You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Biden oo noqday madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Biden oo noqday madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka

    Joe Biden ayaa si rasmi ah u noqday madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka, kaddib markii daqiiqado ka hor loo dhaariyay xilka.

    Xaflad ay dad yar ka qeyb galeen oo ka dhacday xarunta Capitol ayaa Mr Biden xilka loogu wareejiyay.

    Waxaa sidoo kale xilka madaxweyne ku xigeenka loo dhaariyay Kamala Harris oo ah haweeneydii ugu horreysay ee abid jagadaas loo dhiibo, sidoo kalena ah madow.

    Biden ayaa tartankii doorashada ee dhacay bishii November uga guuleystay Donald Trump oo 4 sano madaxweyne soo ahaa.

    Khudbad uu jeediyay Biden markii xilka si rasmi ah loogu wareejiyay kaddib ayuu ku sheegay "in uu ka shaqeyn doono horumarinta Mareykanka iyo mideynta shacabka".

    Wuxuu wacad ku maray in uu ilaalin doono dimuqraaddiyadda, wax dhib ahana aysan jiri doonin haddii la kala fikir duwanaado.

    Ddkii aan u codeynin ayuu ka codsaday in ay fursad ay ku dhageystaan siiyaan maadaama uu isagu madaxweynaha yahay.

    Inta uu khudbaddiisa waday wuxuu ka qeyb galeyaasha ka dalbaday in daqiiqad aamusnaan ah lagu qaddariyo dadkii u dhigtay cudurka Covid-19.

    Waxaa Biden hadda laga dhowrayaa inuu guda galo shaqooyin badan oo sugaya.

  2. War deg deg ah, Donald Trump oo ka guuray Aqalka Cad

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ay wehlineyso xaaskiisa ayaa isaga guuray Aqalka Cad xilli la filayo in xilka madaxtinimada loo caleemo saaro madaxweynaha la doortay ee Joe Biden.

  3. Diyaaraddii qaadi laheyd Trump oo haatan kasoo caga dhigatay Aqalka Cad

    Diyaaradda Marine One ayaa haatan kasoo caga dhigatay Aqalka Cad ee Mareykanka si ay usoo qaado Donald Trump oo isaga guurayo halkaas xilli filayo in xilka madaxweynaha loo dhaariyo Joe Biden.

  4. Trump oo lagu wado in goor dhaw uu ka guuro Aqalka Cad

    Muddo ka yar saacad ayaa la filayaa in Aqalka Cad uu isaga guuro madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

    Waa maalintii ugu dambeysay ee Trump uu waaga ugu baryo Aqalka Cad.

    Madaxweyne Trump iyo xaaskiisa ayaa saacadda dalkaas marka ay tahay 8:00 isaga bixi doonaa Aqalka Cad.

    Waxayna markii ugu dambeysay raaci doonaan diyaaradda Air Force One taas oo ka dejin doonto goobta Trump uu leeyahay ee lagu ciyaaro Golf-ka oo ku taalla deegaanka Palm Beach ee gobolka Florida.

  5. Dhageyso: Aabo Soomaaliyeed oo la'aa wiil uu dhalay oo tababar ciidan loo qaaday oo ay hadda is-heleen

    Farxaan Khaliif Barre oo ah aabe soomaaliyeed oo ku nool magaalada Boosaaso ayaa maanta BBC-da u sheegay in xalay ay lasoo xiriireen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay in ay la hadashiiyeen wiilkiii uu raadinayay.

    Aabahan ayaa shaley lasoo xiriiriyay BBC-da isla markaana sheegay in wiil uu dhalay oo loo qaaday tababar milateri uusan wax war ah ka helin muddo sanad ah.

    Waalidiin badan oo Soomaaliyeed ayaa maalmahanba walaac ka muujinayay carruur ay dhaleen oo la sheegay in dowladda Soomaaliya ay tababar ugu qaaday dibedda.

    Balse dowladda Federaalka ayaa beenisay wararka sheegayo in askar Soomaali ah oo tababar loo qaaday ay ku dhinteen dagaalka gobolka Tigray ee waddanka Itoobiya.

    Halkan ka dhageyso wareysiga:

  6. Masar: Haweeney loo xiray sameynta Keek 'anshax xumo ah'

    Haweeney u dhalatay dalka Masar ayaa la xiray kaddib markii lagu eedeeyay inay sameysay 'Doolsho' anshax xumo ah, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

    Doolshaha ayaa la sheegay in loo ekeysiiyay 'xubinta taranka', waxaana doolshaha lagu martiqaaday dad ka qeybgalayay xaflad ka dhacday magaalada Al Qaahira.

    Kaddib markii sawirka doolshaha uu qabsaday baraha bulshada, waxaan durbadiiba la xiray haweeneydii soo diyaarisay, markii dambena waxaa lagu sii daayay damaanad lacageed oo gaareyso $319 oo doolar.

    Warar soo baxaya ayaa sidoo kale sheegayaa in dadkii ka qeybgalay xafladdaas ay wajahi karaan tallaabo dhanka sharciga ah.

    Xarunta Daarul Iftaa ayaa ku tilmaantay in diinta Islaamka aysan ogoleyn in la sameeyo doolsho noocaasi oo kale ah.

    "Tallaabadaas waa arrin weerar ku ah qiyamka iyo dhaqanka bulshada"

    Wasaaradda dhalinyarada Masar ayaa lagu soo warramayaa inay raadineyso naadigii soo qabanqaabiyay xafladda qarsoodiga aheyd ee lagu soo bandhigay doolshahan.

  7. War deg deg ah, Mas'uul ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo qarax ka badbaaday

    Warrarka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Maxamad Cabdillahi Cariif uu ka badbaaday qarax wadada dhinaceeda la dhigay oo lala beegsaday gaarigiisa inta u dhaxeeysa Altooba iyo Shakata ee isla degmada Yaaqshiid.

    Illo ku dhawdhaw maamulka gobolka Banaadir ayaa BBC-da u sheegay in hal askari oo ilaallada gudoomiyaha kamid ah uu ku dhintay qaraxa isla markaana ay ku dhaawacmeen labo kale.

    Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa, balse indhawaalaba Al-Shabaab ayaa kordhisay qaraxyada wadada dhinaceeda la dhigo ee lagu bartilmaameedsado saraakiisha dawladda.

    Shalay ayay ahayd markii qarax wadada dhinaceeda la dhigay duleedka Muqdisho lagu dilay afar qof oo ay ku jireen saraakiil ka tirsan maamulka deegaanka Garasbaaley.

  8. Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhin jiray Mareykanka oo geeriyooday

    Waxaa dalka Mareykanka ku geeriyooday Cabdikariim Cali Cumar oo ahaa safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhin jiray Mareykanka.

    Danjire Cabdikariim ayaa ku geeriyooday magaalada Columbus oo maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanaa.

    Wuxuu safiir ka ahaa Mareykanka xilliggii dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

  9. Safiirka Britain iyo Muuse Biixi oo ka wada hadlay arrimaha doorashada

    Safiirka Britain ee Soomaaliya Ben Fender ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi xilli uu booqasho ku tegay halkaas.

    Waxay ka wadahadleen arrimaha doorashada iyo mashaariicda horumarineed ee Britain ka fuliso Somaliland.

    “Kulankan oo daarnaa xog warran guud ayaa lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid ahaayeen arrimaha doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ee golaha wakiillada iyo deegaanka oo lagu wado inay dalka ka qabsoonto 31/05/2021. Ka dib markii ay cayimeen komishanka doorashooyinka qaranka, kuna raaceen saddexda xisbi qaran loona gudbiyey golaha guurtida Somaliland oo go’aanka u danbeeya iska leh” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

  10. Trump oo saacadaha ugu dambeeya ee madaxtinimadiisa cafis u fidiyay dad badan

    Madaxweynaha xilka kasii degayo ee Mareykanka Donald Trump ayaa cafis u fidiyay la taliyihiisii hore Steve Bannon kaas oo wajahayay dacwado la xiriira musuq maasuq.

    Arrintani ayaa imaaneysaa xilli saacado uun ay ka harsan yihiin caleemo saarka madaxweynaha la doortay Joe Biden.

    Trump ayaa sidoo kale cafis u fidiyay in ka badan 70 qof oo kale sacaadaha ugu dambeeyay ee xilka madaxweynaha.

    Mr Bannon wuxuu ahaa la taliyihii Trump xilliggii ololaha doorashada 2016-kii, waxaana bishii Agoosto ee sanadkii lasoo dhaafay lagu soo oogay dacwad ah musuq maasuq oo ku saabsan olole lacag uruurin ah oo ku saabsan dhismaha gidaarka xuduudka Mexico iyo Mareykanka.

    Mr Biden ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah galinka dambe loo dhaariyo xilka madaxwaynanimada.

    Labadii toddobaad ee ugu dambeeyay mudda xileedka madaxwayne Trump ayaa waxaa hareeyay weerarkii taageerayaashiisa ay ku qaadeen dhismaha Capitol Hill, halkaasi oo dabad-baxayaashu ay u dhaceen aqalka Congreska.

  11. Asalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali. Maanta oo Arbaco ah waxaan idin kugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo caalamka.