You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Itoobiya iyo Suudaan oo uu dhexmaray dagaal khasaare dhaliyay

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Maxkamadda ICC oo baareyso dambiyada dagaal ee Falastiin ka dhacay

    Xeer ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Dambiyada Dagaalka Adduunka ee ICC ayaa billawday baaritaan la xiriiro eedeynta ku saabsan dambiyada dagaal ee ka dhacay dhulka Falastiin.

    Fatou Bensouda waxay sheegtay baaritaanka inuu quseeyo laga billaabo 13-kii June 2014-kii dhacdooyinkii ka dhacay dhulka Falastiin ee ay Israel haysato ee Daanta-Galbeed, Bariga Quduus iyo Marinka Qaza .

    Bishii hore maxkamadda ICC oo uu fadhigeeda yahay Heague ayaa go'aan ku gaartay dhulka Falastiin iney ka meel mariso awoodda sharci ee ay leedahay.

    Israel ayaa ku gacan seydhay go'aanka Ms Bensouda, halka ay Falastiiniyiintu si weyn ugu riyaaqeen.

    Maxakamadda ICC waxay awood u leedahay iney dacwad ku soo oogto cid kasta oo geysato xasuuq, xadgdub bani aadaminimo iyo dambiyo dagaal ee ka dhaca dowladaha xubinka ka ah Axdigi Rome.

    Israel weli ansixin axdiga Rome, halka uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa 2015-kii aqbalay iney Falastiin axdigaasi ku biirto.

  2. Sir Shiinaha si lama filaan ah uga fakatay

    Daraasad ay sameysay Shiinaha oo loo waday saraakiil sare balse si aan ku talo gal ahayn loogu daabacay baraha bulshada, ayaa waxaa ku xusan in siyaasadaha dalkaas ee ku saabsan gobolka galbeedka dalkaas ku yaalla ee Xinjiang la doonayo in qowmiyadda Uighur iyo muslimiinta kale ee laga tiro badan yahay lagu dhex milo bulshada dalkaas.

    Daraasadda oo uu ku jiro baaritaan faahfaahsan oo lagu sameeyay barnaamijka dib u dejinta ballaaran ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in loogu talo galay wax ka qabashada saboolnimada.

    BBC ayaa heshay caddeymo muujinaya inuu Shiinaha uu isku dayayo inuu dhaqan-doorin uu ku sameeyey dadka Uigurs ee ku nool gobolka Xinjiang iyada oo u mareyso waxa ay ugu yeertay dib u dejin.

    Shiinaha ayaa marar badan diiday eedaha loo soo jeediyey oo ku saabsan inuu xasuuq uu ka wado gobolka Xinjiang, balse waxay qiratay in qaar kamid ah dadkaasi xagjir diimeed ah loo hayo si loo dhaqan celiyo.

    Shiinaha ayaa ku eedaynaya in mintidiin Muslimiin ah iyo kooxo gooni u goosato ah ay gobolka ka wadaan xasilooni darro.

    Baaritaan ay sameeyeen guddi ka socday Qaramada midoobay oo u qaabilsan ka hortagga midab kala sooca iyo cunsiriyadda ayaa sheegay in xoga lagu kalsoon yahay ay tilmaamayaan in xukuuumadda Beijing "ay gobolkaas ka dhigtay wax u eg xero ciidan".

  3. Itoobiya oo ka biya diidday soo jeedin ku saabsan wadaxaajoodka biya-xireenka

    Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sheegtay inaan la aqbali karin soo jeedinta Suudaan ee ku aaddan wadahadallada seddex geesoodka ah ee ku saabsan biya-xireenka Itoobiya ay dhiseyso iney ku soo biiraan dhexdhexaadiyeyaal ka baxsan Midowga afrika.

    Itoobiya waxay soo jeedintaasi ku tilmaantay mid wiiqeyso doorka dhexdhexaadineed uu Midowga Afrika wado.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Diinaa Muftii oo maanta shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay iney suudaan ay soo jeedisay howlaha dhexdhexaadinta iney ku soo biiraan Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.

    Suudaan waxay sheegtay haddii ay dhexdhexaadinta qaybahaasi ay ku soo biirin buuxinta biyaha biyo xireenka ee ay Itoobiya keligeed wadato inuu waxtar u lahaan doonin.

    Diinaa Muftii wuxuu ku nuuxnuuxsaday wadahadallada seddex geesoodka ah uu hoggaaminayo midowga Afrika inuu waxtar weyn u leeyahay dhinacyada wadahadalka uu ka dhaxeeyo ee Itoobiya, Masar iyo Suudaan.

    Wuxuuna intaa ku daray iney Itoobiya marnaba aqbaleyn hadalka ka soo yeeray Suudaan ee ah iney Itoobiya wadahadalka ay sii dheereyneyso, balse wuxuu caddeeyey ilaa iyo hadda inaan wax heshiis ah oo la taaban karo aan laga gaarin wadahadalladii muddada dheer soo socday.

    Itoobiya, Masar iyo Suudaan ayaa isku mari la' habka loo maareynayo biyaha biyo-xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso wabiga Nile oo ay Masar iyo Suudaan aaminsan yihiin inuu biya xireenka Itoobiya ay waddo uu u horseedayo biya yari soo foodsaarto.

  4. Xisbiga mucaaradka ee ugu weyn Jarmalka oo xagjir lagu tilmaamay

    Warbaahinta dalka Jarmalka ayaa tabisay wakaaladda sirdoonka gudaha dalkaasi iney xisbiga ugu weyn ee mucaaradka dalkaasi - the Alternative fuer Deutschland - ay u aqoonsatay urur xagjirnimo looga shakisan yahay.

    Wakaaladda Sirdoonka oo muddo laba sana ah baaritaan ku haysay ururka AfD waxay ka soo diyaarisay qoraal dhan kun-bog oo ay ku soo bandhigtay caddeymaha inuu xisbigan siyaasaddiisu garabka midig tahay xagjirnimo looga shakisan yahay.

    Arrintan ayaa noqoneysa markii ugu horeysay oo xisbi siyaasadeed oo mucaarad ah oo kuraas ku leh baarlamaanka dalka Jarmalka lagu tilmamo xisbi xagjir ah tani iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

    Xisbiga AfD wuxuu dhankiisa isku dayayaa inuu go’aanka wakaaladda Sirdoonka uu buriyo maadaamaa ay saameyn taban ku yeelaneyso codka uu xisbigaasi ka heli lahaa doorashada soo socota ee dalka Jarmalka.

    Xisbiga AfD oo lagu yaqaanno muslim nacaybka ayaa soo caan baxay sanaddi 2015-kii marki ay dalka Jarmalka soo galeen muhaajiriin tiradooda kor u dhaafeyso hal mayan.

  5. Biden oo sheegay ilaa bisha May in shacabka Mareykanka tallaal la gaarsiinayo

    Madaxweyneha Mareykanaka Joe Biden ayaa sheegay Mareykanka inuu hayo waddadi uu ku soo saaran lahaa tallaalka Faayraska Korona oo qofkasta oo Mareykanka ku nool gaaro ilaa iyo bisha May.

    Madaxweynaha oo aqalka cad kaga warbixinayey xaaladda Faayraska Korona iyo tallaabbooyinka maamulkiisa uu qaaday wuxuu sheegay inuu codsaday laba shirkadood oo waaweyn oo dawooyinka soo saaro ee Johnson, Johnson iyo Merck in loo xilsaaro ayna ka wada shaqeeyaan soo saaridda tallaalkaasi.

    Wuxuuna Biden oo uu sheegay tallaabbooyin horumar leh oo dhanka soo saaridda tallaal ku filan dalka oo dhan in la qaaday.

    Madaxweyne Joe Biden oo sharraxaadda uu aqlka cad ku bixiyey kaddib la weydiiyey xilliga ay noolasha dalka Mareykanka caadi ku soo laabaneyso wuxuu jawaabay inuusan haatan ka jawabi karin balse ay ku xiran tahay shacabka dalkaasi sida ay u dadaalaan.

    Ilaa iyo hadda dalka Mareykanka waxaa tallaal qaatay dad ka badan 76 malyan oo qof oo u dhigma 15.3%, tiradaasi oo aad ugu dhow qorshihi Biden u yaallay ee ahaa 100-ka maalmood ee ugu horreeya uu xafiiska madaxeynaha hayo in tallaal lagu siinayo 100 malyan.

  6. Masar iyo Suudaan oo heshiis militeri wada saxeexday

    Masar iyo Suudaan ayaa shaley kala saxeexday heshiis militeri kaddib marki ay kulamo yeesheen saraakiisha militeri ee labada dal, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda Suudaan.

    Maxamed Fariid oo ah madaxa militeriga Masar iyo dhiggiisa Suudaan Maxamed Cusmaan Al Xuseyn ayaa heshiiska ku kala saxeexday caasimadda Khartuum.

    Madaxa militeriga Suudaan Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in heshiiska looga golleeyahay in lagu dhiso ciidamo qaran oo si xooggan loo tababara, wuxuunaa ugua mahadceliyay Masar taageerada ay siiso Suudaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Shiinaha ee Xinhua.

    Dhanka kale, taliyaha militeriga Masar Maxamed Fariid wuxuu sheegay in dalkiisa uu doonayo in uu xoojiyo cilaaqaadka kala dhexeeyo isla markaana arrimaha ay diiradda saarayaan ay yihiin 'xoojinta militeriga iyo amniga'

    Suudaan iyo Masar waxay horraan sameeyeen dhoolatus militeri iyadoo la filayo inay si wadaan dhoolatuskaas.

    Madaxweynaha Masar Cabdul Fataax Al Siisi ayaa lagu wadaa in Khamiista uu booqasho ku tego Suudaan, sida uu ku warramay wargeyska Ahraam ee kasoo baxa Masar.

  7. Dad oon iyo harraad ugu dhintay Baardheere

    Maamulka degmada Baardheere ee dhanka dowladda federaalka ah ayaa sheegay in abaarta ba’an ee ka jirta aaggaas awgeed ay dad harraad ugu dhinteen deegaanno ka tirsan degmadaas.

    Guddoomiyaha degmada, Maxamed-Weli Yuusuf Cabdillaahi ayaa BBC u sheegay in labo qof ay u dhinteen biyo la'aan ka jirta deegaanno hoostaga Baardheere.

    "ilaa iyo hadda inta aan diiwaangelinay labo qof waan hubnaa oo ku dhintay deegaano hoos yimaada degmada oo biyo la'aan ugu dhintay oo dad yar iyo dad waaweyn isugu jira, dad la il daran oonka wey jiraan" ayuu yiri Maxamed Weli Yuusuf.

    Biya la’aantan ayaa ka dhalatay roobabkii dayrta iyo guga oo baaqday, taas oo sababtay in xoolaha iyo dadkuba ay oomaan yihiin.

    Halkan ka dhageyso wareysgiga guddoomiyaha degmada Baardheere.

  8. Madaafiic lagu garaacay saldhig ciidan oo ku yaalla Ciraaq

    Ugu yaraan 10 gantaal ayaa lala beegsaday saldhig militeri oo ay ku sugnaayeen ciidamo Amerikaan ah , ciidamo qeyb ka ah howgalka uu hogaaminayo Mareykanka iyo kuwa Ciraaq.

    Ilo wareedyo ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in qof rayid ah oo la shaqeynayay ciidamada uu dhintay markii uu wadnaha istaagay xilliggii weerarka lagu qaaday saldhigga Ceyn Al Asad ee Ciraaq.

    Waa weerarkii afaraad ee lagu qaado saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidamada qeybta ka ah howlgalka uu horkacayo Mareykanka ee ku sugan Ciraaq wax ka yar toddobaad ah.

    Waxay ku eedeeyeen in weeraradaas ay ka dambeeyeen kooxo taageero ka hela Iiraan.

    Toddobaadkii lasoo dhaafay Mareykanka wuxuu duqeyn ka fuliyay gudaha gaar ahaan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaad ay taageerto Iiraan.

  9. Tanzania oo baareysa 'shirkad ka ganacsata kaadida haweenka uurka leh'

    Mas'uuliyiinta dalka Tanzania ayaa baarayaa shirkad la sheegay inay uruurineysay kaadida haweenka uurk leh si ay uga sameyso dawooyin, sida uu ku warramay wargeyska The Citizen ee kasoo baxa dalkaas.

    Waaxda dawooyinka ee Tanzania ayaa lasoo xigtay iyadoo sheegaysa in aanay aqoonsaneyn shirkadda Polai oo la sheegay inay ku lug laheyd ganacisgan.

    Wargeyska The Citizen ayaa sidoo kale ku warramay in baaritaanada ay muujinayaan in shirkadda ay qarsoodi ah ugu howlaneyd ururuurinta kaadida haweenka uurka leh.

    Wuxuu soo xigtay shaqaale ka tirsan shirkadda oo qiraya in kaadida haweenka uurka leh lagu daweeyo dhalmo la'aanta.

    Ma jirto caddeyn muujineysa in kaadida banii'aadanka wax lagu daweyn karo.

    Waaxda dawooyinka Tanzania waxay sheegtay inay qaadi doonto tallaabo marka lasoo gabagabeeyo baaritaanka.

  10. Itoobiya iyo Suudaan oo uu dhexmaray dagaal khasaare dhaliyay

    Ciidamo Itoobiyaan ah iyo maleeshiyaad ayaa la laayay kadib markii uu dagaal ku dhexmaray ciidamada Suudaan dhulka lagu mursan yahay ee ku yaalla xadka labada dal, sida ay ku warrantay warbaahin laga leeyahay Suudaan.

    Warbaahinta Sudan Tribune oo soo xiganeyso saraakiil ka tirsan ciidamada Suudaan inay qarka u saaran yihiin inay qabsadaan deegaanka Barakat Nuureyn oo dhaca dhul baaxadda weyn ee lagu muransan yahay ee Al Fashaqa.

    "Dagaalka ayaa socday tan iyo koowdii bishan kaas oo u dhexeeyay ciidamada Suudaan iyo kuwa Itoobiya oo garab ka helaya ciidamo Eritrean ah.....Ciidamada Suudaan waxay khasaare gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya iyo xulafadoodii" ayay ku warrantay warbaahinta Sudan Tribune.

    Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan arrintan oo kasoo baxay dhinaca Suudaan.

    Eritrea waxay beenisay inay ciidamadeeda ay ka garab dagaallamayaan kuwa Itoobiya ee ku sugan dhulka lagu muransan yahay ee ku yaalla xudduudda Suudaan iyo Itoobiya.

    Al-Fashaqa, oo ku fadhida dhul dhan 600 kiilo mitir ayaa ah dhul ku fiican dhanka beeraha. Waxaa marar badan goobtan uu dagaal ku dhexmaray beeraleyda labada dal. Itoobiya iyo Sudan ayaa waxaa u dhaxeeya xuduud aad u dheer taasi oo dhan 1,600 km.

  11. Militeriga Itoobiya oo sii daayay weriyihii BBC-da

    Militariga dalka Itoobiya ayaa sii daayay weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugnaa gobolka ay colaaduhu ka socdaan ee waqooyiga ku yaalla ee Tigray.

    Girmay Gebru ayaa la sii daayay isaga oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin balse BBC-ka kama war heyso sababta ka dambeysay in la xiro.

    BBC Tigrinya ayaa sidoo kale xaqiijisay in la sii daayay weriye Tamirat Yemane, iyo laba turjumaano ah oo lagu kala magacaabo Alula Akalu iyo Fitsum Berhane, oo u kala shaqeynayay Financial Times iyo wakaaladda wararka ee AFP.

    Afartan qof ayaa waxaa xiray militeriga Itoobiya xilli ay ku sugnaayeen caasimadda Tigray ee Mekelle.

    Girmay Gebru, oo u shaqeeya laanta Tigranya ee BBC-da, ayaa laga qabtay makhaayad ku taalla caasimadda gobolkaas ee Mekelle.

  12. Wasiir Dubbe oo sheegay in dibadbaxa mucaaradka lagu xiray labo shurudood

    Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay amarro cusub oo lagu sheegay in lagaga hortagyo fiditaanka fayraska korona maadaama oo cudurka Covid-19 aad ugu soo laba kacleeyey dalka.

    Wasiirka warafaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa BBC u sheegay in tallaabooyin looga dalka si looga hortaggo fiditaanka cudurka Covid-19 sida in la xiray iskuulaada, jaamacadaha, in la xaddiday isu socodka gudaha dalka iyo in cudurka laga baaro dadka dibadda ka imaanaya.

    Wuxuu intaas ku daray in lagu heshiiyay in mucaaradka Sabtida ay qabsan doonaan dibadbaxa balse lagu xiray labo arrin.

    “Dibadbax lasoo codsaday oo ah kii laga heshiiyay xaley…labo shurudood oo kaliya ah ayaa ku xiran oo qabanqaabiyeyaashii dibadbaxu ay horey u sheegeen labadaa qodob inay diyaar u yihiin waa marka koowaad ee in dadka dibadbaxa imaanaya ay kala fogaadaan iyo inay soo qaataan afsaar labadaa shurudood ayaa muhiim ah, labadaa shurudood marka la fuliya dibadbaxa Sabtida waa la ogolaaday”

  13. Puntland oo soo jeedisay in shirka arrimaha doorashada lagu qabto garoonka diyaaradaha

    Maamulka Puntland ayaa soo jeediyay in kulanka lagu wado in uu dhexmaro madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada uu ka dhaco garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

    “Dowladda Puntland waxay soo jeedinaysaa in shirarku ka dhacaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu, waxayna ka filaysaa Xafiiska Qaramada Midowbay iyo AMISOM inay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Puntland.

    Puntlanda ayaa madaxweynaha ku eedeysay in uu wado tallaabooyin uu ku ‘carqaladeynayo’ wadahadallada ku aadan hannaanka doorashada.

    Dhanka kale, Jubaland ayaa sheegtay inay diyaar u tahay ka qeybgalka shirka arrimaha doorashada balse waxay ku xirtay in uu ka dhaco meel amnigeedu si weyn loo adkeeyay.

  14. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Arbaco ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.