You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Maxaa keenay in ninkan Soomaaliga ah uu ku noolaado waddooyinka Faransiiska?

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Koobka Kubadda Kolayga ee Janaraal Daauud oo ka furmay Muqdisho

    Waxaa galabta magaalada Muqdisho ka furmay Koobka Janaraal Daauud ee Kubadda Kolayga ee Soomaaliya.

    Koobkan oo ay ka qeybgalayaan 9 kooxood diyaargarowgiisana uu socday muddooyinkii ugu dambeeyay, ayaa waxaa ujeedkiisa lagu sheegay in lagu tayeeyo ciyaartoyda kubadda kolayga ee dalka iyo in laga soo xulo ciyaartoyda xulka qaranka matali doonta, iyadoo ciyaartoyda qaarna ay dibadda ka yimaadeen.

    Waxaa galabta lagu furay Koobkan oo foodda is daray kooxaha Dekadaha iyo Juba Air, waxaana ay gusha raacday kooxda Dekadaha oo ku badisay 71 dhibcood halka Jubba air ay iyadana heshay 35 dhibcood.

    Waxaa berri wada cayaari doonaa kooxaha Heegan iyo Wacaaf.

    Koobkan oo la yirahdo koobka koobabka Soomaaliya ayaa waxaa la bilaabay sannadka markuu ahaa 72-dii.

    Waxa uu tartanka socon doonaa ilaa 12ka Abriil oo ah maalinta ay Milatariga Soomaaliya u dabaal degi doonaan aasaaskoodii.

  2. Mareykanka oo soo jeediyay in Afghanistan laga dhiso dowald ku meel-gaar ah

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka ayaa sheegtay in toddobaadka soo socda ay qabaneyso shir looga wada xaajoonayo arrimaha Afghanistan.

    Wasaaradda ma aysan sheegin faahfaahin dheeraad ah hase yeeshe saraakiisha Afqanistaan ​​ee Kabul ayaa sheegay in hoggaamiyeyaal sare, oo uu ku jiro madaxa Golaha Sare ee Dib-u-heshiisiinta Qaranka, Abdullah Abdullah, la casuumay.

    Wakiillada Taalibaan iyo sidoo kale wakiilo ka socda Mareykanka, Shiinaha iyo Bakistan ayaa iyagana la filayaa inay ka qeyb galaan shirkaasi.

    Ku dhawaaqidda shirkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay socdaan qorshayaal cusub oo Mareykanka ku doonayo in la sii xoojiyo geeddi-socodka nabadda Afghanistan, Waxuuna soo jeediyay in dawlad ku meel gaar ah la dhiso sidoo kalana la qabto shir ay Qaramada Midoobay fududaysay oo lagaga hadlayo arrimaha Afghanistan.

  3. Maxay tahay sababta uu u sii dabar go'ayo kalluunka nooca Tuunada ee Soomaaliya laga helo?

    Wakiillo ka kala socda 30 waddan ayaa ayaa maanta waxay kulan ku leeyihiin magaaladan Nairobi ee caasimadda Kenya, iyaga oo ka wada hadlaya kalluunka sii dabar go’aya Badweynta Hindiya gaar ahaan nooca Tuunada loo yaqaanno, iyadoo uu sii kordhayo dalabka kalluunkaas ee qaaradda Aasiya iyo Galbeedka.

    Haddaba saameyn noocee ah ayaa ka dhalan karta dabar go’a kalluunkaas oo ka mid ah noocyada kalluun ee Soomaaliya laga helo?

    Waxaa sharraxaya Cabdiwaaxid Maxamed Xirsi Joocaar oo ah khabiir dhanka Kalluumaysiga.

  4. Malaayiin doolar oo Nigeria laga xaday oo dib loo celinayo

    UK ayaa ballan qaaday in Nigeria ay u celineyso 5.8 malyan oo doolar lacagtaas oo uu horraan xaday barasaab hore.

    Barasaabkii hore ee gobolka Delta James Ibori ayaa sanadkii 2012-kii lagu helay dambiga ah in isdabamarin lacageed.

    Waxaana loo maleeyay in uu lacago malaayin ah kasoo xaday gobolka qaniga ku ah shidaalka ee Delta.

    Waa markii ugu horreysay oo lacago ay xadeen dambiilayaal dib loogu celiyo Nigeeria tan iyo markii UK iyo Nigeria ay heshiis wada gaareen sanadkii 2016.

    UK iyo Nigeria ayaa maanta kala saxeexday heshiis lacagtaas dib loogu celinayo Nigeria si loogu maalgeliyo mashaaricyo.

  5. Axmed Madoobe oo Muqdisho gaaray

    Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa hadda ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho xilli la filayo in halkaas uu ka furmo shir u dhexeeyo madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada kaas oo looga hadli doono arrimaha doorashada.

  6. Guddoomiyihii guddiga ganacsatada xaafadda Islii oo geeriyooday

    Waxaa maanta magaalada Nairobi ku geeriyooday Macalin Ibraahim Xuseen Dheere oo ah guddoomiyihii ganacsatada xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

    Macalin Ibraahim wuxuu in muddo ah hayay xilka guddoomiyaha guddiga adeegga macalimiinta ee Kenya.

    Wuxuu sidoo kale kaalin weyn ka qaatay dhexdhexaadinta beelo ku diriray waqooyiga Kenya.

  7. War deg deg ah, Hoobiyeyaal lagu garaacay Xalane

    Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in hoobiyeyaal lagu garaacay xerada Xalane ee ku taalla magaalada Muqdisho halkaas oo fariisiin u ah ciidamada nabad ilaalinta AMISOM iyo xafiisyada Qaramada Midoobay iyo safaaradaha wadamada reer Galbeedka qaarkood.

    Weerarkan ayaa kusoo aadayaa xilli magaalada Muqdisho la filayo in uu ka dhaco kulan u dhexeeya madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada kaas oo looga hadlayo khilaafka harreeyay hannaanka doorashada.

  8. Madaxda maamul goboleedyada oo lagu wado inay tegaan Muqdisho

    Waxaa la filayaa in madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ay tegi doonaan magaalada Muqdisho si ay halkaas iyaga iyo madaxda federaalka ee Soomaaliya uga wadahadlaan xallinta khilaafka hareeyay hannaanka doorashooyinka ee dalka.

    Shirkan oo dhowr jeer oo hore baaqday ayaa lagu wadaa in maalmaha soo aaddan uu si rasmi ah Muqdisho uga furmo.

    Madaxdu waxa ay isku hayaan habkii loo wajihi lahaa doorashada uu waqtigeeda laga soo gudbay ee Soomaalilya.

  9. Ka Sheekee: Makhaayad dhammaan dadka ka shaqeeyaa ay haween yihiin

  10. Kenya oo Kansar dartiis u joojisay galleydii uga imaan jirtay dalalka deriska

    Kenya ayaa mamnuucday galleydii looga soo dhoofin jiray dalalka Uganda io Tanzania kadib walaac ka dhashay dhanka badqabka isticmaalka galleydaas, sida ay ku warrameen warbaahinta dalalkaas.

    Warbaahinta oo soo xiganayay warqad kasoo baxday waaxda cuntooyinka ee Kenya ayaa lagu sheegay in galleyda laga soo dhoofsado Tanzania iyo Kenya laga helay maaddo la yiraahdo mycotoxins oo sababta cudurka Kansarka.

    "Sanadihii lasoo dhaafay cudurro joogto ah oo lala xiriiriyay inay ka dhasheen maaddada aflatoxins ayaa laga diiwaangeliyay Kenya gaar ahaan dhimasho" ayaa lagu yiri warqad kasoo baxday waaxda cuntada ee Kenya.

    Waxaa xadka Kenya iyo Tanzania ku xayirmay gawaari xamuul ah oo siday galleyda, sida ay ku warrantay warbaahin kasoo baxda Tanzania.

  11. Maxaa keenay in ninkan Soomaaliga ah uu ku noolaado waddooyinka Faransiiska?

    Nin Soomaali ah oo ku nool dalka Faransiiska ayay danta ku khasabtay in uu ku noolaado waddooyinka dalkaas kadib markii labo dal ka tirsan Yurub ay u diideen inay magangelyo siiyaan, sida ay ku warrantay wakalaadda wararka Turkiga ee Anadolu.

    Axmed Maxamed ayaa Anadolu u sheegay in Faransiiska uu diiday in magangelyo uu siiyo kadib markii 2 sano uu sugayay codsi uu dirsaday isla markaana waxaa xoog looga saaray xarun la geeyo dadka magangelyada la siiyo.

    Wuxuu sheegay in Belgium ay meesha ka saartay codsi uu uga raadinayay magengelyo, muddo 11 bilood ah ayuu ku sugnaa xeryo ciriiri ah oo ay ku sugan yihiin dad muhaajiriin ah.

    Wuxuu intaas ku daray in kiiskiisa uu u gudbiyay maxkamadda racfaanka balse mar kale loo diiday in magangelyo la siiyo, sanadkii 2017-kii ayuu dib ugu soo laabtay Faransiiska.

    “Waxaan ku suganahay xaalad daran, waxay iiga tageen in aan ku noolaado waddooyinka xilliggan uu dunida saameeyay cudurka safmarka ah, nolosheyda halis ayay ku jirtaa, dib ugama laaban karo dalkeyga” ayuu yiri Maxamed oo u warramayay wakaaladda wararka ee Anadolu.

  12. Dhalinyaro Soomaali ah oo ku biirtay ciidamada cirka ee Itoobiya

    Dhalinyaradii ugu horreysay oo deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ka soo jeeddo oo ku biirtay ciidamada cirka Itoobiya ee noqda Duuliye iyo Farsamayaqaan diyaaradeed ayaa tababrkooda billaabay.

    Labadan dhalinyarada ah oo loo kala qatay Duuliye iyo Farsama yaqaan diyaaradaha ciidamada ayaa sheegay iney caqabado xagga qoyska iyo bulshadaba ay kulmeen balse ay ka gudbeen maadaamaa ay xiiseynayeen iney mar un helaan fursad ay cidamada cirka dalka Itoobiya kaga mid noqdaan.

    Dhalinyaraduna waxay sheegeen fursadda iney ku heleen qoondo Soomaali ahaan loo siiyey kaddibna imtixaanka dugsiga duuliyanimada lagu qaaday oo ay ku guuleysteen.

    Cadnaan Cali Ibraahim oo loo qaaday farsamaqayaqaan diyaarad ciidan ayaa BBC u sheegay in weligiisa uu ku haminayay in uu ku biiro ciidamada.

  13. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Talaado ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.