You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo isaga tagey Muqdisho

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Midowga Yurub oo ka hadlay qaraarkii baarlamaanka Soomaaliya ee mudda kordhinta

    Dalalka midowga Yurub ayaa waxay sheegeen in tallaabadii ay shalay baarlamaanka Soomaaliya muddo 2 sano ah xilka ugu kordhiyeen madaxwayne Farmaajo ay tahay mid minjaxaabinaysa dadaaladii socday ee doorashada.

    Bayaan uu soo saaray wakiilka midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Josep Borrell ayaa lagu sheegay in tallaabada muudo kordhinta ay minjaxaabinayso taageerada midowga Yurub iyo beesha caalamka ee dib u dhiska Soomaaliya oo ku saleysnaa is-afgarad iyo isu tanaasul.

    Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in midowga Yurub iyo guud ahaan beesha caalamka ay ku celceliyeen in aysan aqbali doonin wax muddo kordhin ah amaba doorashooyiin is barbar socda ama hal dhinac ah.

    Midowga Yurub waxay sidoo kale sheegeen in muddo kordhinta baarlamaanka aysan ku jirin danta shacabka Soomaaliyeed.

    Wakilka midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxaa uu ku baaqay in wadahadalada dib loogu soo laabto lana qabto doorasho iyada oo lagu saleynayo heshiiskii 17 September.

    Ugu dambeyntii midowga Yurub ayaa waxay ka digeen in haddii aysan arrintaasi dhicin ay ka baaraandagi doonaan tallaabooyiin dheeraad ah oo ay qaadaan.

  2. Puntland oo soo dhaweysay ciidamo ay sheegtay inay ka soo goosteen dowladda fedaraalka

    Maamulka Puntland ayaa maanta soo bandhigay ciidammo sida ay sheegeen, "ka soo goostay" dowladda federaalka ee Soomaaliya.

    Ciidamadan oo tabbaro ku soo qaatay dalal dibedda ah, sheegayna inay halkaa uga yimaaddeen "faquuq" ay la kulmeen ayaa soo gaaray magaalada Galkacyo.

    wasiirka amniga Puntland Cabdi Samed Maxamed Gallan oo ku sugan magaalada Gaalkacayo, ayaa BBC u sheegay in askartan guud ahaan soo gaartay deegaanada Puntland ay tiradooda dhan tahay 40 askari oo ka soo jeeda deegaanada Puntland.

    Saraakiishu waxay noo sheegeen in tiro ahaan ay ahaayeen 120 tababarka galay afartameeyo ka mid ah-na ay go’aansadeen markii ay arkeen xaaladihii ay kala kulmeen meelihii la geeyay iyo masuuliyiintii ay la kulmeen aysan ku qancin nidaam ahaan waxay go’aansadeen inay dib ugu soo laabmaan Puntland oo markii hore ahaa deegaankii laga keenay, ayuu yiri wasiir Cabdi samad.

    Ma jiro ilaa iyo imika warar ka madaxbanaan maamulka Puntland oo xaqiijinaya in ciidamadan ay ka soo goosteen kuwa dowladda fedaraalka.

    Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha dowladda fedaraalka oo ku saabsan arrintan.

  3. Ururada bulshada rayidka oo ka soo horjeedsaday mudda kordhintii madaxwaynaha

    Ururada bulshada rayidka ee dalka Soomaaliya ayaa waxay sheegeen inay ka soo horjeedaan muddo kordhintii ay madaxwayne Farmaajo u sameyeen golaha shacabka.

    Bayaan ay soo saareen isutaga ururada bulshada rayidka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay ka soo horjeedaan tallaabadii ay shalay qaadeen golaha shacabka taasi oo ay sheegeen in ay liddi ku tahay heshiiskii 17 ee ay ansixiyeen isla baarlamaanka.

    Bulshada rayidka ayaa waxay sidoo kale ugu baaqeen madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwa dowladda fedaralka inay wadahadalada sii wadaan.

  4. Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo isaga tagey Muqdisho

    Waxa Muqdisho dib uga laabtay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland kadib markii ay guuldareysteen dadaalladii la doonayay in xal looga gaaro khilaafka ka taagan doorashada waqtigeeda laga soo gudbay.

    Labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ayaa dhawr jeer hor fariistay madaxda dawladda federaalka iyo madaxda kale ee maamul goboleedyada laakiin wax natiijo ah lagama gaarin is aragyadaasi.

    Shalay ayaa Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka waxa uu meel mariyay xeer uu ku sheegay in doorasho toos ah uu dalku aadayo, iyadoo muddo kordhin labo sanno ahna u sameeyay hay’adaha dawladda ee waqtigoodu dhamaaday.

  5. Iran oo eedeyn culus u jeedisay Israa'iil

    Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Javad Zarif ayaa ku eedeeyay Israa'iil inay buruburiso warshadda muhiimka ah ee Nukliyeerka Iran.

    Wuxuu intaas ku daray in haatan la xoojiyay howlaha lagu horumarinayo barnaamijkeeda Nukliyeerka.

    Javad Zarif wuxuu carabka ku adkeeyay in weerarkii lagu qaaday xarunta Nukliyeerka uu fursad u siinayo Iran kaalinteeda ku aadan dadaallada dib loogu soo celinayo wadahadalladii caalamiga ahaa ee Nukliyeerka kaas oo u horseeday inay xaddido barnaamijkeeda.

    Madaxweynihii Mareykanka Donald Trump ayaa isaga baxay heshiiska balse maamulka Biden ayaa doonaya in dib loo soo celiyo heshiiskii Nukliyeerka ee sanadkii 2015-kii ay quwadaha caalamka la galeen Iran.

  6. Galmudug oo sheegtay in doomo shisheeye ay weerar kusoo qaadeen

    Maamul goboleedka Galmudug ee Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadooda badda uu khasaare naf iyo maalba leh ka soo gaaray weerar dhanka badda ah oo sida maamulkaasi sheegay ay ku soo qaadeen doonyo ajaanib ah oo si sharci darro ah uga kalluumaysanayey xaabaha degmada Hobyo.

    Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa BBC u sheegay in deegaanka ay maalmihii ugu dambeeyay ay kusoo bateen kalluumeysto shisheeye o si sharci darro ah uga howlgala halkaas.

    Wuxuu intaas ku daray in ciidamada Galmudug heegan la geliyay si ay tallaabo uga qaadaan doonyaha sida sharci darrada ah uga soo tallaabo aaggaas.

    Halkan ka dhageyso wareysiga wasiirka warfaafinta Galmudug.

  7. Madaxweynaha Somaliland oo cafis u fidiyay boqolaal maxaabiis ah

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyay maxaabiis gaareyso 484 oo ku xirnaa xabsiyada.

    "In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo, bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan awgeed, Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 484maxbuus"

  8. Ramadaanta ma lagu tallaali karaa?

  9. Biyo la'aan ka jirta deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag

    Wararka ka imaanaya degmada Xiingalool ee gobalka Sanaag, ayaa sheegaya in halkaasi ay ka jirto abaaar taas oo sababaty biyo la’aan ba’an oo soo food saartay dadka deegaannadaas ku dhaqan.

    Dadka deegaanka oo meelo fogfog biyo ka raadsada ayaa sidoo kale sheegay in qiimaha biyaha uu sare u kacay taasi oo dadka culeys ku ah.

    Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa BBC uga warramay biyo la'aanta baahsan ay saameysay halkaas.

  10. Mareykanka oo ka hadlay guushii Ismaaciil Cumar Geelle

    Mareykanka ayaa sheegay in uu lasii shaqeyn doono madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle kadib guushii uu dhawaan ka gaaray doorashadii ka dhacday halkaas.

    Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay kormeerayaashii doorashada Jabuuti balse wuxuu ugu baaqay xukuumadda Jabuuti inay xoojiso arrimaha dimuqraadiyadda iyo hannaanka ku aadan arrintaas oo ay soo jeediyeen kormeerayaashii doorashada.

    “Mareykanka wuxuu la shaqeyn doonaa dowladda madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka Jabuuti si loo horumariyo danaha inaga dhexeeyo” ayaa lagu yiroi war qoraal ah oo lasoo dhigay bogga wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

    Taariikhda Ismaaciil Cumar Geelle

    Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu sanadkii 1948 ku dhashay magaalada Diridhaba ee Dowlad Deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya.

    Markii ugu horreysay ee uu madaxweyne ka noqday Jabuuti waxay ahayd sanadkii 1999, markaas oo xilka uu kala wareegay Xasan Guuleed Abtidoon oo ay qaraabo yihiin, kaas oo dalka xukumayay tan iyo intii ay Jabuuti xornimada qaadatay sanadkii 1977.

    Geelle waxaa mar kale dib loo doortay sanadihii 2005, 2011 iyo 2016, iyo sanadkan 2021.

    Madaxweynaha xaaskiisa waa Khadra Maxamuud Xayd, waxayna isku dhaleen afar carruur ah, labo wiil iyo labo gabadh.

  11. Tirada dadka ku dhintay xeebaha Jabuuti oo korodhay

    Mas’uuliyiinta dalka Jabuuti waxay sheegeen in tirada ku dhintay doonta ku qalibantay xeebaha dalkaas ay gaartay 39 qof halka lasoo baadbaadiyay 12 qof.

    Ciidamada ilaalada xeebaha Jabuuti iyo shaqaale ka tirsan hay’adda IOM ayaa wadaa howlaha lagu baadigoobayo muhaajiriinta.

    Sida ay mas’uuliyiinta sheegeen, doonta waxaa saarnaa ku dhawaad 80 qof oo muhaajiriin ah oo kasoo jeedo dalka Yemen.

  12. Muhaajiriin ku dhimatay xeebaha Jabuuti

    Ugu yaraan 34 qof ayaa ku dhintay xeebaha dalka Jabuuti kadib ay qalibantay dooni ay saarnaayeen, sida ay ku warrantay Ha’yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha socdaalka ee IOM.

    Doontan ay lahaayeen koox dadka tahriibisa ayaa siday 60 qof oomuhaajirin ah kuwaas oo kasoo qaxay dagaallada Yemen, waxay ku wajahnaayeen dalka Jabuuti, sida laga soo xigtay IOM.

    Waxay ha’yadda intaas ku dartay in aanan la ogeyn waxa sababay in doonta ay shilka gasho.

    Waxay sidoo kale walaac ka muujisay tobonaanka kun qof ee muhaajiriinta ah Afrikaanka ah ee galaya safar halis ah si u gaaran waddamada Khaliijka.

    Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii 20 qof oo muhaajiriin ah ay ku dhinteen xeebaha Jabuuti kadib kooxaha wax tahriibiya ay 80 qof ka dajiyeen doonyo ay saarnaayeen dadkaas xilli ay marayeen badda Jabuuti.

  13. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Talaado ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.