You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Dibedbaxyada magaalada Muqdisho

Tebin toos

Tebin toos ah

  1. Mareykanka oo muwaadiniintiisa Myanmar ugu baaqay in guryaha aaney ka bixin

    Dowladda Mareykanka ayaa ugu baaqday muwaadiniinteda ku sugan Myanmar inay gabaad ka dhigtaan guryaha ka dib markii ay soo baxeen warbixinno ku saabsan dhaqdhaqaaqyo milatari iyo carqaladeyn ku imaan karta isgaarsiinta dalkaas.

    Laba todobaad ka hor, militarigu waxay afgembi kula wareegeen Myanmar oo sidoo kale loo yaqaano Burma, iyagoo meesha ka saaray dowladdi rayidka ahayd ee la soo doortay oo ay hoggaaminaysay haweenaydalagau magacaabo Aung San Suu Kyi.

    Maanta oo Axad ah gawaarida gaashaaman ayaa lagu arkay waddooyinka magaalada weyn,ee Yangon, markii ugu horreysay tan iyo markii afgambigu dhacay.

    Dalka oo dhan waxaa ka dhacaya mudaaharaadyo maalintii sagaalaad oo xiriir ah.

    Muuqaalo laga soo duubay gobolka Kachin, ee waqooyiga ku yaalla ayaa muujinayay ciidamada amaanka oo rasaas ku furaya banaanbaxayaasha. Ma cadda in ay adeegsanayeen rasaasta cinjirka ah ama rasaasta nool.

  2. Puntland oo wali ku adkeysanaysa in shirka doorashooyinka uu Muqdisho ka dhaco

    Mamaulka Puntland ayaa wali ku adkeysanaya in shirkii uu ku baaqay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka dhaco magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

    Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii uu baaqa shirka soo saaray waxaa uu sheegay in shirkaas lagu qabanayo magaalada Garowe ee xaruunta maamulka Puntland, hase yeeshee maamulka ayaa xiligaas sheegay in aan lagala tashan sidaas darteedna ay soo dhaweynayaan shirka balse ay iyaguna soo jeedinayaan in shirka lagu qabto Muqdisho.

    Mucaaradka iyo maamulka Jubaland ayaa iyaguna Puntland ku raacay in shirka lagu qabto Muqdisho maadama ay xudun u tahay waxyaabo badan oo muhiim u ah shirka la doonayo in looga hadlo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

    Cabdullaahi Cali Xirsi Tima-cadde oo ah wasiirka war-faafinta maamulka Puntland kana mid ah guddiga maanta uu magacaabay raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa BBC-da u sheegay in wali aaney waxba iska badalin mowqifkoodii hore ee ahaa in shirku uu ka dhaco caasimadda Soomaaliya.

    Hadalkaan ka soo yeeray maamulka Puntland ayaa ku soo aadaya iyadoon ilaa iyo hadda la ogeyn halka shirku ka dhacayo kaas oo wakhtigii lagu baaqay ay saacado kooban naga xigaan.

  3. Turki: Maydadka askar Turkish ah oo laga helay dhul buuraley ah

    Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa meydadka 13 askari oo uu dhashay dalka Turkiga kuwaas oo laga helay god ku yaalla gobolka buuraleyda ah ee waqooyiga dalka Ciraaq, ka dib hawlgal ka dhan ah kooxda Kurdiyiinta, ee PKK oo halkaa laga fuliyay.

    Wasiirka gaashaandhigga ee Turkiga, Hulusi Akar, ayaa sheegay in dhammaan maydadka la helay mid mooyaane inta kale ay madaxa kaga taallo rasaas, taasoo muujineysa dil toogasho ah oo askrtaas lo gaystay.

    Illo dhanka amaanka ah ayaa laga soo xigtay in dadka dhintay ay ku jiraan sirdoonka Turkiga, militariga, iyo booliska.

    PKK ayaa Websit ay leeyihiin waxaa ay si fudud ugu sheegteen in maxaabiista qaar ay ku dhinteen intii ay socdeen isku dhacyadii ay la galeen ciidamada Turkiga.

    Mr Akar wuxuu sheegay in afartan iyo sideed dagaal yahan la dilay intii uu socday howlgal qaatay afar maalmood.

  4. Raysal wasaare Rooble oo magacaabay guddi gogal xaar u ah shirka doorashooyinka

    Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay gudi farsamo oo ka shaqeyn doona shir looga arrinsanayo arrimaha cakiran ee doorashooyinka Soomaaliya.

    Xubnaha gudigaan oo ka kooban 14 xubnood ayaa ka kala imaanaya xafiiska raysal wasaaraha,xafiiska madaxweynaha, Maamul goballeedyada iyo gobalka Banaadir,waxaana ay horudhac u yihiin shir golaha wadatashiga qaranku ay isugu imaanayaan si loo sii ambaqaado wadahadalladii udhaxeeyay dowladda federaalka iyo Mamaul goballeedyada ee ku saabanaa khilaafka ka taagan doorashooyinka.

    Magacaabista gudigaan ayaa ku soo aadaysa iyadoo dhawaan madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ku baaqay shir 15-ka bishaan oo maalinta barri ah ku beegan hase yeeshee aan ilaa iyo hadda la isku raacin halka uu shirku ka dhacayo.

  5. Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Suudaan oo la xiray

    Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Suudaan Hassabo Abdel-Rahman ayaa la xiray kaddib markii lagu eedeeyay in uu hurinayay dad dibadbaxyo dhigayay oo kasoo horjeeday qiimaha rootiga dalkaas oo sare u kacay.

    Waxaa sidoo kale la xiray xubno ka tirsanaan jiray dowladdii Cumar Al Bashiir.

    Horraantii toddobaadkan ayay aheyd markii xabsiga loo taxaabay 300 qof oo ka qeyb qaadanayay dibadbaxyo ka dhacay guud ahaan waddanka Suudaan.

    Waxaana xaalad deg deg ah looga dhawaaqay afar gobol oo ka tirsan Suudaan.

    Suudaan waxaa sare u kacay qiimaha lagu kala iibsado rootiga, shidaalka iyo koronta la'aan saameysay dalkaas xilli dowladda kumeel gaarka ah ay la daalaa dhaceyso wax ka qabashada dhaqaale xumida.

  6. Yemen: Dagaal u dhexeeya Xutiyiinta iyo ciidamada dowladda oo ka dhacay Marib

    Wararka ka imaanaya dalka Yemen waxay sheegayaan in tiro kamid ah dagaalyahanada Xuutiyiinta iyo ciidamo taabacsan dowladda ay ku dhinteen dagaal xooggan oo ka dhacay magaalada Marib.

    Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa dhankooda sheegay in 14 kamid ciidamadooda ay dagaalka ku dhinteen halka ay dileen tiro kamid ah dagaalyanahanada Xuutiyiinta 24-tii saac ee lasoo dhaafay.

    Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ayaa tan iyo sanadkii lasoo dhaafay dagaal ku qaadayay magaalada Marib iyo deegaanada ku xeeran si ay uga la wareegaan dowladda.

  7. Guinea oo markii ugu horreysay diiwaangelisay kiisaska cudurka Ebola tan iyo sanadkii 2016-kii

    Ugu yaraan 3 qof ayaa u dhintay cudurka Ebola gudaha dalka Guinea halka cudurka laga helay shan qof oo kale, sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka ee dalkaas.

    Waxaana dadkan uu soo ritay cudurka lagu arkay shuban, matag iyo dhiig kaddib markii ay ka qeybgaleen munaasabad aas ah.

    Intii u dhexeysay sanadihii 2013-kii iyo 2016-kii, in ka badan 11,000 qof ayuu cudurka Ebola ku dilay galbeedka Afrika.

    Waxaa socday dadaallo dhowr ah oo lagu baadigoobayo tallaal looga hortaggan cudurkan, waxaana tallaalka laga adeegsaday Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo markiii ugu horreysay uu ka dillaacay halkaas.

  8. Mucaaradka Soomaaliya oo ku baaqay banaanbax ka dhan ah Farmaajo

    Mucaaradka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Jimcaha nagu soo aadan ay Muqdisho ku qaban doonaan isu soo baxyo ka dhan ah dowladda.

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda ku eedeeyay in aysan daacad ka aheyn inay qabato doorasho xor iyo xalaal ah.

    "Musharraxiinta dood dheer iyo falaanqeyn kaddib waxay go'aansadeen isu soo bax lagu diidan yahay arrimaha aan soo sheegnay in magaalada Muqdisho laga sameeyo maalinta Jimcaha ah.. isu soo baxo waa xuquuq ay dadku leeyihiin dadku ay ku cabiraan dareenkooda"

    "Doorashadii aan xal loo heynin, sidaas darteed dadku inay isugu soo baxaan banaanbax lagu diidan yahay arrintaas lagu dalbanayo dalkan in dariiqi saxda ahaa ee sharciga aheyd in uu aado ayaan ugu yeereynaa dadka Soomaaliyeed" ayuu yiri Sheekh oo maanta ka hadlayay shir jaraa'id ay mucaaradka ku qabteen Muqdisho.

    Dhawaan ayay aheyd markii mucaaradka ay sheegeen inaysan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u aqoonsaneyn madaxwaynaha Soomaaliya maadama uu dhamaaday muddo xileedkiisa.

  9. Halkan ka daawo: Doha Qatar iyo dhalinyarada Soomaalida

  10. Aqalka Sare oo sharci darro ku tilmaamay xeerka lagu soo saaray toddobo kamid ah Golaha Adeega Garsoorka

    Guddoonka Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka ayaa ku gacan seyray xeerka madaxweyne ee lagu soo saaray toddobo kamid ah Golaha Adeega Garsoorka.

    Guddoonka ayaa sheegay in ay tahay gef sharci in Aqalka Sare loo soo gudbiyo xubno aan lagu soo magacaabin hannaan sharci ah, isla markaana xeerka madaxweyne ee tirsigiisu yahay Lr.357 ee soo baxay 30 December 2020 uu si cad u jabinayo qodobada dastuuriga ah.

    Kaas oo khuseeya magacaabista iyo meelmarinta xubnaha Golaha Adeega Garsoorka iyo habraaca uu jideeyay sharciga dhisidda Golaha Adeega Garsoorka.

    Guddoonka Aqalka Sare ayaa intaas ku daray in xeerkaasi madaxweyne aysan wax raad sharci ah oo ay xubnaha ku magacaaban si sharci ah ugu hawlgali karaan.

    "isku dayo lagu dhisayo gole adeeg garsoor ah oo aan waafaqsaneyn dastuurka oo lagu soo saaray 7 xubnood oo ay kamid yihiin 9 xubnood ee golaha adeegga garsoorka iyadoo lagu soo daray guddoomiyaha maxkamadda sare iyo xeer ilaaliyaha"

    Wuxuu intaas ku daray in loo baahan yahay magacaabista xubnahan in la waafajiyo dastuurka.

  11. Saddex haween ah oo lagu dilay Muqdisho

    Rag hubeysan ayaa lagu soo waramayaa inay saaka ku dileen xaafadda Dayniile ee magaalada Muqdisho 3 dumara oo ku socday halkii ay subax kasta u shaqa tagi jireen, sida ay BBC-da u sheegeen dad dagan Dayniile.

    Sedexda dumara ee la dilay ayaa ka shaqaynayay dhismaha wasaaradda gaashaandhiga halkaas oo ay ka qaban jireen hawsha nadaafadda.

    Booliska ayaa sheegay inay bilaabaeen baaritaanka la xiriira ciddii ka dambeysay dilka sedexda gabdhood ee saaka la dilay.

    Ma jirto Illaa hadda cid sheegatay masuuliyadda dilka sedexda dumara ee saaka lagu dilay Muqdisho.

  12. Heshiis horudhac ah oo laga gaaray colaad ka taagneyd deegaan hoostaga Galgaduud

    Dagaallo dhex marayay laba beelood oo wada daga Gobolka Galgaduud ayaa la sheegay in colaaddii heshiis horudhac ah lagu soo afjaray.

    Odayaasha ka kala soo jeeda dhinacyadii ku dagaalamayey deegaanka Xanan-buurre iyo qaar ka mid ah mas'uuliyiinta maamul goboleedka Galmudug ayaa ku guuleystay colaaddii halkaasi ka taagneed in heshiis horudhaca laga gaaro.

    Odeyaasha waxay sheegeen in wixi hadda ka dambeeya iney u gudbayaan sidi xal kama dambeys ah colaaddaasi looga gaari lahaa.

    Salaad Cali Rooble oo ka mid ah odayaashii heshiiskaasi qaybta ka ahaa ayaa BBC-da u sheegay in hadda lagu guuleystay in la joojiyo xabadda isla markaana la sameeyay guddi ka kooban labada dhinac si heshiis kama dambeys ah looga gaaro xaaladda.

    "Waxaa hadda ka hor lagu jiray in xabadda la joojiyo ciidankana la kala qaado ayadiina waa lagu guuleystay, waxaa la sameeyay guddi dhexdhexaad ah oo ka socda labada beelood iyo maamulka ka kooban in aan wax dambe meeshaas ka dhicin"

  13. Biyo la'aan ka jirta deegaan ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya

    Shacabka ku dhaqan degmada Xarshin iyo deegaanada hoostaga gobolka Faafan ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa ka cabanaya biyo la’aan baahsan oo dadka deegaanka soo foodsaartay waloow sida ay sheegeen duunyadu ay wali daaq haysato oo abaar ba’ani aanay deegaanadaas ka jirin.

    Biyo la’aanta ayaa timid kaddib markii riig halkaas ku yaallay uu xumaaday, ceelashiina ay biyo yareeyeen.

    Nuura Cali Faruur oo ka mid ah shacabka ku nool degmada Xarshin ayaa BBC uga warramay heerka ay gaarsiisan tahay biyo la’aanta ka jirta halkaasi.

  14. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Axad ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka