You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Tiro dad ah oo ku dhaawacmay gantaal ku dhacay koonfurta Israa'iil

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Ra'iisul wasaare Abiy, oo digniin u diray dalal uu shegay in ay faragelin ku hayaan dalkiisa

    Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa sheegay inaanu oggolaan doonin in dib u dhacyada ku yimid doorashada guud loo isticmaalo ajandayaal kale, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee ENA.

    Wuxuu intaa ku daray in go’aanka doorashada Itoobiya ay gaarayaan oo keliya, dadka reer Itoobiya, isagoo u digay ajinabiga faraha kula jira arrimaha gudaha dalkiisa. Abiy ayaa eedeeyey dalal awood badan oo aannu carrabka ku dhufan, isaga oo sheeggay olole faragelin oo xooggan iney ku hayaan dalkiisa.

    Dalalka faragelinta ku haya, ayuu ku tilmaamay Abiy iney yihiin hay’ado iyo dalal dhaqaalahoodu xooggan yahay, kuwaasoo doonaya ayuu yiri iney u yeeriyaan Itoobiya habka ay u noolaaneyso iyo sida loo maamulayo.

    Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, ayaa hoosta ka xarriiqay in Itoobiya aaney u wiiqmi doonin turun turrooyinkaas laga soo maleegayo dalalka dibadda, waa sida uu hadalka u dhigaye.

  2. Dadka saacadaha badan shaqeeya oo la sheegay in caafimaad darro ba'an ay dhaxlaan

    Hay'adda Caafimaadka adduunka ee WHO iyo hay’adda shaqaalaha ee I.L.O, ayaa sheegay in sanad walbo ay boqollaal kun oo qof ay u dhintaan sababo la xiriira, shaqeynta saacadaha badan awgeed.

    Daraasaddan oo mid heer caalami ah oo marki ugu horreysay la sameeyey, ayaa waxaa lagu sheegay, in sanadki 2016-kii oo keliya ay 745,000 oo qof iney u dhinteen cudurro kasoo wajahay sacadaha badan ee ay shaqeynayeen.

    Xaaladaha ay dadkaasi u dhintaan ayaa ka mid ah wadno xanuunka, taasi oo ay sababtay shaqeynta 55 saacadood iyo ka badan Toddobaadkii.

    Hay'adda WHO waxaa kale oo ay sheegtay, in dadka saacadaha badan shaqeeya ee ugu badan ay ku nool yihiin waddamada dhaca Koonfurta bari ee Aasiya iyo galbeedka badda Pasifigga.

  3. Mareykanka oo Israa'iil ka codsaday in sharraxaad ay ka bixiso weerarkii dhismaha ay deganaayeen warbaahinta

    Mareykanka ayaa Israa'iil ka codsaday inay sharraxaad ka bixiso sababta ay dhawaan u duqeysay dhismo ay degenaayeen warbaahinta Aljazeera iyo AP oo ku yaallay marinka Qaza.

    Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa ugu baaqay Israa'iil inay ilaaliso dadka rayidka ah iyo weriyeyaasha.

    Wuxuu ku baaqay in dagaalka la joojiyo.

    Militeriga Israa'il wuxuu sheegay in dhismaha Qaza Tower uu yaallay ‘agab militeri’ oo ay lahaayeen ururka Xamaas isla markaana ay gabaad ka dhiganayeen halkaas.

  4. Soomaaliya oo mamnuucday shirkadihii shaqaalaha dibadda u qaadi jiray

    Dowladda Soomaaliya ayaa mamnuucday dhammaan shirkadihii shaqaalaha dibadda u qaadi jirey, iyadoo sheegtay in ay dib u doonto shatiyo.

    Waxey wax kama jiraan kasoo qaadey heshiisyadii ay horey ula gashey shirkadaha.

  5. Mucaaradka Soomaaliya oo ka walaacsan habsami u socodka hanaanka doorashada

    Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ah ee Somaaliya ayaa walaaca ka muujinaya hannaanka Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu u wado howlaha doorashada iyo shirka loo ballansan yahay ee arrimaha doorashooyinka.

    Waxyaabaha ay walaaca ka muujinayaan waxaa ka mid ah in dowladda Soomaaliya ay diiday ergaygii Midowga Afrika u soo magacaabay Soomaaliya madaama markii hore dowladdu dalbatay sida ay mucaaradka ku doodayaan iyo in u diyaar garowga shirka loo ballansan yahay ay habacsanaan ka muuqato.

    Haseyeeshee, Ra'iisalwasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo qoraal kooban xalay soo dhigay boggiisa Facebook ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay galeyso doorasho isla markaana ay haatan socdaan diyaargarowga shirkii uu iclaamiyay 20-ka bishan, kaa oo uu sheegay in uu ku qabsoomi doono muddadii loo qabtay.

  6. Israa'iil oo sheegtay in duqeyn ay ku dishay hoggaamiyihii ururka Islamic Jihad

    Militariga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqeyn cirka ah ay ku dileen hoggaamiyaha kooxda ka dagaalanta waqooyiga Qaza ee Hussam Abu Harbeed.

    Militariga ayaa sheegay in Abu Harbeed uu mas’uul ka ahaa dhowr gantaal oo kuwa lidka taangiyada ah oo lagu gannay Israa’iil, kuwaasi oo uu ka mid ahaa gantaal dhaawac fudud gaarsiiyay qof shacab ah.

    Wuxuu sidoo kale hoggaaminayay madaafiicda la hago ee lagu tuurayay Israa’iil ee khasaarihii u dambeeyay sababay.

    Kooxdan Islamic Jihad ayaanan durbadiiba xaqiijinin geerida hogaamiyaha kooxdan balse wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeyso ilo wareedyo kooxda ka tirsan, ayaa baahisay geerida Abu Harbeed.

    Warbaahinta Qaza ayaa sheegtay in hoggaamiyahan maanta lagu dilay duqeyn cirka ah oo ka dhacday gurigiisa Beit Lahiya

  7. Tiro dad ah oo ku dhaawacmay gantaal ku dhacay koonfurta Israa'iil

    Dhakhaatiirta ku sugan Israa'iil waxay sheegeen in tiro dad ah ay ku dhaawacmeen gantaall laga soo tuuray dhinaca kadib markii uu ku habsaday dhismo ku yaalla magaalo dhacda koonfurta Israa'iil.

    Waxay barta Twitter-ka soo dhigeen muuqaal ku saabsan shaqaalaha gurmadka deg deg ah oo ku sugan dhismaha.

  8. Xamaas oo gantaallo culus ku garaacday Israa'iil

    Dhawaaqa qalabka bixiya digniinta ayaa la maqlayay koonfurta Israa’iil daqiiqo kadib markii dhaqdhaqaaq hubeysan oo ka dagaallama Qaza ay sheegeen in gantaallo ay ku garaaceen halkaas.

    Dhaqdhaqaaqan oo lagu magacaabo Izzedine al-Qassam kana tjrsan Xamaas ayaa sheegay in gantaallada ay ku rideen halkaas ay jawaab u aheyd duqeymo ay Israa’iil xaley ka fulisay Qaza.

    Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegay in dhawaaqa qalabka bixiya digniinta laga maqlay magaalooyinka Beersheba, Ashdod iyo Ashkelon.

  9. Abiy oo sheegay in dalkiisa ay fara galin ku hayaan quwado shisheeye

    Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa sheegay inaanu oggolaan doonin in dibu dhacyada doorashada guud ku yimid loo isticmaalo ajandayaal kale, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee ENA.

    Wuxuu intaa ku darey ra’iisal wasaaraha in go’aanka doorashada Itoobiya ay gaarayaan un dadka Itoobiyaanka ah, isagoo u digay ajnabiga faraha kula jira arrimaha gudaha dalkiisa.

    Abiy ayaa eedeeyey dalal awood badan oo aannu carab dhabin, kuwaasoo ku haya dalkiisa olole lid ku ah danahoodda oo xoogan.

    Dalalka fara gelinta ku haya, ayuu ku tilmaamey Abiy iney yihiin hey’addo iyo dalal dhaqaalahooddu xoogan yahay, kuwaasoo doonaya iney u yeeriyaan Itoobiya habka ay u noolaanayaan.

    Ra’iisal wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyey in Itoobiya aaney u wiiqmi doonin turun turooyinkaas, laga soo maleegayo dalalka dibadda, sida uu hadalka u dhigay.

  10. Beeraleyda Jaadka ee Kenya oo ka hadlay tallaabadii lagu joojiyay duulimaadyada Soomaaliya

    Ganacsatada beeraleyda ah Jaadka ee Kenya ayaa ka doonaya dowladdooda iney si buuxda usoo celiso xiriirkii siyaasadeed ee ay la laheyd dowladda soomaaliya.

    Guddoomiyaha ururka ganacstada Jaadka ee Nyambene, Kimahi Munjuri ayaa sheegay in go'aanka lagu xirey duulimaadyada Soomaaliya iyo Kenya isaga kala gooshi jirey ay tahay ra'yi qaldan, sida uu qorey wargeyska Daily Nation.

    Ganacsatada jaadka ee Kenya ayaa maalin kasta u diri jiray Soomaaliya qaad fara badan iyagoo ka heli jiray dhakhli aad u badan.

    Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqdey iney soo celisay xiriirkii ay la laheyd dowladda Kenya, balse uusan qeyb ka aheyn in la qaado xayiraadda saaran Jaadka.

    Kenya ayaa toddobaadkii hore joojisay duuliimaadyadii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

  11. Israa'iil oo duqeymo hor leh ka geysatay Qaza

    Israa’iil ayaa saaka duqeymo hor leh ka geysatay marinka Qaza kadib markii dagaalyanahada Falastiin ay gantaallo ku garaaceen magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla koonfurta Israa’iil.

    Weerarkan ayaa noqonayaa kii ugu ba’anaa ee laga fuliya Qaza tan iyo markii ay dagaallada bilaabmeen toddobaad ka hor.

    Israa’iil waxay sheegtay inay beegsatay xarumo ay lahaayeen ururka Xamaas iyo guryo ay degenaayeen taliyeyaal ka tirsan ururka.

  12. Wararkii ugu dambeeyay ee colaadda Israa’iil iyo Falastiin

    Dagaalka u dhexeeyay Israa’iil iyo Falastiin ayaa galay toddobaadkii labaad xilli xaaladda ay kasii dareyso.

    Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa xaley duqeymo culus ka geystay Qaza.

    Militeriga Israa’iil waxay sheegeen inay beegsadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Falastiin balse weriyeyaasha ayaa kusoo warramayaa in guryo, waddooyin iyo xargihii korontada uu burbur soo gaaray.

    Dhanka kale, Xamaas ayaa weli sii waddaa gantaallada ay ku garaaceyso koonfurta Israa’iil.

    Saraakiisha ku sugan marinka Qaza ayaa sheegay in 200 qof oo Falastiini ah lagu dilay dagaalka kuwaas badankooda yihiin Israa’iil.

    Halka Israa’iil ay dagaallada kaga dhinteen 10 qof.

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa shaley sheegay in xukuumaddiisa ay sii xooggan uga jawaabi doonto gantaallada Xamaas tan iyo inta amniga dib looga soo celinayo.

  13. As-salaamu Caleykum, kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Isniin taariikhda waxay ku beegantahay 17-ka bisha May 2021