Dhegeyso: Hiba Nuura oo BBC uga warrantay taariikhda Axmed Cali Cigaal oo Mareykanka ku geeriyooday

Dhegeyso: Hiba Nuura oo BBC uga warrantay taariikhda Axmed Cali Cigaal oo Mareykanka ku geeriyooday
Published

Allaha u naxariistee, waxaa magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ku geeriyooday abwaankii iyo fannaankii waynaa ee hoballada Waaberi Axmed Cali Cigaal. Axmed ayaa la sheegay in uu waayadii dambe ku xanuunsaney halkaasi.

Sidoo kale, abwaanno iyo fannaaniin kala duwan oo BBC-du la hadashay ayaa sidoo kale u xaqiijiyey geerida fannaanka, kana tacsiyeeyey.

Fannaanka ayaa la sheegay inuu qorsheenayey inuu ka qeyb-galo xafladda sanad-guurada maamulka Puntland oo la xuso bisha Agoosto sanad kasta.

Haddaba nolosha iyo taariikhda Axmed Cali Cigaal ayaa waxaa BBC uga warrantay Hibo Maxamed (Hiba Nuura) oo Mareykanka ku sugan. Lifaaqa kore ka dhegeyso wareysigeeda: