You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Khadka tareenka isku xira Itoobiya iyo Jabuuti oo la xiray

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka oo ka biyo diiday doorashada Aqalka Sare ee Jubaland

    Guddiga gaarka ah ee loo xilsaaray xaqiijinta in haweenka ay doorashada dadban ka helaan ugu yaraan qoondo boqolkiiba 30 ah, ayaa waxay ka biyo-diideen qaabka ay ku bilaabantay doorashada Aqalka Sare ee Jubaland.

    Guddigaas ayaa sheegay inay qasab tahay in la raaco heshiiskii laga gaaray qoondada haweenka.

    Batuula Sheekh Axmed Gaballe oo ah guddoomiyaha guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ayaa sheegtay in qaabka loo soo bandhigay doorashada Aqalka Sare ee Jubaland uusan waafaqsaneyn habraaci lagu dhaqan gelin lahaa xaqiijinta qoondada boqolkiiba 30.

    Dhawaan ayay aheyd markii Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, uu soo magacaabay guddi gaar ah oo ka kooban 13 xubnood kaas oo xaqiijin doona in haweenka ay doorashada dadban ka helaan ugu yaraan qoondo boqolkiiba 30 ah.

  2. Mareykanka oo dib u celinaya agab qaddiimi ah oo laga xaday Ciraaq

    Dowladda Ciraaq ayaa sheegtay in Mareykanka uu aqbalay in uu dib usoo celiyo 17,000 oo ah agab qaddiimi ah oo laga xaday goobaha taariikhiga ah ee dalkaas.

    Wasiirka dhaqanka Ciraaq wuxuu sheegay in agabkan qaddiimiga ah lagu tiriyo inay jiraan ku dhawaad 4000 sano.

    Waxaana kamid ah agab dhoobo laga sameeyay oo si sharci darro ah loogu dusiyay suuqyada farshaxanka ee Mareykanka.

    Waxaana agabkan lagu qoray magaca Gilgamesh oo ah- sheeko ku saabsan boqorkii Mesopotamia.

    Waxaa la bililiqeystay goobaha taariikhiga ah ee dalka Ciraaq gaar ahaan xilliggii Mareykanka uu duullaanka ku qaaday dalkaas sanadkii 2003.

  3. Britain iyo Kenya oo ku heshiiyay la dagaalanka Al Shabaab

    Dalalka Britain iyo Kenya ayaa kala saxeexday heshiis cusub oo dhanka difaaca ah oo looga hortaggayo halista kooxda Al Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya.

    Kadib kulan ay magaalada London wasiirada gaashaandhigga ee labada dal, Britain waxay shaacisay in Kenya ay ka caawineyso la dagaalanka argagixisada iyo taageerada dhanka militeriga.

    Waxaana heshiiska kamid ah sidii laisaga kaashan lahaa dadaallada looga hortaggayo argagixisada ee ka socda gobolka Xeebta halkaas oo u udub dhexaad u ah waaxda dalxiiska ee Kenya.

    Kumanaan ciidamo Britain ah ayaa sanad kasta waxay tababar siiyaan ciidamada Kenya.

  4. Dadweynihii maanta ka qeybgalay banaanbaxyadii ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

  5. Khadka tareenka isku xira Itoobiya iyo Jabuuti oo la xiray

    Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegay in dhalinyaro careysan oo dibadbaxyo dhigayo ay xireen waddada muhiimka ah ee isku xirta magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa iyo dekedda Jabuuti.

    Xiritaanka waddadan tareenka waxay dhibaato weyn ku tahay Itoobiya oo aanan laheyn deked xilli ay ku tiirsan tahay dekedda dalka deriska ah ee Jabuuti.

    Sawirro lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay dhagxaan lagu jaray waddada tareenka.

    Inkasta oo ay adagtahay in la xaqiijiyo warkan xilli dagaal u dhexeeyo Soomaalida iyo Canfarta uu ka dhacay deegaanka Garba Ciise.

    Wararka ka imaanaya Garba Ciise waxay sheegayaan in maanta ay xaaladda degan tahay inkasta oo ay weli xiisadda taagan tahay.

  6. Dibadbaxyo looga soo horjeedo 'weerarkii Garba Ciise' oo ka dhacay Dowlad Deegaanka Soomaalida

    Deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya waxaa ka dhacay banaanbaxyo lagaga soo horjeedo dagaallada ka dhacay deegaanka Garba Ciise ee u dhexeeyay Soomaalida iyo Canfarta.

    Xukuumadda Dowlad Deegaanka waxay dhawaan sheegtay in maleeshiyaad kasoo jeedo gobolka Canfarta ay weerar Sabtidii kusoo qaadeen Garba Ciise halkaas oo ay dad shacab ah ku laayeen.

    Ilaa hadda wax war ah lagama hayo dhinaca maamulka Canfarta oo ku saabsan colaaddan.

    Maamulka deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ay sheegay inay difaaci doonaan dadka Soomaalida ah ee deggan aagga Garba-ciise iyo deegaannada ku xeeran.

  7. Xaaladda cudurka Cagaarshowga ee Soomaaliya

    Cudurka Cagaarshowga wuxuu dhibaato weyn ku haya bulshada caalamka, sidaas daraadeed sanad kasta 28 ka Luuliyo waxa loo asteeyay maalinta Cagaarshowga aduunka, si bulshada loogu wacyi galiyo khatarta iyo ka hortagga cudurkan halista ah ee sida aamusan dadka u dila.

    Sida ay sheegeyso hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO sanad kasta waxa uu cudurku soo ritaa dad lagu qiyaasay 325 Milyan oo qof aduunka oo dhan, iyadoo sanad kasta ay u dhintaan 1.34 milyan oo qof.

    Haddaba si aan u eegno xaaladda cudurka ee Soomaaliya iyo khatarta uu ku hayo bulshada Soomaalida, waxaan la xiriirnay Dr Maxamad Kadle oo ku takhasusay cudurrada ku dhaca beerka iyo dheefshiidka, wuxuu u waramay weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan.

  8. Halkee ayuu ku wajahan yahay dagaalka ka socda Tigray?

    Su’aasha lais weydinaya waxay tahay goormaa xal nabadeed loo heli doonaa dagaalka Tigray?

    Muddo 9 bilood ah ayaa laga jooga tan iyo markii ay dagaallada ka bilowdeen gobolkaas.

    Dagaalka wuxuu ku bilowday markii dowladda ay qaaday howlgal ay ku tilmaantay dib usoo celinta kala dambeynta kaas oo isu baddalay dagaal xooggan oo lala galay fallaagada TPLF.

    Labada dhinaca guulo ayay sheegayaan xilli ay u muuqato in dagaalka uu sii baahayo.

    “Dagaalyahanada TPLF waxay sheegeen inay gaari doonaan Addis Ababa halka dowladda ay sheegtay inay ciribtiri doonto TPLF” ayuu yiri weriyaha BBC ee Addis Ababa Kalkidan Yibeltal.

    Waxaa jirtaa cabsi ah in dagaalka uu ku baaho gobollada kale ee deriska ah.

    Itoobiya waxaa haatan ka socdaa abaabul iyo ciidan urursi ay wadaan maamulada kaas oo ka dhan ah TPLF.

    "Waxaan hadda aragnaa abaabulka ciidan ay wadaan maamulada, TPLF waxay horraan sheegtay in weeraro ay ku qaadeen gobollada Amxaarada iyo Canfarta" ayuu yiri Yibeltal.

  9. TPLF: Ma jirto cid na hor istaagi karo xitaa roobka

    Afahayeenka fallaagada TPLFee la dagaallanta waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in ciidamadooda ay kusii siqayaan jiha kasta isla markaana aysan jirin cid hor istaagi karta xitaa roobka.

    “Ciidamadeena waxay kusii siqayaan jiha kasta, ma jirto cid na hor joogsan karto xitaa roobka” ayuu yiri Getachew Reda farriin uu soo dhigay Twitter-ka.

    Waxaana Itoobiya ka socdaa abaabul ka dhan ah TPLF xilli uu dagaalka ka socda waqooyiga dalkaas.

    Qaramada Midoobey waxay ku baaqday in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo shacabka ku nool Tigray.

    Waxa ay arrintan daba socotaa digniin dhawaan soo baxday oo ah in 400 oo kun oo qof oo ku nool gobolka Tigray ay wajahayaan xaalad macluul ah oo halis ah, kaddib muddo 9 bilood ah uu dagaal halkaasi ka socday.

  10. Faahfaahin ku saabsan dagaalka Soomaalida iyo Canfarta

    Ugu yaraan 40 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay colaadda maalmihii u dambeeyay ka socotay deegaanka Garba Ciise, sida ay sheegayaan wararka laga helayo aaggaas.

    Sidoo kale weerarka waxaa ku dhaawacmay tiro dad ah.

    Shaley ayay aheyd markii halkaas uu dib uga qarxay dagaal qaraar oo u dhaxeeyay Soomaalida iyo Canfarta.

    Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa dhawaan sheegtay inay difaaci doonaan dadka Soomaalida ah ee deggan aagga Garba Ciise iyo deegaannada ku xeeran.

    Arrintan ayaa imaanaysaa kaddib dagaal Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay aaggaasi oo la sheegay inay ku dhinteen Soomaali badan kaddib markii ay weerrar kula wareegeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka deegaanka Canfarta.

  11. Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.