You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Yuusuf Daba-geed oo markale loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Hiiraan
Published
Wareegto madaxweyne oo kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa lagu magacaabay guddoomiyaha gobolka Hiraan.
Madaxweynaha ayaa xilka guddoomiyaha Hiraan ka qaaday Cabdullaahi Axmed Macalin Sufurow, iyadoo na xilkaasi loo magacaabay Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo dhowr jeer oo horay soo noqday guddoomiyaha gobolka Hiraan.
Haddaba weriyaha BBC-da Bashiir Maxamed Caato ayaa waxaa uu khadka taleefonka kula xiriiray guddoomiyaha cusub, Yuusuf Daba-geed, waxaana uu wax ka weydiiyay waxyaabaha uu ahmiyadda siin doono.