Jabuuti: Markii ay shirkadda DP World naga baxday adeegyada dekedda kor ayay u kaceen
Waxaa sare u kacay heerka kobaca dhaqaalaha ee dekedaha dalka Djibouti. Warbixin uu dhawaan soo saaray Bangiga Adduunka ayaa lagu sheegay, in Jabuuti ay kaalinta 1-ad ka gashay maalgashiga dekedaha Africa, halka kaalinta 61-aad ay kaga jirto caalamka oo dhan.
Agaasimaha dekedaha Jabuuti Abuubakar Cumar Haadi, oo BBC-da uga warramay horumarka dekedaha dalkaasi ayaa sheegay in jabuuti ay dadaal dheer u gashay sare u qaadida ganacsiga iyo maalgashiga.
Agaasimaha ayaa BBC-da wareysi siiyay ayaa sharraxaya sida ay u arkaan qiimeynta Bangiga Adduunka