You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Dad ku dhintay gantaallo ku dhacay koonfurta Israa'iil

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Muhaajiriintii ugu badnaa oo maalin gudaheed gaaray xadka Spain

    Ugu yaraan 6,000 oo muhaajiriin ah ayaa gaaray dhulka ay Spain maamusho ee Ceuta, kuwaasi oo ka yimid dalka ay deriska yihiin ee Morocco, waana tiradii ugu badneyd ee maalin keliya gaartay halkaas, sida ay sheegeen saraakiisha dalka Spain.

    Waxay sheegeen in muhaajiriinta oo ay ku jiraan ilaa 1,500 oo carruur ah ay ama ka duseen derbiyada xadka ku toosan badda amaba ay ka gudbeen xilli ay baddu degganeyd.

    Dadkaan ayaa intooda badan la sheegay in ay ka yimaadeen Morocco. Spain ayaa sheegtay in ay dib u celisay qaar ka mid ah dadkaasi oo gaaraya 2,700, balse aysan ku jirin carruurta.

    Deegaanada Spain ee Ceuta iyo Melilla, ayaa waxa ay noqdeen kuwa ay saldhig u noqdeen muhaajiriinta Afrika.Ciidamada dalka Spain, ayaa loo daad gureeyay xeebta, si ay uga caawiyaan booliska xuduudda marinka ugu weyn ee Ceuta ee Tarajal ee dhanka koonfureed ee xadka.

  2. Hay'adda ICRC oo ku baaqday in isbeddel lagu sameeyo istiraatiijiyadda soo saarka tallaalka Covid-19

    Hay’adda caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC), ayaa ugu baaqday dowladaha hodanka ah iyo warshadaha dawooyinka, in ay isbeddel weyn ku sameeyaan itiraatiijayaddooda ku aaddan soo saarista iyo keenista tallaalka Covid-19.

    Madaxa ICRC ee ka shaqeeya Covid, Esperanza Martinez, ayaa sheegay in boqolkiiba 2 tallaalada la heli karo la geynayay 50-ka dal ee ugu saboolsan.

    Meelaha qaar, xitaa shaqaalaha caafimaadka ee safka hore ku jira ayaan weli helin tallaal.

    Dr Martinez, ayaa sheegay, in halista adduunka ka jirta ay tahay, haddii aan si caddaalad ah wax loo qeybin, bulshooyinka danyarta ahna aan la tallaalin ay abuuri karto, in uu dhasho nooc cusub oo cudurkan ka farcama, taas oo aan tallaalka wax ka qabaneyn.

  3. Labo shaqaale oo Thailand u dhashay oo ku dhintay gantaal lagu tuuray koonfurta Israa'iil

    Labo shaqaale oo Thailand u dhashay ayaa ku dhintay ugu yaraan toban Israa’iiliyiin ahna way ku dhaawacmeen gantaal ay dagaalyahannada Falastiin ku rideen koofurta Israa’iil. Weerarkan ayaa ka dhacay marinka Erez ee Israa’iil, kaas oo loo adeegsado dadka isticmaalaya marinka Gaza.

    Iyadoo taas ka jawaabeysa ayay Israa’iil xirtay marinka Shalom oo si ku meel gaar ah loogu furay gawaarida xamuulka ee gargaarka sida ee Joordan.

    Xadka Gaza ee Masar, 15 gawaarida xamuulka ah oo shidaal sida ayaa u gudbay gayigaas, oo intiisa badan koronto la’aan ahaa. 18 kale oo siday cunto iyo 65 tan oo gargaar caafimaad ah ayaa ka gudbay marinka Rafax.

    Dhanka kale, xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa caddeeyay in Washington ay ka shaqeyneyso sidii labada dhinacba ay u joojin lahaayeen rabshadaha socda.

  4. Guryo ay degenaayeen saraakiil ka tirsan Xamaas oo la duqeeyay

    Ciidanka difaaca Israa’iil ayaa sheegay iney la dhaceen gantaallo guryo gaaraya 12 kuwaasoo ay leeyihiin hoggaamiyeyaal ka tirsan Qaza iyadoo saddex kamid ah guryahaas saaka la duqeeyay.

    Sida laga soo xigtay ciidanka Israa’iil, dagaal yahanada Falastiiniyiinta waxay u ahaayeen guryahan xarumaha hawlgalada iyo hoggaaminta.

    Guryaha saaka la bartilmaameedsadey waxaa kamid ah mid uu lahaa ku xigeenka hoggaamiyaha ciidanka dhanka waqooyi ee magaalada Gaza, hoggaamiye oo kale oo dhanka Khan Younis ah iyo hoggaamiye kale.

    Shaley, hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Islamic Jihad, ayaa lagu soo waramayaa inuu kamid ahaa dagaalyahano Falastiiniyiin ah oo duqeyn hawada ah lagu diley.

  5. Dad ku dhintay gantaallo ku dhacay koonfurta Israa'iil

    Toban qof ayaa ku dhaawacantay gantaal ku dhacay gobolka Eshkol ee koonfurta Israa'iil, sida laga soo xigtay adeegga gawaarida gurmadka deg deg ah ee Magen David Adom ambulance.

    Wargeyska Haaretz ayaa sheegay in 50 gantaal ay dagaalyahanada Falastiin ku rideen dhinaca Israa'iil halka mid kamid ah gantaalladaas uu ku dhacay dhismo ay degan yihiin dad shacab ah.

    Mar sii horreysay saraakiisha caafimaadka waxay sheegeen in askari Israa'iili ah uu dhaawac soo gaaray kadib dagaal ka dhacay xadka.

    Weli dagaalka ayaa socda, xilli dagaalyahanada Xamaas ay gantaallo ku garaacayaan Israa'iil halka Israa'iil ay duqeymo ka geysaneyso marinka Qaza.

    Hoggaamiyeyaasha caalamka iyo ururada gargaarka ayaa ku baaqay in la qaado talaabo lagaga hortagyo dhimashada rayidka halkaa degan iyo duminta guryaha.

  6. Maxkamadda militeriga oo xukun ku riday askar loo haystay dilka guddoomiyihii degmada Hodan

    Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa ku dhawaaqday xukunka eedeysanayaal loo heystay in ay ka dambeeyen dilka Allaah u naxariistee guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Ciise Dhega-juun.

    Baaritaano iyo dhagesiga gal dacwadeedka eedeysanayaasha oo muddo socday kadib ayay maxkamadda ku riday xukun isugu jira bixinta magta guddoomiyaha iyo xabsi ciidan.

    Guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Ciise Dhega-juun ayaa bilawgii sanadkan lagu dilay Muqdisho.

  7. Reer Somaliland maka midaysan yihiin xuska 18-ka May?

    Somaliland ayaa 18-kii bishii May ee 1991-dii, ku dhawaaqday in ay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale.

    Shirar ka dhacay magaalooyinka Burco iyo Boorama oo ay ka qayb galeen wax garadka gobollada Waqooyi oo isu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada sida oday dhaqameedyada, culimada diinta, aqoonyahannada, ganacsata iyo siyaasiyiinta ayaa ku dhawaaqay go'aanka gooni isu taagga ah.

    "Dadka wax garadka ah ee wajiga u ah bulshada ayaa go'aan kaas gaaray" ayuu yidhi Sheekh Cabdullaah Sheekh Cali Jawhar oo kamid ahaa dadkii shirkaas qaybta ka ahaa.

    Wixii intaas ka dambeeyey waxaa si joogta ah munaasabadda 18-ka May looga xusayey qaybo badan oo kamid ah Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

    Waxaase jira su'aalo dhowr ah oo ku aaddan in xuska munaasabadda 18-ka May ay tahay munaasabad wadajir looga xuso deegaanadii ku midoobay Somaliland iyo in ay jiraan xeerar dastuuri ah oo lagu qaado ciddii kasoo horjeensata xuska maalintaas oo ku astaysan markii Somaliland ay si iskeedka madax bananida ugu dhawaaqday?

  8. Shanta madaxweyne ee soo qabtay xukunka Somaliland

    Cabdulraxmaan Axmed Cali (Tuur) – June 7, 1991 – May 16, 1993.

    Madaxweyne Cabdulraxmaan Axmed Cali (Tuur) waa madaxweynihii uggu horeeyey ee Somaliland.

    Waxaa lagu doortey shirweynihii uggu horeeyey ee ay yeeshaan beelaha, iyagoo markaa ku dhawaaqey gooni isu taag sanadkii 1991-dii.

    Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal – May 16, 1993 - May 3, 2002.

    Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waa madaxweynihii labaad ee Somaliland. Wuxuu xukunka kala wareegay Madaxweyne Cabdulraxmaan Axmed Cali (Tuur) Wuxuu kaloo noqday. Sidoo kale, wuxuu ahaa ra’iisal wasaarihii uggu horeeyey ee Soomaaliya 1960-kii.

    Daahir Riyaale Kaahin – 3 May, 2002 – 27 July, 2010.

    Wuxuu xukunka kala wareegay Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal, oo ku geeriyooday dalka Koonfur Africa sanadkii 2002-dii.

    Saacado kadib geerida Cigaal, ayaa loo dhaariyey xafiiska Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin.

    Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, - 27 July 2010 – 13 December 2017

    Axmed Maxamed Mahamuud Siilaanyo, waa madaxweynihii afraad ee Somaliland. Wuxuu xukunka kala wareegay Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin.

    Muuse Biixi Cabdi,waa madaxweynaha shanaad ee Somaliland, waana madaxweynaha xiligan la joogo haya talada Somaliland.

    Wuxuu xukunka kala wareegay 2017-dii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

  9. Wajeer oo yeelatay barasaab cusub

    Waxaa maanta xilka si rasmi ah xilka loogu caleemo saaray barasaab ku xigeenka maamulka Wajeer Axmed Mukhtaar Cali kadib markii shaley xilka lagu sameeyay barasaabkii Wajeer Maxamed Cabdi Maxamuud.

    Wuxuu noqonayaa barasaabkii saddexaad ee soo mara maamulka Wajeer tan iyo markii Kenya laga hirgeliyay dowlad goboleedyada.

    Aqalka sanatka Kenya ayaa dood dheer oo ay xalay yeesheen ka dib waxay cod aqlabiyad ah xilka uga xayuubiyeen barasaabka.

  10. Puntland oo ka mamnuucday xoolo dhaqato dooxooyin

    Wasaaradda deegaanka Beeraha iyo isbedelka cimiliada Puntland, ayaa warqad ay soo saartey kaga mamnuucay xoolo dhaqatada dooxooyin gaar ah.

    Dooxooyinkan ayaa waxaa la kala yiraahdaa Cada – Dheero iyo Laba Dulay ee gobolka Nugaal, iyadoo xanibaaddu ay socon doonto labo toddobaad.

  11. Xog kooban oo ku saabsan Somaliland

    • Sanadkii 1991-kii, shirar ka dhacay Burco iyo Boorama oo ay ka qayb galeen wax garadka gobollada Waqooyi oo isu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada sida oday dhaqameedyada, culimada diinta, aqoonyahannada, ganacsata iyo siyaasiyiinta ayaa ku dhawaaqay go'aanka gooni isu taagga Somaliland.
    • Waxay yeelatay madaxweyneyaal gaaraya ilaa iyo Shan, iyagoo xukunka si nabadgelyo ah ula kala wareegay.
    • Somaliland waxaa ka dhacay doorashooyin qof iyo cod ah.
    • Waxay dadaal in muddo ah ugu jireen sidii ay ku heli lahaayeen aqoonsi caalami ah.
  12. Xuska 30 sano guuradii kasoo wareegtay gooni isu taagga Somaliland

    Maanta waxay ku beegantahay 30-guuradii kasoo wareegtay maalintii ay Jamhuuriyadda Iskeed Madax banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ay shaacisay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

    Waxaa maanta lagu wadaa in xaflado lagu xusayo 18-ka May lagu qabto Somaliland iyadoo madaxda ay ka jeedin doonaan khudbado.

    Somaliland ayaa 18-kii bishii May ee 1991-dii, ku dhawaaqday in ay gooni isaga taagtay Soomaaliya inteeda kale.

    Wixii intaas ka dambeeyey waxaa si joogta ah munaasabadda 18-ka May looga xusayey qaybo badan oo kamid ah Somaliland.

    Balse sanadihii u dambeeyay ayaa uu muuqatay in aanan la qaban munaasabado waaweyn oo lagu xusayo maalintan, abaaro iyo cudurka Covid-19 oo is biirsaday dartood.

  13. Colaadda Israa'iil iyo Qaza: Biden oo ku baaqay xabad joojin

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku biiriyey codkiisa dalabyada lagu baadi goobayo xabad joojin dagaalka u dhaxeeya Falastiin iyo Israa'iil.

    Biden ayaa u sheegay Ra’iisal wasaare Benjamin Netanyahu, in Mareyknka uu kala shaqeynayo Masar iyo dalal kale in colaadda la hakiyo.

    Ha yeeshee Mareykanka ayaa mar kale is hortaagey warbixin uu soo saari lahaa Golaha Ammaanka, taa lagu codsan lahaa in colaadda aloosan la joojiyo.

    Dagaalka ayaa haatan galey toddobaadkii labaad, taasoo calaamadaha uu ku istaagi karana ay tahay mid aad u yar.

    Israa'iil ayaa ku qaaday Qaza weeraro badan oo dhanka cirka ah aroortii hore ee talaadada manta ah.

    Ciidanka Israa'iil ayaa sheegay in lagu soo ganay dhankooda gantaallo aad u fara badan habeenkii xaley ahaa.

  14. As-salaamu Caleykum, kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Talaado taariikhda waxay ku beegantahay 18-ka bisha May 2021