You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Diyaraado caalami ah oo duulimaadyadooda joojiyay ka dib rabshadihii Muqdisho ka dhacay

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Mushaarkii sanatarkii Gaarisa ee geeriyooday oo la sadaqeynayo

    Allaha u naxariiste , Qoyskii uu ka baxay senetarkii Gaarisa Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa sheegay in lixdii bilood ee u dambeysay musharkiisi ay ugu deeqi doonan caruurta danyarta ah ee ku nool magaalada Gaarisa.

    Goankan ayay qoyskiisa ku sheegeen dardaarankii aabahood oo ay fulinayaan.

    Labada wiil ee u dhalay Senator-ka, Nuurdiin Xaaji iyo Cabduul Xaaji ayaa sidaasi ka sheegay xaflad aabahood loogu duceynayay.

    Caruurtu waxay yiraahdeen intii uu xanuunsanaa aad buu uga xumaan jiray in uu qaato mushahaar aan uu shaqo tegin, "Wuxuu rabay inaan la hadalno afhayeenka Senat-ka oo aan u sheegno in isu casilayo, maxaa yeelay wuxuu oran jiray, waa xaaraan in mushahar aan qaato anigo u shaqeynaynin dadka Gaarisa," waxaa sidaasi sheegay wiilkiisa Cabdul Maxamed Yuusuf Xaaji.

  2. Weerar dhaliyay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Kabul

    Ugu yaraan shan qof ayaa geeriyootay laba kalana waa lagu dhaawacay kadib markii qaraxyo kala duwan ay ka dhaceen caasimada Afghanistan ee Kabul,, waxaana maalmihii ugu dambeeyay sii kordhayay tirada weerarada ka dhacaya magaalada. Booliska ayaa sheegay in qof dumar ah ay kamid tahay dadka ku dhintay qaraxyadaasi.

    Ilaa hadda lama oga cida fulisay weeraradaan. Kabul waxaa si xowli ah ugu kordhay tirada dilalka qorsheysan ee lagu dilayo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada, saraakiisha dowladda , saxafiyiinta iyo dadka rayidka ah.

    Wadahadaladii nabadeed ee udhaxeeyey dowladda Afqaanistaan iyo Taalibaan ayaa hakad ku yimid iyadoo maamulka Biden uu dib u eegis ku sameynayo heshiiska ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Afqanistaan kaas oo la saxiixay sanadkii hore.

  3. Abaar laga soo sheegay deegaanno ka tirsan gobolka Waqooyi bari ee Kenya

    Abaar ba'an ayaa laga soo sheegayaa deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee waddanka Kenya kaddib markii roobabkii dayrta aysan si wanaagsan uga da'in inta badan gobolka.

    Deegaannada ay abaarta ku dhufatay waxaa ka mid ah deegaanka Mandheera, halkaas oo barasaabka deegankaasi uu sheegay in xaaladda hadda taagan ay tahay musiibo.

    Cali Ibraahim Roobaa ayaa codsaday in gargaar dagdag ah lala soo gaaro dadka abaaruhu saameeyeen. Wuxuu dawlada dhexe ee Kenya ka codsaday xaaladda inay wax ka qabato si nafta dadka iyo duunyada loo badbaadiyo.

    Cali Ibraahim ayaa sidaasi sheegay mar uu kaalmo biniaadanimo oo isugu jirta cuna iyo biyo gaarsiinayay dad ay abaaruhu halakeeyeen oo ku nool tuulooyin ka tirsan maamulkiisa.

    Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa inta badan waxaa kusoo lablaabto abaaraha iyadoo beelaha halkaasi degan ay mararka qaar ku dagaalaman waraabka iyo daaqa.

  4. Dad ku dhintay dibadbaxyada ka socda Myanmar

    Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyo hor leh oo kasoo cusboonaaday dalka Myanmar kaas oo looga soo horjeedo afgembigii militeri ee bishan ka dhacay dalkaas.

    Booliska waxay adeegsadeen rasaas nool nool si ay u kala eryaan dadkii banaanbaxyada ka dhigayay magaalada Mandalay, sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka iyo warbaahinta gudaha.

    Boqolaal qof ayaa ka qeybgalayay dibadbaxyada maanta ka dhacay caasimadda labaad ee ugu weyn Myanmar, waxaa uu dhaawac soo gaaray tiro dad ah.

    Myanmar waxaa toddobaadyo ka socdaa dibadbaxyo lagu codsanayo in lagu soo daayo hoggaamiyihii dalkaas Aung San Suu Kyi oo ay militeriga xireen.

  5. ONLF oo ka hadashay 'khilaaf siyaasadeed oo hareeyay xisbiga'

    Ururka ONLF oo ka mid ah ururrada mucaaradka ee ka jira deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa la sheegay in khilaaf siyaasadeed uu ka dhex taagan yahay.

    Khilaafkan ayaa la sheegayaa in uu gaaray heer hoggaanka ururkaas uu kala qaybsamo.

    Axmed Yaasiin Shekh Ibraahim oo BBC u sheegay inuu yahay Guddoomiye ku xigeenka cusub ee ONLF ayaa sheegay in si loo badbaadiyo jiritaanka ururka xal loo arkay in isbeddel lagu sameeyo hoggaanka sare ee ONLF, guddoomiyihi horana xilka laga hakiyey, waa sida uu hadalka u dhigaye.

    Dhanka kale afhayeenka ururka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge (Caddaani) ayaa beeniyey in ururka ONLF uu laba garab u kala jabay.

    Wuxuu sidoo kale beeniyey in xubno ka tirsanaa ururkooda ay xisbiyo kale ku biireen.

  6. Diyaraado caalami ah oo duulimaadyadooda joojiyay ka dib rabshadihii Muqdisho ka dhacay

    Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa sheegay in xaaladda garoonka Aadan Cadde ay deggan tahay isla markaana ay jiraan diyaarado caalami ah oo duullimaadyadooda baajiyey.

    Wasiir Maxamed Cabullaahi Saalaad Omaar wuxuu sheegay walxa lagu soo tuuray garoonka uu khasaare u geystay dukaamo dad shacab ah lahaayeen balse uusan waxyeelleyn u geysan garoonka.

    Diyaaradaha caalamiga ee baaqday ayuu wasiirku ku sheegay iney yihiin Turkish airlines, Ethiopian airline iyo Uganda airlines.

  7. Xaaladda Muqdisho oo maanta deggan

    Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa maanta degan kadib qalalaasihii ka dhacay halkaas.

    Isu socodka gaadidka ayaa si caadi ah ku soo laabtay kadib markii shaley ciidamada amniga xireen waddooyinka.

    Mucaaradka waxay sheegeen inay sii wadi doonaan banaanbaxyada ka dhanka ah dowladda.

    Halka dowladda ay ku adkeysatay in aanan la qabin karin isu soo baxyada arrimo ay kamid yiiin amniga iyo cudurka Covid-19 dartood.

    Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika waxay ugu baaqeen dhinacyada isku hayo siyaasadda Soomaaliya in xasiiloonida iyo nabadda ay ka shaqeeyaan.

  8. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey oo war kasoo saaray qalalaasihii Muqdisho

    Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in si weyn uu uga walacsan yahay qalalaasihii shaley ka dhacay Muqdisho.

    Wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku hayo siyaasadda Soomaaliya inay ku dadaalaan xasiloonida.

    Xoghayaha guud wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada in si deg deg ah u yeeshaan kulan heshiis looga gaarayo arrimaha doorashada.

    "Xoghayaha guud wuxuu ku baaqay in la qaddariyo xuquuqda ku saabsan qabashada isu soo bax nabadeed iyo xoriyadda hadalka" ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Qaramada Midoobey.

  9. Mucaaradka Soomaaliya: “Waannu siii wadeynaa bannaanbaxyada”

    Midowga musharraxiinta Soomaaliya ayaa soo saaray warqad ay ku cambaareynayaan waxa ay ku tilmaameen “gaboodfalkii ay dowladda ku weerartay goob ay ku sugnaayeen xubno kamid ah midowga musharraxiinta”

    Waxay intaas ku dareen in dhibaatadii shaley ka dhacday Muqdisho lagula xisaabtami doono madaxweynaha iyo cid kasta oo gacan ku siisay, waa sida ay hadalka u dhigeen.

    Mucaaradka ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadaan banaanbaxyada ka dhanka ah dowladda.

  10. Madaxweyne ku xigeenka Jubaland “Dib baan u qiimeyneynaa laakin mar walbo waan ka qeybgaleynaa” shirka doorashada

    Ayadoo wali aysan caddayn goorta uu qabsoomayo shirkii arrimaha doorashada ee lagu waday inay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada oo madaxweyne Farmaajo uu ku baaqay in Muqdisho uu ka furmo 18-kii bishaan Febraayo ayaa sidoo kale waxa aanan muuqan saasaanta diyaar garoow ku aaddan ka qayb-galka shirkaas.

    Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa BBC-da u sheegay inay diyaar u yihiin ka qeybgalka shirka inkasta oo ay qalaalaase dalka ka dhaceen isla markaana ay qiimeynayaan xaaladda.

    "Meel kasta oo lagu qabanayo Jubaland diyaar bey u aheyd, soo jeedinteedi ugu dambeysay waxay aheyd in Muqdisho lagu qabto maadama ay joogto beesha caalamka iyo saamileyda siyaasadda welina tii ayaan ku taaganahay"

    "Shirka waan u diyraasaneyn in aan ka qeybgalno waa tii ay wax dhaceen magaalada xaaladdeedu waad la socotaan, dib baan u qiimeyneynaa laakin mar walbo waan ka qeybgaleynaa" ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

    Halkan ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran.

  11. Muxuu Midowga Afrika ka yiri qalalaasihii ka dhacay Muqdisho?

    Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa sheegay in si weyn uga walaacsan yihiin iska horimaadayadii shaley ka dhacay magaalada Muqdisho.

    Wuxuu dhammaan dhinacyada ugu baaqay inay iska ilaaliyaan falal kasta oo amni darro abuuri kari islamarkaana ay ambaqaadaan waddo kasta oo looga gudbi karo qalalaasaha siyaasadeed.

    Dowladda Soomaaliya waxay dhankeeda sheegtay in ciidamada dowladda weerar lagu soo qaaday halka mucaaradka ay ku eedeeyeen dowladda inay ka hor joogsatay dibedbax ay si nabdood u qaban lahaayeen.

  12. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Sabti ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.