You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Deegaanno ka tirsan Soomaaliya oo maanta laga ciiday

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Cabsi laga qabo inuu qarxo daagaal buuxa oo u dhaxeeya Falastiin iyo Israa'iil

    Duqeymihii dhimashada sababay ee u dhaxeyay ururka Xamaas ee ku sugan Marinka Gaza iyo militariga Israa’iil ayaa si weyn kor ugu kacday, iyadoo Qaramada Midoobay ay ka cabsi qabaan inuu dhaco “dagaal buuxa”. oo u dhaxeeya labada dhinac.

    Israa'iil ayaa sheegeysa in inkabadan 1,000 gantaal uu riday ururka Xamaas, halka Israa'iil-na ay Gaza ku qaadday weerarro dhanka cirka.

    Ciidanka ayaa sheegay inay filayeen in dilalkaasi ay ka dhalan doonaan in Israa’iil lagu soo qaado weeraro loo adeegsado gantaallo.

    Wasiirka difaaca Israa’iil Benny Gantz ayaa sheegay in Israa’iil aysan marnaba aqbali doonin cambaaraynta lagala dul-dhacayo, marka ay difaacayaan xaqa iyo waajibaadka muwaadiniinta Israa’iil.

    Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in afartan iyo saddex qof oo ay ku jiraan saddex iyo toban carruur ah la dilay, ku dhowaad saddex-boqolna la dhaawacay tan iyo Isniintii.

  2. Madaxweyne Farmaajo oo shacabka ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciiddul Fidriga

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciiddul Fidriga.

    "Waxaan ugu hambalyeynayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Caalamka munaasabaddan qiimaha badan ee Ciiddul Fidriga.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmahaan ku tilmaamay maalmo ay muslimiinta dhammaan u dabbaal degaan farxadda Ciidda, sidaa darteed waxa uu shacabka ku boorriyay in ay is garab istaagaan oo ay caawiyaan walaalahooda danyarta ah.

    Dhanka kale madaxweynaha ayaa ciidamada ammaanka u diray boogaadin isagoo sheegay in ciidamada ay har iyo habeen qorraxda iyo dhaxanta u taagan badbaadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

    Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa umadda Alle uga baryay inuu soonka iyo salaadaha ka aqbalo.

  3. Taariikhda Yoweri Museveni oo maanta markii lixaad loo caleemo saaray xilka madaxtinimada

    Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa maanta markii lixaad loo dhaariyay xilka madaxtinnimada waddankaas, taas oo ka dhigaysa hogaamiyaha ugu mudada dheer Afrika.

    Waxa uu ku guulaystay doorasho si weyn loogu loolamay oo January ka dhacday dalkaas, waxaana si weyn ula tartamayay fanaan hore oo lagu magacaabo Bobi Wine.

    Kala qeybsanaanta ka dhalatay doorashada ayaa weli taagan, xilli qaar kamid ah taageerayaasha mucaaradka ay weli xabsiyada ku jiraan.

    Taariikhda Museveni

    Wuxuu dhashay sanadkii 1944.

    1979: Wuxuu gacan ka gaystay in awoodda laga tuuro madaxweynihii hore ee Uganda Idi Amin.

    Wuxuu xukunka dalkaas la wareegay sanadkii 1986-dii.

    1996: Wuxuu ciidamo u diray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

    2001: Wuxuu sanadkan ballan qaaday inuu xilka si nabad ku wareejin doono doorashada xigta.

    2011: Wuxuu afaraad ku guuleystay xilka madaxtinimada.

    2016: Wuxuu markii shanaad ku guuleystay xilka madaxtinimada.

  4. Dawaarlayaasha iyo Dadka ciidaya

  5. Diyaaradda Kenya Airways oo sheegtay in Somaliland ay ku jirto meelaha aysan tegin

    Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways ayaa sheegay in haatan uusan jirin duulimaad toos ah oo ay ku tegeyso min Nairobi ilaa Hargeysa.

    Waxay sheegtay in uu hakad ku jiro qorshaha duulimaadkaas oo ay sugeyso ogolaansho ku aadan arrintaas iyadoo aanan sheegin cidda bixineyso ogolaanshahaas.

    Kenya Airways ayaa iska foggeysay warar sheegayay inay bilaabeyso duulimaad toos ah oo ay ku tageyso Hargeysa.

  6. Garoonka Diyaaradaha ugu weyn Israa'iil oo in muddo ah la xirey

    Waxaa sare u sii kaceysaa xiisadda ka dhex taagaan Israa'iil iyo Falastiiniyiinta, waxaana laga cabsi qabaa in xaaladda ay faraha ka baxdo.

    In ka badan 1,000 gantaal ayay dagaalyahanada Falastiin ku rideen Israa'iil 38 saacadood ee lasoo dhaafay kuwaas oo inta badan ku dhacay magaalada Tel Aviv, sida ay sheegtay Israa'iil.

    Halka Israa'iil ay duqeymo dhowr ah ka fulisay marinka Qaza.

    Gegida diyaaradaha ee Ben Gurion ayaa muddo kooban hakiyay duulimaadyada halka uu khasaare soo gaaray dhuun shidaal oo ku taalla meel u dhexeysa magaalooyinka Eilat iyo Ashkelon.

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay rabshadaha socda.

    Militeriga Israa'iil waxay sheegeen inay beegsanayaan dagaalyahano Falastiiniyiin ah oo ku sugan marinka Qaza Kadib gantaallada ay kusoo weerareen Israa'iil.

  7. Deegaanno ka tirsan Soomaaliya oo maanta laga ciiday

    Deegaannada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee uu ka arimiyo ururka Al-Shabaab ayaa maanta laga ciiday, kadib markii uu ururkaas sheegay in xalay bisha Soonfur laga arkay deegaanno dhowr ah.

    Sawirro lagu baahiyay warbaahinta u janjeerta Al-Shabaab ayaa muujinaya qeybaha kala duwan iyo xubnaha cururkaas oo ku ciidaya deegaanno dhowr ah.

    Deegaannada ayaa ka tirsan gobollada Shabeellooyinka, degmada Jilib iyo qeybo kamid ah Galguduud.

    Muslimiinta Caalamka ayaa lagu wadaa in Khamiista beri ah ay ciidaan, maadaama aan bishii laga arag meelo badan

  8. Museveni oo markii lixaad loo dhaariyay xilka madaxtinimada

    Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa markii lixaad loo dhaariyay xilka madaxtinimada dalkaas.

    Wuxuu ku guuleystay doorasho uu muran badan ka dhashay oo ka dhacday Uganda bishii January.

    Waxaana sii weyn loo adkeeyay amniga magaalada caasimadda ah ee Uganda.

    Waxaana caleemo saarka madaxweynaha Uganda ka qeybgalay madaxweyneyaasha Soomaaliya, Kenya, Tanzania iyo South Sudan.

    Isniintii booliska Uganda waxay sheegeen inay xireen in ka badan 40 qof oo qorsheynayay inay carqaladeeyaan munaasabadda caleemo saarka madaxweynaha.

  9. Ciidamada Israa’iil iyo dagaalyahanada Falastiin oo is weedaarsaday hubkii ugu cuslaa in muddo ah

    Weli waxaa socdaa dagaalka u dhexeeya ciidamada Israa’iil iyo dagaalyahanada Falastiin kadib markii xaley ay labada dhinac ay is dhaafsadeen hubkii ugu cuslaa in muddo ah.

    Wasaaradda arrimaha caafimaadka ee Qaza ayaa sheegtay in 43 qof oo ay kamid yihiin 13 carruur ah halka 300 qof ay ku dhawaacmeen tan iyo Isniintii oo ay dagaallada ka qarxeen halkaas.

    Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in gantaallada lidka taangiyada lagaga soo riday dhinaca Falastiini halka warar ay sheegayaan in hal qof uu ku dhaawacmay halka 2 qofna ay ku dhawaacmeen dhinaca Israa’iil.

    In ka badan 1,000 gantaal ayaa ku dhacay bartamaha iyo koonfurta Israa’iil kuwaas oo soo tureen dagaalyahanada Falastiiniyiinta.

  10. Midowga Afrika oo ka hadlay duqeymaha laga fuliyay marinka Qaza

    Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa cambaareeyay duqeymaha ay Israa'iil ka fulisay marinka Qaza iyo 'weerarka ay Israa'iil ku qaaday' dad ku cibaadeysanayay masaajidka Al Aqsa.

    Muusa Faki Mahamat wuxuu sheegay in howlagallada ciidamada Israa'iil iyo in dadka Falastiiniyiinta si qasab ah looga raro guryahooda ay kasoo horjeeddo xeerarka caalamiga.

    "Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa cambaareynayaa duqeymaha laga geystay marinka Qaza oo ay ku dhinteen in ka badan 21 qof oo Falastiini ah iyo weerarka ay ciidamada Israa'iil ku qaadeen dadkii ku cibaadeysanayay masaajidka Al Aqsa oo ay ku dhaawacmeen dad gaarayo 300 xilliga bisha Ramadaan" ayaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay Midowga Afrika.

    Xamaas ayaa sheegtay inay gantaalo ku garaacday Tel Aviv iyo hareeraheeda si ay uga jawaab celiso "bartilmaameedsigii cadowga"

    Milatariga Israa'iil ayaa sheegay in ay bartilmaameedsanayaan mintidiinta ku sugan Qaza iyaga oo ka jawaabaya weerarradii hore ee gantaalada.

  11. Dowladda Soomaaliya maxay ka tiri xasaradda Quddus?

    Soomaaliya ayaa ka hadashay xiisadda ka taagan magaalada Qudus kadib markii agagaarka masaajidka Al-Aqsa uu isku dhac ku dhexmaray Falastiiniyiin iyo ciidamada Israa’iil.

    Wasiir dowlaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Soomaaliya oo ka qeybgalayay shirka golaha jaamacadda carabta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay kasoo horjeedo howlgallada Israa’iil ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta, sida ay ku warrantay wakalaadda wararka ee dowladda ee SONNA.

    “Soomaaliya waxay cambaareyneysaa xoogaga qabsashada ee ku soo duulay barxadaha Masjidka Al-Aqsa iyo weerarkooda ay ku qaadeen dadka reer Falastiiniyiinta ee aan is difaaci karin” ayaa laga soo xigtay wasiirka oo leh sida ay wakaaladda tabisay.

  12. Magaalo ka tirsan Israa’iil oo xaalad deg deg ah la geliyay

    Israa’iil ayaa xaalad deg deg ah gelisay magaalada bartamaha dhacda ee Lod kadib markii dibadbaxyo rabshado wata ay halkaas ka dhigeen dadka kasoo jeedo Carabta Israa’iil xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka u dhexeeyo ciidamada iyo dagaalyahanada Falastiiniyiinta.

    Xilli ay rabshadaha ka socdeen magaalada Lod, waxaa dab la qabadsiiyay baabuur.

    Waxaana halkaas ku dhintay aabe iyo gabadhiisa kadib markii baabuurkooda uu ku habsaday madfac.

    Dagaalyahanada Falastiiniyiinta ayaa gantaallo ku garaacay gudaha Israa’iil halka Israa’iil ay duqeysay Qaza.

    Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhintay dagaalkan ka socda halkaas.

    Militeriga Israa’iil waxay sheegeen inay beegsanayaan dagaalyahano Falastiiniyiin ah oo ku sugan marinka Qaza Kadi gantaallada ay kusoo weerareen Israa’iil.

    In ka badan 1,000 gantaal ayaa ku dhacay bartamaha iyo koonfurta Israa’iil kuwaas oo soo tureen dagaalyahanada Falastiiniyiinta.

  13. As-salaamu Caleykum, kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

    Waa Arbaco taariikhda waxay ku beegantahay 12-ka bisha May sanadka 2021-ka.