You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Ciidamada Eritrea oo bilaabay inay isaga baxaan gobolka Tigray

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Maxaa gabadhan kabtanka ah loogu eedeynayaa markabkii ku xannibmay Marinka Suez?

    Bishii la soo dhaafay, Marwa Elselehdar waxay dareentay inay wax khaldan yihiin.

    Waxaa soo baxay warka ah in markabka weyn ee lagu magacaabo Ever Given, uu ku caddilmay Marinka Suez, taas oo saameyn xooggan ku yeelatay marinkaas oo ka mid ah kuwa ugu weyn ee caalamka wax dhoofinta loo adeegsado.

    Balse markii ay telefoonkeeda eegtay, waxaa baraha internet-ka la isla dhex marayay inay iyadu ka dambeyso.

    "waan yaabay," ayay tiri Marwa, oo ah gabadhii ugu horreysay ee Masar ka noqota kabtan markab.

    Markii arrintan ay ka dhacday Suez, Ms Elselehdar waxay ka shaqeyneysay meel boqollaal meyl u jirta Alexandria.

    Markabka, oo ay leedahay waaxda ammaanka badaha ee Masar ayaa ka howlgala Badda Cas.

    Marwa Elselehdar, oo 29 jir ah, ayaa BBC-da u sheegtay inaysan wax fekrad ah ka heysan qofkii ugu horreeyay ee warka faafiyay iyo sababta.

  2. Mozambique: Kumannaan qof oo laga daad gureeyay Palma

    Kooxaha gargaarka ee dalka Mozambique ayaa sheegay in ku dhowaad toban kun oo qof laga daad gureeyay magaalada waqooyiga dalkaas ku taalla ee Palma, oo dhowaan ay weerareen kooxo Islaami ah. Dadkaasi qaarkood ayaa la geeyay xero ku meel gaar ah oo ku taalla magaalo dekadeedka Pemba.

    Dowladda Mozambique ayaa sheegtay in kumannaan kale ay weli isku qarinayaan keymaha ku hareereysan Palma, isla markaana ay u baahan yihiin cunto iyo biyo.

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 20,000 oo qof ay iyaguna ku sugan yihiin meel u dhow Palma, halkaas oo ay ku taallo goob shidaalka laga qodo.

    Goobtan ayay kooxaha Islaamiyiinta ah weerar ku qaadeen Jimcihii, saacado kaddib markii shirkadda shidaalka Faransiiska laga leeyahay ee Total ay shaqaalaheeda kala baxday halkaas.

    Markii hore dadka ku sugan xerada waxay awoodeen inay farriimo u diraan kana helaan qoysaskooda iyo saaxiibbadood iyaga oo uga warramaya sida ay xaaladdu tahay, balse telefoonka iyo internet-ka ayaa la jaray.

  3. Ololaha doorashada Jabuuti oo toddobaadkii labaad galay

    Jamhuuriyadda Jabuuti waxaa ka socdaa ololaha doorashada oo toddobaadki labaad galay, Waxaana xilka madaxtinimada u tartamaya laba musharraxa oo keli ah.

    Musharrixiintaasi oo kala ah madaxweyne Ismaaciil Cumar Geellee iyo Zakariye Ismaaciil Faarax oo ah musharrax madaxbanaan.

    Ismaaciil Cumar Geelle oo ololahiisa ugu dambeeyey ku maraya gobollada dalka Jabuuti ayaa taageerayaashiisa kula hadlay gobolka Dikhil.

    Sababtana wuxuu sheegay in uu Dikhil siiyo fursad isla markaana Dikhil uu laf dhabar u yahay dhaqaalaha dalka.

    Halka Zakariye Ismaaciil Faarax maalmihi u dambeeyey wuxuu iisu soo baxyadiisa ololaha doorashada kasoo muuqanayey isaga oo afka iyo gacmaha soo xirtay.

    Isaga oo astaantaasi ku muujinayey Jabuuti iney xorriyad ka jirin walow uu diiday inuu warbaahinta la hadlo.

    Waxaana astaanta uu soo bandhigay musharrax Zakariye ka jawaabay Alexisi Maxamed oo xisbiga haya talada Jabuuti qaabilsan xiriirka arrimaha dibadda.

    Wuxuu sheegay in musharrax Zakariye uu inkarayo dimuqraadiyadda ka jirta Jabuuti.

    Doorashada madaxtinimada Jabuuti waxay dhaceysa 9-ka bishan April, waxaana doorashadaas qaadacay mucaaradka Jabuuti.

  4. Maamulka Mandheera oo ka deyriyay xaaladda aabaraha

    Maamulka degmada Mandheera ee Kenya ayaa qaylo dhaan u diray dawaladda iyo hay'adaha gargaarka ee caalamiga ah.

    Waxaanu maamulku sheegay in baahida jirtaa haatan dhaaftay intii tabartiisa ahayd ee uu wax ka qaban kari la'yahay.

    Barasaab ku xigeenka maamulka Madheera, Maxamed Carraay ayaa BBC-da u sheegay inay wadaan dadaallo loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen abaaraha isla markaana ay weli jirto dhibaatada.

  5. Shirka madaxda Soomaaliya oo maalintii labaad galay

    Waxaa maalintii labaad hangarka diyaaradaha ee garoonkii ciidammada cirka ee Afisiyoone ee magaalada Muqdisho ka soconaya shirkii horudhaca ahaa ee dhexmarayay madaxda federaalka, kuwa maamul goboleedyada ee Soomaaliya iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.

    Shirka oo uu hadafkiisu ahaa kalsooni dhisidda madaxda shirka ka qeybgalaysa, waxaa maalintii labaad dibadda ka jooga saxafiyiinta iyadoo madaxda oo kaliya ay albaabadu isu xirteen.

    Macluumaad badan lagama hayo shirka u dhexeeyo madaxda dowladda.

    Waxaan kulanka lagu gorfeynayaa ajandaha shirka weyn ee la filayo in uu dhexmaro madaxda dowladda kaas oo looga hadli doono sidii looga gudbi lahaa khilaafka hareeyay hannaanka doorashada ee Soomaaliya.

  6. Dowlad Deegaanka oo soo rogtay tallaabooyin lagu xakameynayo cudurka Covid-19

    Waaxda Caafimaadka ee Dowlad deegaanka Soomaalida ee waddanka Itoobiya ayaa waxay soo rogtay tallaabooyin cusub oo ay sheegtay inay doonayso inay ku xakamayso faafaahinta cudurka Covid-19.

    Tallaabooyinka ayaa ka mid ah in dadku ay kala fogaadaan, afka ay xirtaan sidoo kalana ay yareeyaan tagitaanka goobaha ay dadka badan isugu yimaadaan.

    Dr Yuusuf Maxamed Cali oo ah madaxa waaxda caafimaadka ee dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa BBC-da u sheegay in tallaabooyinka ay soo rogeen kaddib markii ay aad sare ugu kaceen dadka laga helayo xanuunkaasi.

    Wuxuu sheegay in dad badan oo da' ah ay gobolka ku dhimanayaan walow aanay xaqiijin sababta dhimashadooda.

  7. Mozambique: Waa sidee xaaladda magaaladii ay weerareen maleeshiyaad taabacsan IS?

    Xiisad ayaa ka taagan magaalada Palma ee dalka Mozambique kadib markii muddo ka badan toddobaad ay weeraro dhimasho geystay ka fuliyeen maleeshiyaad lala xiriiriyay ururka IS.

    Ilaa hadda lamo ogo tirada dadka ku dhintay weerarkaas.

    Sidoo kale, waxaa jiraa warar soo baxayo oo ku saabsan in dagaallo ay weli ka socdaan Palma.

    Ha'yadaha gargaarka waxay sheegeen in ku dhawaad 10,000 qof laga soo daadgureeyay magaalada lagu hareereysan yahay isla markaana la geeyay gobollada kale ee deriska ah.

    Jimcihii waxaa la weeraray warshad shidaal oo ay leedahay shirkadda Total saacado uun kadib markii shaqaalaha shirkadda laga daadgureeyay halkaas.

    Mas'uuliyiinta waxay sheegayaan in kumanaan qof ay weli ku dhuumaaleysanayaan keymaha ku yaalla Palma iyagoo ka cabsi qabo in maleeshiyaadka ay beegsadaan, dadkaas oo u baahan hoy, biyo iyo cunto.

  8. Ciidamada Eritrea oo bilaabay inay isaga baxaan gobolka Tigray

    Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamo kasoo jeedo dalka ay deriska yihiin ee Eritrea ay bilaabeen inay isaga baxaan gobolka Tigray.

    Ciidamada Eritrea ayaa ka garab dagaallamayay ciidamada Itoobiya xilliggii ay howlgallada ka dhanka ah TPLF ay ka socdeen halkaas.

    Jimichii dalalka ku horumaray warshadaha ee G7 ayaa ku baaqay in ciidamada Eritrea ay isaga baxaan gobolka isla markaana waxay cambaareeyeen dilka loo geystay dad rayid ah iyo tacaddiyo ka dhacay gobolka Tigray.

    Waxay sidoo kale codsadeen in la furo marinka gargaarka banii'aadinimo lagu gaarsiinayo shacabka tabaaleysan ee ku nool gobolka ay colaadaha saameeyeen ee Tigray.

    Qaramada Midoobey waxay marar badan walaac ka muujisay dhibaatada ka taagan gobolka oo adkeeyay howlaha gargaarka.

    Toddobaadkan labo xero oo ku yaalla gobolka oo ay ku nool yihiin 2,000 qof ayaa la burburiyay halka dhac loo geystay shacabka.

  9. Sidee ayay Itoobiya ugu suurogashay bacriminta daruuraha?

    Horumarka tiknoolajiyadda ee haatan dunida gaaray wuxuu sahlay in dalal badan ay isku dayaan in ay daruuraha bacrimiyaan si roob badani ugu da’o.

    Waxaan dalalka bilaabay dadaalladan kamid ah Imaaraadka iyo Itoobiya oo dunida saddexaad ka mid ah.

    Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa xarigga ka jaray xarunta bacmirinta daruuraha.

    Wuxuu sheegay in tiknooloojiyaddan ay Itoobiya ka caawin doonto wax soo saarka beeraha.

    Waxaana Itoobiya barnaamijkan ka caawiyay Imaaraatka Carabta.

    Haddaba, sida tiknoolajiyadaasi u shaqayso waxa faahfaahinaya Dr Cabdillaahi Cilmi Maxamed oo ku takhasusay culuumta biyaha, deegaanka iyo cimilada.

  10. Militeriga Soomaaliya oo sheegay inay la wareegeen deegaanno hoostaga Dhuusamareeb

    Ciidamada dowladda ayaa sheegay inay la wareegeen deegaanno dhaca koonfurta magaalada Dhuusamareeb.

    Waxay intaas ku dareen in ciidamada ay ku raad joogaan kooxihii weerarka shaley ka fuliyay deegaannada dhaca koonfurta magaalada.

    Shaley ayay aheyd markii kolonyo milatariga Soomaaliya ka tirsan oo maraysay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug lagu qaaday weerar dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

    Ciidamo ka tirsan milatariga iyo xoogaga Al-Shabaab ayaa ku dagaallamay deegaanka Sinadhaqo oo Koonfur uga beegan Dhuusamareeb.

    Illo wareedyo ku sugan Dhuusamareeb ayaa sheegay in sarkaal sare oo ka tirsan qaybta 21-aad lagu dilay dagaalka.

  11. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Axad ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.