayaa BBC u sheegay in saddex nin ay gabadha kufsadeen xilli ay kasoo baxday gurigooda oo ku yaalla duleedka magaalada Wajeer.

    Wuxuu dadweynaha ka codsaday inay gacan siiyaan sidii loo soo qaban lahaa dadka ka dambeeyay falkaas si caddaaladda loo horgeeno.

    “Caddaaladda waa in aan helnaa, dadweynaha waxaan ka codsanaa qof kasta oo falkan meel ku tuhunsan in uu wax nala qabto” ayuu yiri Cabdi Caddoow.

    Halkan ka dhageyso wareysiga:

  4. Baabuur siday gargaar oo ku xayirneyd gobolka Canfarta oo gaaray Tigray

    Barnaamijka cuntada adduunka ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in tiro kamid ah gawaarida xamuulka oo siday gargaar ay ugu dambeyntii gaareen magaalada caasimadda ah ee Mekelle halkaas oo ay saameeyeen dagaallada ka socda gobolka Tigray.

    Baabuurtan gobolka u siday gargaarka ayaa ku go’doonsaneyd gobolka Canfarta halkaas oo ay dagaallo ay ka socdeen.

    Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii la weeraray baabuur xamuul ah oo gargaar raashiin ah u siday boqolaal kun qof oo ay macluul soo wajahday kuwaas oo ku nool gobolka.

    Qaramada Midoobey waxay horraan ku baaqday in la qaado tallaabooyin deg deg ah oo wax looga qabanayo dhibaatada ka taagan gobolka Tigray si looga hortago suurtagalnimada ah in macluusha ay si ba'an u saameyso shacabka Tigray.

  5. Odeyaasha Koonfur Galbeed oo ku baaqay in lasii daayo Mukhtaar Roobow

  6. Dowlad Deegaanka Soomaalida oo laga bilaabay olole ballaaran oo dhir beeris ah

    Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya waxaa maanta ka bilowday olole dhis beeris ah taas oo lagu beerayo in ka badan 2.5 milyan oo geed.

    Waxaan dhirtan lagu beeraya guud ahaan deegaanada dhulka Soomaalida.

    Geedo kala duwan ayaa saaka lagu abuuray magaalada Jigjiga halkaas oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka socotay Dowlad Deegaanka oo xarigga ka jaray barnaamijka dhir beerista.

    Waxaana ololahana ka qeyb qaadanaya dadweynaha gobolka, laamaha amniga iyo mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida.

  7. Qarax lala beegsaday dadka ka qeybgalayay munaasabad aas ah

    Tiro dad ah ayaa ku dhintay qarax bambaano ah oo lagu weeraray goob ay ka socotay munaasabad aas ah oo ku taalla waqooyiga magaalada Baqdaad halkaas oo lagu qabanayay dadweyne badan ay ku sugnaayeen.

    Ilo wareedyo ka tirsan laamaha amniga ayaa sheegay in 13 qof ay ku dhinteen halka tiro dad ah ay ku dhaawacmeen qaraxa ka dhacay degmada Yathrib.

    Waxaana weerarkan lagu eedeeyay kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka.

    Weerarkan ayaa imaanaya labo toddobaad uun kadib markii kooxda IS ay weerar ku qaaday suuq mashquul badan oo ku yaalla Ciraaq halkaas oo tiro dad ah ay ku dhinteen.

  8. Qaraxii Kismaayo “Xaley ma seexan hurddana igama imaan markii ay iga baxeen dad aan u jeclaa”

    Guddoomiyaha kooxdii shalay lala beegsaday qaraxii Kismaayo, Ismaaciil Cali Cabdi ayaa BBC uga sida ay wax u dhaceen iyo qasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

    Qaraxa ayaa shalay galinkii dambe lalabeegsaday gaari bas ahaa oo ay saranaayeen ciyaartoodaJCCI ee Jubaland ,khasaaraaha dhimahasda ayaa korortay iyadoo xaaladda qaar ka mid ah dhawaacyada ciyaartooyda laga dayrinayo.

    Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Dowladda Soomaaliya, SONNA, waxaa qaraxa ku dhimatay afar qof oo ka mid ahaa ciyaartooyda.

    “Xaley ma seexan hurddana igama imaan markii ay iga baxeen dad aan u jeclaa, ma garan karo waxa loona beegsanayo maadama aan nahay bulshadii rayidka , dhalinyaro mustaqbal leh qaarkood sanadkan dugsi sare dhammeeyay, jaamacad filyayay" ayuu yiri Ismaaciil.

    Halkan ka dhageyso wareysiga guddoomiye Ismaaciil Cali Cabdi.

  9. Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.