You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Qof looga shakisan yahay in uu Al-shabaab yahay oo lagu qabtay caasimadda Turkiga

Tabinta Tooska ah

Tebin toos ah

Abdishakur Asowe

  1. Axmed Cabdulcasiis oo ururka IS u yaqaanaan Abu walaa oo xukun lagu riday

    Dalka Jarmalka waxaa 10 sanno iyo badh oo xariga ah lagu xukumay nin reer Ciraaq ah oo lagu soo eedeyay inuu yahay tababare sare oo ka tirsan ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ah.

    Maxkamadeynta oo socotay muddo 3 sannadood ah ayaa ugu dambeyn Ahmad Abdulaziz Abdullah oo 37 jir ah lagu helay dambiga ah inuu taageerayay kana mid ahaa ururka Daacish.

    Waxaa la sheegay in Magiciisa afgarashada ee ururka uu ahaa Abu Walaa waxa uuna imaam ka ahaa misaajid ku yaalla Hildesheim kaasi oo ilaa muddadaasi xiran.

    Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in isaga iyo 3 kale ay tabarbar u fidinayeen dhalinyarada dooneysa iney ku biiraan ururka Daacish si ay uga soo dagaallamaan Suuriya iyo Ciraaq.

    Ahmad Abdulaziz ayaa isagoo magangalya doona ah yimid dalka Jarmalka sannadkii 2001-dii.

  2. Dowladda oo diiwaangelisay kiisas hore leh oo fayraska corona ah

    Soomaaliya ayaa waxaa dhawaan ku soo laba kacleeyay xanuunka fayraska corona iyadoo ay dadka uu soo ridanaya iyo kuwa u dhimanayaba ay sare u kacaday ayaa waxay wasaaradda caafimadka Soomaaliya tiarada maalin laha ku sheegay in 24-kii saacadood la soo dhaafay guud ahaan tirada laga baaray COVID-19 wadanka ay tahay 674.

    Waxaa laga helay 105 qof.

    Banadir: 90

    Jubaland: 10

    Koonfurgalbeed: 2

    Hirshabeelle: 2

    Galmudug: 1

    Lab: 65

    Dhedig: 40

    Dhimasho: 3

    Bogsashada: 2

    Tirada Guud ee Laga Helay: 6,549

    Bogsashada Guud: 3,783

    Dhimashada Guud: 218

  3. Dowladda Soomaaliya oo war-saxaafadeed ka soo saartay waxbarashada

    Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay sheegtay in war-saxaafadeedka hoose ay ku cadeyneyso in adeegyadii Waxbarashada la sii joogteeyo iyada oo marwalba la raacayo habraacyada ka hortagga COVID-19 ee ay ku baaqday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda.

  4. Mudaharaadyo ka dhaca Bosaaso oo la mamnuucay

    Taliska ciidamada amaanka Puntland ee gobolka Bari ayaa shacabka u sheegay in ay joojiyaan mudaharaadyada, wax isusoobax ahna aysan sameynin.

    Ku simaha taliyaha qeybta, Korneyl Yuusuf Cabdi Cartan, ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada qeybahooda kala duwan yeesheen shir looga hadlayo xoojinta amniga gobolka bari, ayna kasoo saareen amarro.

    Shir jaraa'id oo uu u qabtay warbaahinta ayuu ku faahfaahiyay amarrada kasoo baxay kulankooda.

    "Maadaama ay maalmahan jireen tashwiishyo ku saabsan mudaharaadyo iyo waxyaalo kale, waxaan isugu nimid inaan shirkaas ku xoojinno amniga, waxaana kasoo baxay go'aanno," ayuu yidhi Korneyl Yuusuf.

    Isagoo go'aannadaas sharraxaya ayuu intaas raaciyay: "Dhammaan dadweynaha ku nool magaalada Boosaaso waxaan u sheegeynaa, oo ka wacyi galineynaa in ay joojiyaan dadka wada mudaharaadka. Waxaa kaloo aannu u sheegeynaa inuusan jirin wax isu imaad ah, uusanna dhici karin. Waxaannu ka hor tageynaa saddexda bari ee soo socota, oo waxaan diyaar u nahay inaan xoojinno amniga gobolka Bari."

  5. Codsiyada baasaboorrada cusub ee Soomaaliya oo la hakiyay

    Laanta socdaalka ee dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay hakad galineyso qabashada codsiyada baasaboorrada cusub ee Soomaaliga, sababo la xiriira fayraska corona ee aad ugu sii xoogeystay Soomaaliya.

    Wargelin ay waaxdu soo dhigtay baraha bulshada ayey ku tidhi: "Khatarta Caabuqa COVID19 oo sii kordheysa awgeed, Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu, waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa, in laga bilaabo maalinimada Sabtida ah, taariikhduna tahey Febaraayo 27, 2021 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe."

    Hayadaha dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay qaadayay tallaabooyin ku aaddan xakameynta faafitaanka fayraska.

    Dhinaca kale, wasaaradda Caafimaadka ee ay hoggaamiso Dr Fowsiyo Abiikar ayaa shacabka uga digtay khatarta cudurka, waxaana dadweynaha loogu baaqay in ay dadaalka dhankooda ka sameeyaan.

    Sidoo kale waxay wasaaraddu ka digtay in warar been abuur ah laga faafiyo xaaladda cudurka.

  6. Qof looga shakisan yahay in uu Al-shabaab yahay oo lagu qabtay caasimadda Turkiga

    Qof lagu tuhunsan yahay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab ayaa maanta oo Arbaco ah lagu xiray magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee Anadolu, oo soo xigatay ilo wareedyo amni.

    Ruuxa la qabtay, oo la ogaaday in uu ka howl-gali jiray Kenya, ayaa lagu qabtay howl-gal ay iska kaasadeen booliska Turkiga iyo hayadda sirdoonka dalkaas (MIT).

    Tallaabadan ayaa timid kaddib markii warqad lagu soo xirayo qofkaas laga soo qaatay maxkamadda. La tuhunsanaha ayaa heysta dhalashada dalalka Jarmarlka iyo Talyaaniga, waxaana magaciisa lagu soo koobay A.B. oo kaliya.

    Al-Sabaab oo fadhigeedu yahay Soomaaliya ayaa ah urur gacan saar la leh shabakadda Al-Qaacidda, waxayna weerarro badan ka fuliyeen Soomaaliya iyo dalal kale oo daris la ah, sida Kenya oo xad la wadaagta Soomaaliya.

  7. 'Ninkii i kufsaday ayaa i dacweeyay'

    Labo gabdhood oo walaalo ah ayaa sheegay in uu aamusiinayo nin ay ka cabanayeen in uu kufsi u geystay, kaasoo ay sheegeen in uu ka gudbiyay dacwad ku saabsan sababta ay arrintaas u sheegeen.

    Gabdhahan oo mataano ah, laguna kala magacaabo Verity iyo Lucy ayaa eedeynta ninka kufsaday iyo magaciisaba ku shaaciyay baraha bulshada kaddib markii ay booliska iska xireen kiiskooda.

    Hase yeeshee isagu wuu beeniyay eedeymaha ay usoo jeediyeen, wuxuuna dalbaday amar maxkamadeed oo lagu qarinayo aqoonsigiisa.

    Verity, Lucy iyo ninka ayaa markii hore isku raacay heshiis iyaga u oggolaanaya in ay dhacdadii ay la kulmeen baraha bulshada ku soo bandhigaan, isagana aysan magaciisa sheegin.

    Dhowr kooxood oo ka mid ah ururrada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyay in kiisaska kufsiga ee maxkamadaha la geeyo ay aad u yar yihiin, laakiin Wasaaradda Caddaaladda ee Britain ayaa sheegtay in wax walba loo sameyn doono sidii dadka tacaddiyada geysta loo marin lahaa sharciga.

  8. Hormuud oo neefta Oxygen-ta ugu deeqday bukaannada Covid-19 ee Soomaaliya

      • Author, Abdishakur Asowe
      • Role, Journalist, Nairobi

    Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ee Soomaaliya ayaa tallaabo u qaadday dadaallada lagu caawinayo bukaannada la xanuunsan cudurka Covid-19 ee kusoo labokacleeyay Soomaaliya.

    Muddooyinkanba waxaa soo baxeysay cabasho iyo walaac xooggan oo ku aaddan in uu gabaabsi noqday adeegga hawada Oxygen-ta ee bukaannada neefsashada dhibeyso lagu xidho.

    Hormuud ayaa sheegtay in ay ilaa 1,000 haamood oo hawadaas ku jirto ah ugu deeqday bukaannada.

    Farriin ay Hormuud soo dhigtay Twitter-ka ayey ku tidhi: "Maadaama ay kordheen kiisaska Covid-19 ee Soomaaliya, lana la'yahay adeegga Oxygen-ta ee neefsashada ka caawiya bukaannada, waxaan isbitaallada maxalliga ah ugu deeqnay 1,000 haamood oo Oxygen ah."

    Cabdi xoog leh ayaa ka dhalatay soo labokacleynta cudurka ee gudaha Soomaaliya, iyadoo isbuucyadii lasoo dhaafay ay isbitaalka Martiini ku geeriyoodeen dad la il darnaa fayraska, oo ay ka mid yihiin shakhsiyaad caan ka ahaa bulshada dhexdeeda.

    Dowladda Soomaaliya ayaa ku talisay in dadka ay sameeyaan dadaalka looga hortagayo faafitaanka cudurka, ayna si joogto ah u xirtaan maaskarada. Inta badan shaqaalaha dowladda ayaa lagu amray in ay guryaha kasoo shaqeeyaan.

  9. Uganda oo beenisay in madaxweyne Museveni si qarsoodi ah loo tallaalay

    Wasiiradda Caafimaadka ee dalka Uganda, Jane Aceng, ayaa beenisay warar sheegaya in xubno sare oo ka tirsan dowladda la siiyay tallaalka la dagaallanka Covid-19, ka hor inta uusan waddankaas si rasmi ah u helin tallaalka.

    Ms Aceng ayaa ka jawaabeysay warka ku saabsan in si qarsoodi ah loo tallaallay madaxweyne Yoweri Museveni iyo madaxda ku hareereysan. Warkaas waxaa markii hore shaaciyay wargeyska kasoo baxa gudaha Uganda ee Daily Monitor iyo wargeyska Mareykanka laga leeyahay ee lagu magacaabo Wall Street Journal.

    Qoraal iyo sawir Twitter-ka lasoo dhigay ayey wasaaraddu ku sheegtay "in madaxweynaha iyo xubnaha kale ee madaxtooyada midna aan la siinin wax tallaal ah".

    Uganda ayaa ilaa hadda soo tebisay 40,221 kiis oo fayraska corona ah.

    Waddankan ayaa rajeynaya in uu macaawino ahaan u helo 100,000 oo ah tallaalka loo yaqaanno AstraZeneca, taasoo uu ka sugayo Hindiya. Sidoo kale 300,000 oo tallaalka Sinopharm ah ayey dowladda Uganda ka sugeysaa Shiinaha.

    Lama xaqiijinin waqtiga uu tallaalka gaarayo Uganda.

  10. Madaafiic lagu garaacay magaalo ku taalla Nigeria

    Caasimadda gobolka Borno ee dalka Nigeria ayaa lagu weeraray madaafiic hoobiyeyaal ah, wararkuna waxay sheegayaan in 10 qof ay dhinteen dad kale oo bandanna ay dhaawacmeen.

    Dadka deegaanka ee magaalada Maiduguri ayaa BBC-da u seegay in madaafiic badan laga soo tuuray duleedka magaalada.

    Ma jirto koox ilaa hadda sheegatay in ay weerarkaas mas'uul ka tahay.

    Maiduguri waa meesha ay ka aasaasmeen kooxda Boko Haram, waxayna ka fulin jireen weerarro isdabajoog ah.

    Tan iyo markii ay kooxdaas dhaqdhaqaaqeeda billowday sanadkii 2009, dagaallada jihaad doonka ah waxaa lagu dilay 36,000 oo ruux, qiyaastii labo milyan oo qofna waxay ka barakaceen waqooyiga-bari ee Nigeria.

  11. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Arbaco ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo meelo kale.