Daawo: Lamaane ka tirsan milatariga Ukraine oo isku guursaday jiidda hore ee dagaalka

Published

Lamaane u dhashay dalka Ukraine ayaa is guursaday iyaga oo dhigtay aroos u eg mid milatari kaas oo ka dhacay bar kontarool u dhaw caasimadda Kyiv.

Duqa magaalada Kiev isla markaana ah feeryahan hore, Vitaliy Klitschko, ayaa kamid ahaa dadkii lagu martiqaaday arooska lamaanahan ka wada tirsan ciidanka sida iskood isoo xilqaamay ee ka hortaggayo duulaanka Ruushka ee Ukraine.