Waxaa maanta lagu wadaa in magaalad Muqsiho uu ka furmo shir
u dhexeeyay madaxda dowladda iyo kuw maamul goboleedyada.
Shirkan ayaa ah mid kalsooni dhisid ah, wuxuu horudhac u
yahay shirka kale ee la filayo in maalmaha soo socda uu dhexmaro madaxda maamul
goboleedyada iyo madaxda dowladda kaas looga hadli sidii looga gudbi lahaa
khilaafka ka dhashay arrimaha doorashada.
Puntland iyo Jubaland oo horraan ka maqnaa shirarkii ka
dhacay xerada Afisyoone ayaa sheegay in shirkan ay ku baaqeen waakiilada beesha
caalamka isla markaana ay ka qeybgalayaan.
Waxaana tan iyo xaley ilaa shaley laga wadahadlayay amniga
goobta uu shirka ka dhacayo oo ah teendho ku taalla garoonka ciidamada cirka ee
Afisyoone.
Waxayna u muuqataa in heshiis laga gaaray cidda sugi doonto
amniga goobta kulanka lagu qabanayo.
Waxaana toddobaadyadii amniga goobta gacanta ku hayay ciidamada
ilaalada madaxtooyada.
Wuxuu khilaafka ka taagan yahay ajandaha shirka iyadoo in
kulanka lagu gorfeeyo shirka weyn ee la filayo in uu dhexmaro madaxda dowlad
goboleedyada iyo kuwa dowladda.