You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Guddiga farsamada ee doorashada Soomaaliya oo kulankooda ka furmay Baydhabo

Tabinta Tooska ah

Tebin toos ah

Abdishakur Asowe

  1. ol'olaha doorashooyinka oo si rasmi ah uga bilowday Itoobiya

    Waxaa maanta si rasmi ah dalka Itoobiya uga bilowday ololaha doorashooyinka baarlamaaniga ah, kuwaas oo la qaban doono bisha June ee soo aaddan.

    Axsaabta siyaasadda ayaa ku tartamaya doorashadan oo ay aheyd in la qabto bishii Agoosto ee sanadkii tegay, markaas oo dib loogu dhigay cudurka Covid-19 awgiis.

    Diiwaangelinta musharrixiinta ayaa sidoo kale isku maalin ka bilaabanaysa toban-ka gobol ee Itoobiya.

    Ololaha ayaa bilaabanaya ayadoo ay jiraan cabashooyin ka imaanay qaar ka mid ah mucaaradka.

    Xisbiga Oromada ee Oromo Federalist Congress ayaa warqad ay u qoreen guddiga doorashooyinka dalkaas ku sheegay in qaar ka mid ah xafiisyadood ay xireen ciidamada dowladdu qaar kalena la buburiyey.

    Jawar Mohammed iyo Bekele Gerba oo ka mid ah xubnaha ugu cad cad mucaaradka Oromada ayaa xiran tan iyo bishii June ee sannadkii tagay, kaddib markii rabshado ka dheceen magaalada Addis Ababa iyo gobolka Oromia ee ugu weyne dalkaas.

    Labadaas nin iyo maxaabiis kale ayaa la sheegay in cuntadii ay ka soomeen.

  2. Shiinaha oo la dagaallamaya tallaal been abuur ah oo malaayiin dollar laga sameeyey

    Shiinaha ayaa tobonaan qof u xirxiray tallaal been abuur ah oo ay ku lug lahaayeen. Dadkaa la xirxiray ayaa la sheegay in ay ku jiraan koox dambiileyaal ah oo tallaalkaas been abuurka ah ka sameeyey lacag gaaraysa 3 milyan oo dollar.

    Booliiska Shiinaha ayaa sheegay in 70 qof oo la tuhunsan yahay loo soo qabqabtay kiisas labaatan gaaraya oo la xiriira wax isdamarinta tallaalka Fayraska Corona.

    Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in koox ka mid ah kooxahaas la soo xirxiray ay isticmaalayeen cusbo iyo biyo la isku milay si ay tallaal ugu ekaysiiyaan.

    Qaar ka mid ah tallaalkaas been abuurka ah ayaana loo qaybiyey cisbitaallada si arrimaha degdeggga ay ugu adeegsadaan.

    Tallaal kale oo been abuur ah ayaa sidoo kale loo dhoofiyey dalkaas dibaddiisa. Shiinaha ayaa horay u soo saaray tallaal sax ah oo 4 milyan oo xirmo kor u dhaafaya kaas oo si ballaaran looga isticmaalo dunida soo koraysa.

  3. Senetor Maxamed Yusuf Xaaji oo Nairobi lagu aasay

    Allaha u naxariistee waxaa maanta gelinkii dambe magaalada Nairobi lagu aasay Senator Maxamed Yuusuf Xaaji, wasiirkii hore ee Gaashaandhigga dalka Kenya.

    Maxamed Yuusuf Xaaji oo xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaal Nairobi ayaa muddadii uu xilka wasiirka gaashaandhigga hayay waxaa ciidammada Kenya loo daadgureeyay gudaha dalka Soomaaliya si ay ula dagaallamaan ururka Al-Shabaab.

    Inta uusan dhiman ka horna waxa uu hormuud ka ahaa qorshe la doonayay in dastuurka Kenya wax looga badelo, kaas oo ku yimid is afgarad ay saddex sanadood ka hor gaareen madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

    Marxuumka ayaa lagu aasay qubuuraha Muslimiinta ee Langata.

  4. Madaxda Kenya oo ka baroor diiqaya geerida Yuusuf Xaaji

    Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyeyaal kale ayaa hor kacaya baroor diiqda loo sameynayo Sanatarkii Gaarisa, Maxamud Yuusuf Xaaji, oo geeriyooday isagoo 80 jir ah.

    "Aad bay u murugo badan tahay inaan weynay qof aan sidaas ugu tiirsaneyn, ahaana hoggaamiye reer Kenya ah.

    "Yuusuf Xaaji wuxuu ahaa hoggaamiye aad loo qaddariyo iyo oday xikmad leh, cilmi badan leh, kibradna leh oo sannado badan usoo adeegay Kenya," ayuu yidhi madaxweyne Uhuru Kenyatta.

    Madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa isagana tacsi taas la mid ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka, isagoo sheegay in dalka uu waayay "siyaasi hadiyad ahaa".

    Madaxda kale ee ay sida weyn u taabatay geerida Yuusuf Xaaji waxaa ka mid ah xildhibaanka laga soo doortay degmada Gaarisa, Aadan Barre Ducaale.

    Hoggaamiyeyaasha kale ee baraha bulshada kusoo bandhigay dareenkooda ku aaddan geerida sanatarka waxaa ka mid ah Abshiro Halake, oo ah senetar si magacaabis ah ku tagtay aqalka, madaxa ismaamul goboleedka Kakamega, Wycliffe Oparanya iyo kuwo kale.

    Salaadda janaasada ayaa meydka Yuusuf Xaaji lagula tukaday masjidka Nuur ee ku yaalla xaafadda South C, Nairobi.

    Waxaa lagu aasay abuuraha Langata, waxaana ka qeyb galay madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa, William Ruto.

  5. Guddiga farsamada ee doorashada Soomaaliya oo kulankooda ka furmay Baydhabo

    Guddi uu shalay magacaabay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, kana shaqeyn doona qaban qaabada shirka ay madaxda Soomaaliya ka yeelan doonaan arimaha doorashada ayaa galabta shir uga furmay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed.

    Wasiirka arimaha gudaha, dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, Maxamed Abuukar Cabdi iyo Wasiirka dastuurka dowladda federaalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa warbaahinta u sheegay in dhammaan xubnaha guddiga ay joogaan Baydhabo.

    Ras’iisal wasaare Rooble ayaa khadka Zoom-ka kula hadlay guddiga, isagoo kula dardaarmay inay si hufan u gutaan hawlaha loo igmaday. Guddiga oo ka kooban 14 xubnood ayaa “u gogol xaaraya shirka golaha wadatashiga qaranka ay isugu imanayaan si loo dhamaystiro wadahadalada arimaha doorashada,” sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha.

    Shirkii madaxda Soomaaliya ay uga arinsanayeen arimaha doorashada ee horraantii bishan ka dhacay Dhuusamareeb ayaa ku soo idlaaday natiijo la’aan.

    Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

  6. Golaha Musharaxiinta mucaaradka oo mudaharaad qabanaya

    Golaha Midowga Musharaxiinta xilka madaxweynaha ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay qaban doonaan mudaharaad nabadeysan oo ay ku muujinayaan mowqifkooda ku aaddan arrimaha doorashada.

    Warqad ay goluhu u direen Wasaaradda Amniga ee dowladda federaalka ayaa lagu yidhi: "Golaha Midowga Musharaxiinta wuxuu qabanayaa bannaanbax nabadeed oo ay ka qeyb galayaan hoggaamiyeyaasha Midowga, kaas oo lagu dalbanayo doorasho heshiis lagu yahay, xor iyo xalaal ah, waqtigeedana ku dhacda."

    Warqadda ayaa lagu sheegay in dastuurka dalka uu fasaxayo tallaabada noocaas ah.

    "Qodobka 20-aad ee dastuurka federaalka ah wuxuu tibaaxayaa xorriyadda kulanka, bannaanbaxa, cabashada iyo codsi wadareedka, wuxuuna u dhigan yahay sidan: 'Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu abaabulo, kana qeyb galo kulamo aa bannaanbax oo si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo iyada oo aan oggolaansho loo baahneyn.'"

    Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

  7. Muxu yahay shirka kale ee ka furmaya Baydhabo?

      • Author, Abdishakur Asowe
      • Role, BBC Somali, Nairobi

    Maalinta Talaadada ah ayaa la filayaa in magaalada Baydhabo ee xarunta maamul goboleedka Koonfur Galbeed uu ka furmo shir ay yeelanayaan Guddi farsamo oo uu soo magacaabay Ra;iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

    Guddiga oo ka kala socda maamul goboleedyada ayaa ka arrinsan doona sababihii uu u fashilmay shirkii khilaafka doorashada ee dhawaan ay magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen madaxda federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

    Wasiirka Warfaafinta ee Koonfur Galbeed, Ilyaas Siciid Cali, ayaa BBC-da u sheegay "in 14-ka xubnood ee guddiga ay Bandhabo uga shiri doonaan arrimo farsamo, iyagoo turxaan bixin doona arrimhii looga wada hadlay shirkii Dhuusamareeb.

    Sidoo kale wuxuu wasiirku sheegay in guddigan ay u gogol xaari doonaan kulanka xiga ee ay madaxda federaalka iyo maamullada isugu imaan doonaan.

    "Shirka guddigan wuxuu daba socdaa kulankii magaalada Samareeb ka dhacay 3-dii February, waxaa kale oo uu gogol xaar u yahay shirka ay isugu imaan doonaan madaxda dalka."

    Maanta waxaa baaqday shirkii loo ballansanaa in uu ka furmo magaalada Garoowe, kaas oo uu ku dhawaaqay madaxweyne Farmaajo.

    Kulankaas ayaa qabsoomi waayay kaddib markii Puntland iyo Jubaland ay dalbadeen in uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

    Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

  8. Itoobiya iyo Suudaan oo qarka u saaran in ay foodda is daraan

    Militariga Itoobiya ayaa ka tallaabay xadka, waxayna gudaha u galeen Suudaan, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Suudaan, maalintii Axadda.

    Arrintan ayaa sii xoojisay xiisadda colaadeed ee u dhaxeysa labada waddan ee dariska ah, iyadoo muranka xadka uu soo taagnaa muddo aad u dheer.

    Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Dina Mufti, iyo wasiiru dowlada Arrimaha Dibadda ee dalkaas, Redwan Hussein labaduba suurtagal ma aha in lala hadlo, farriimo loo dirayna kama soo jawaabayaan, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

    Maalintii Sabtida ayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya barteeda Facebook ku sheegtay in "Ambaasadoor Dina uu dowladda Suudaan ka dalbaday in ay joojiso barakicinta muwaadiniinta reer Itoobiya ee ay billowday 6-dii bishii November."

    Itoobiya ayaa sidoo kale Suudaan ku eedeysay in ciidamadeeda ay kusoo xad gudbeen dhulkeeda.

    Isku dhacyo ayaa ciidamada labada waddanka dhex maray sanadkii lasoo dhaafay, colaaddoodana waxay salka ku heysaa muranka lahaanshaha dhulka lagu magacaabo Al-Fashqa, halkaasoo ay dagan yihiin beeraleey Itoobiya u dhashay balse Suudaan ay sheegeyso inuu yahay dhul ka tirsan dalkeeda.

    Bishii lasoo dhaafay Suudaan waxay sheegtay in diyaarad laga leeyahay Itoobiya ay kusoo xad gudubtay, laakiin eedeyntaas Itoobiya way iska fogeysay.

  9. Kulamo ka tirsan Horyaalka Soomaaliya oo maanta la ciyaarayo

      • Author, Abdishakur Asowe
      • Role, BBC Somali, Nairobi

    Kooxaha kubadda cagta ee Heegan iyo Gaadiidka, oo ka wada tirsan Horyaalka Soomaaliya, ayaa maanta yeelan doona kulan xiiso badan oo qeyb ka ah tartankan eybihiisii hore maraya.

    Kulankan oo kii afaraad ah marka la eego ciyaaraha horyaalka ee ilaa hadda la is arkay ayaa ka dhici doona Garoonka Eng Yariisoow ee magaalada Muqdisho.

    Ciyaartan oo dad badan ay xiiseynayaan waxay billaabaneysaa saacaddu marka ay tahay 3:00 PM ee galabnimo.

    In kastoo horyaalka uu billow yahay, haddana waxaa muuqata in uu sii yeelanayo xiiso, kooxuhuna ay doonayaan in ay kaalmaha sare ku dadaalaan.

    Kooxda Raadsan ayaa ilaa hadda ugu sarreysa horyaalka, waxayna aruursatay dhibcaha ugu badan oo ah 12 dhibcood. Waxaa kusoo xigta Muqdisho City oo heysata 9 dhibcood.

    Labada kooxood ee ugu hooseysa horyaalka, ee ku jira booska dib u laabashada waa Midnimo (3 dhibcood) iyo Geeska Afrika (1 dhibic).

  10. Shirkii wadahadalka khilaafka doorashada Soomaaliya oo baaqday

    Waxay u muuqataa in uu baaqday shirkii wadahadalka khilaafka doorashada ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo qorshuhu ahaa in uu maanta furmo.

    Dhinacyada ay khuseyso arrinta doorashada ee muddada dheer soo jiitameysay ayaa ku kala aragti duwan halka uu ka dhacayo shirkaas.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa horay u sheegay in kulanka uu 15-ka bisha oo maanta ku beegan ka furmi doono magaalada Garoowe, laakiin maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa dalbaday in shirkaas lagu martigaliyo magaalada Muqdhisho.

    Labadaas maamul goboleed ayaa horay u sheegay in aysan aqoonsaneyn madaxweyne Farmaajo, maadaama muddo xileedka dowladdiisa oo afar sano ahaa uu dhammaaday 8-dii bishan Februray.

    Sidoo kale Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

  11. Hayadda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa walaac ka muujisay dib usoo labokacleynta cudurka Ebola ee Galbeedka Afrika, waxayna mar kale billowday dadaallada looga fal celinayo.

    Agaasimaha WHO ee gobolka, Matshidiso Moeti, ayaa sheegtay in hayaddu ay ku jirto diyaar garowgii ugu dambeeyay".

    Wasaaradda Caafimaadka ee waddanka Guinea ayaa ku dhawaaqday in Axaddii uu dalkaas ka dillaacay Ebola.

    Dowladda ayaa xarun caafimaad ka sameysay magaalada Goueké ee ku taalla koofurta-bari ee waddanka, halkaas oo kiisaska cusub laga soo tabiyay.

    Saraakiisha ayaa sheegay in ay WHO ka dalban doonaan tallaalka cusub ee dhawaan la sameeyay.

    "Hayadda WHO waxay ku jirtaa heegan sare waxayna xiriir la sameysay warshadda sameysay tallaalka, si loo xaqiijiyo in dawo ku filan loo diyaariyo sida ugu dhakhsiyaha badan uguna macquulsan, si taas ay gacan uga geysato la dagaallanka cudurka," ayuu yidhi wakiilka WHO ee Guinea, Alfred George Ki-Zerbo, oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee AFP.

    Dhinaca kale, saraakiisha caafimaadka ee waddanka Congo ayaa xaqiijiyay kiiskii saddexaad oo Ebola ah oo Jimcadii laga soo tabiyay bariga dalkaas.