You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Muxuu horseedi karaa weerarkii lagu qaaday ciidammada Iran ee Ahvaz?
Dowladaha Mareykanka beenisay eedeyn uga timid Iran oo aheyd inuu ka dambeyay weerarkii sabtidii lagu qaaday ciidamo katirsan milateriga dalkaasi oo lagu dilay deegaanka Ahwaz ee gudaha Iran.
Mareykanka ayaa sheegay in dadka reer Iiraan cadaadis badan ay kala kulmaan dwolada Iiraan.
Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay askar katirsan ciidammada Iran, waxaana mas'uuliyadiisa weerarkaasi sheegtay dhowr kooxood oo ay kamid tahay kooxda Axwaz ee ka dagaalanta gobol kamid ah Iran.
Hadda muhiimadda ay leedahay goobta uu weerarka ka dhacay iyo kooxdan sheegatay waxa ay tahay ayaa weriyaha BBC-da Bashiir Maxamed Caato waxaa uu wax ka weydiiyay Axmed Sheekh Maxamed, Axmed-Tiir oo ka faalooda arrimaha dunida Islaamka.